Somali Medical Forums
January 08, 2009, 12:45:13 AM *
Welcome, Guest. Please login or register.

Login with username, password and session length
News: PICTURES: Handicap patients in Martini Hospital needs immediate health care
 
  Website   Home   Help Search Login Register  
Pages: [1]
  Print  
Author Topic: Cudurka Sambab Xaniban oo Mudo Dheer Jiray (Chronic Obstructive Pulmonary Diseas  (Read 262 times)
0 Members and 1 Guest are viewing this topic.
SomaliDoc
Moderator
*****

Points: 0
Online Online

Gender: Male
Location: Somalia
Field: SMF Helper
Posts: 224


Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!


WWW
« on: August 06, 2008, 10:19:29 PM »


COPD waa koox ah cudurada sambabka oo xaniba socodka hawada marka aad neefta sii daynaysid ama qaadanaysid.
Qaar ka mid ah cudurada ugu caamsan waxa ka mid ah:
• Sambab Barar (Emphysema)
• Barankiito Mudo Dheer Jirtay (Chronic bronchitis)
• Neef (Asthma)
Hawadu waxay gashaa oo ka soo baxdaa sambabadaada si loo haqabtiro baahida jirkaaga. Marka socodka hawada ka soo bixi lahayd
sambabadaada uu xanibmo, hawada la isticmaalay ayaa ku joogsata sambabadaada. Taasi waxay keenaysaa inay sambabada ku adkaato inay jirka intiisa kale gaarsiiyaan hawo ku filan.

Sababaha
Sababaha ugu horeeya ee keena COPD waa:
• Sigaar-cabista
• Deegaan wasakheysan oo laga shaqeeyo
• Qiiqa sigaarka ay dad kale cabeen

Calaamadaha
Calaamadaha COPD waa:
• Qufac
• Xiiq
• Neefshada oo dhib kugu ah
Calaamadahaasi waxay noqon karaan kuwo culus oo saameyn kara hawlo maalmeedkaaga.

Daryeelkaaga
Dhakhtarkaaga ayaa sameyn doona baaritaan caafimaad oo amri doono baaritaano ay ka mid yihiin:
• Raajo laabta ah
• Sawir loo yaqaano “CT scan”
• Baaritaan dhiig
• Baaritaanka shaqeynta sambabada
Dhaawaca sambabadaada ka soo gaara COPD lagama baabi’in karo mana jirto bogsiimo. Adiga oo gargaar ka helaya kooxda daryeelka
caafimaadkaaga, waxa aad maamuli kartaa cudurka si loo yareeyo socodkiisa.
Si aad u maamushid COPD:
• Noqo qof firfircoon.
• Jooji Sigaar-cabista.
• Yeelo miisaan caafimaad leh.
• Cun cunto isku dheelitiran.
• Cab cabitaano badan.
• Xukun walaaca ama giigsanaanta.
• Dawooyinkaaga ay ka mid yihiin kuwa la neefsado (inhalers), kuwa ah istariyoodh (steroids) iyo antibiyootikada u qaado sida laguu sheegay.
• Samee haddii la amro ku-daweynta oksijiinta guriga lagu isticmaalo.
• Ka qaybgal barnaamij dhaqancelin sambab si aad wax uga baratid COPD isla markaana samee jimicsi si aad u hagaajisid caafimaadkaaga.

Wixii aad su’aalo iyo walaac qabtid halkaan ka weydii
SomaliDoc
Logged

1- Si aad wax ugu qortid Webka | 2- Si aad uga qeyb qaadatid doodaha | 3- Si aad su'aalo u waydiisid dhakhaatiirta
4- Si aad ula xiriirtid xubnaha kale | 5- Si aad ra'yigaaga u soo bandhigto
Waa inaad magac ku leedahay webka (Halkan Riix)
Pages: [1]
  Print  
 
Jump to:  

Related Topics
Subject Started by Replies Views Last post
Singultus (Chronic Hiccup) Qaybta Su'aalaha Dr.Mahdi 0 215 Last post July 10, 2007, 11:44:02 PM
by Dr.Mahdi
Cudurka Bararka Xiidmaha (Crohn) Cudurrada Guud SomaliDoc 0 369 Last post February 01, 2008, 04:37:15 AM
by SomaliDoc
Cudurka Dhimir Beelidda (Alzheimer) Cudurrada Guud SomaliDoc 0 321 Last post February 13, 2008, 06:05:22 PM
by SomaliDoc
Maxaa Sababa Cudurka Iskitsoofiriiniyada? Cudurrada Maskaxda SomaliDoc 1 389 Last post April 28, 2008, 12:52:29 AM
by Mahadgurey
Xiiq-dheer (Whooping Cough) Cudurrada Caruurta SomaliDoc 0 274 Last post July 17, 2008, 07:13:32 PM
by SomaliDoc
Powered by MySQL Powered by PHP Powered by SMF 1.1.7 | SMF © 2006-2008, Simple Machines LLC Valid XHTML 1.0! Valid CSS!


Google visited last this page Yesterday at 07:58:39 AM