Somali Medical Forums
March 12, 2010, 07:18:24 AM *
Welcome, Guest. Please login or register.

Login with username, password and session length
News: VIDEO: Medical doctors graduated in Somalia
 
  Website   Home   Help Search Login Register  
Pages: [1]
  Print  
Author Topic: Hawlgabka kelyaha (kidney failure)  (Read 834 times)
0 Members and 1 Guest are viewing this topic.
SomaliDoc
Moderator
*****

Points: 0
Offline Offline

Gender: Male
Location: Somalia
Field: SMF Helper
Posts: 455


Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!


WWW
« on: January 15, 2009, 11:40:18 PM »

Marka kelyuhu hawlgabaan, jirka kama saari karaan dheecaanka dheeraadka ah iyo qashinka. Waxay tani dhici kartaa sababta oo ah cudur ama waxyeelo ka timi dhaawac.
Kelyuhu:
• Waxay saaraan biyaha siyaadada ah iyo qashinka
• Waxay dheelitiraan dheecaanada iyo kiimikooyinka jirku u baahan yahay
• Waxay xukumaan cadaadiska dhiigga
• Waxay xukumaan dheecaanada jirka (hormones) ee sameeya unugyo dhiig oo cusub

Kelyuhu waxay biyaha siyaadada ah iyo qashinka ka saaraan dhiigga oo u bedelaan kaadi.
Ka dibna kaadida ayaa laga saaraa jirka.
Dadka badidoodu waxay leeyihiin 2 kelyood.
Qofku waxa uu nolol caafimaad leh ku noolaan karaa isaga oo leh hal kali.
Waxa jira 2 nooc oo ah hawlgab kelyo oo loo yaqaano mid daran (acute) iyo mid soo-jireen ah (chronic).

Hawlgabka Kelyaha ee Daran
Hawlgabka kelyaha ee daran waa kelyaha oo si kadis ah u lumiya hawl qabadkooda oo dhacda saacado ama maalmo gudohood.
Sababaha waxa ka mid ah:
• Caabuq/fashfsh daran
• Gubasho daran
• Waxyeelo ama joogsi ku dhaca dhiigga ku qulqula kelyaha
• Cadaadiska dhiigga oo hooseeya
• Joogsi ku dhaca marinka kaadida
• Hawlgab wadne
• Sumow kiimiko ama maandooriye
Badanaa kelyuhu way soo fiicnaan karaan marka sababta keentay dhibaatada la helo ee la daweeyo.

Hawlgabka Kelyaha ee Soo-jireenka ah
Hawlgabka kelyaha ee soo-jireenka ahi waxa uu dhacaa marka kelyuhu si tartiib ah u lumiyaan shaqadooda.
Waa cudur nolosha qofka oo dhan jira oo aan laga fiicnaan.
Sababaha waxa ka mid noqon kara:
• Cudurada sida sonkorta/sokorowga, cadaadiska dhiigga ee sareeya iyo cudurka wadnaha
• Dhagxaanta kelyaha
• Gufeysan ama dhibaatooyin ku dhaca marinka kaadida
• Lubus (lupus), oo ah cudur isdifaac jir
• Scleroderma, oo ah cudur maqaarka iyo seedaha
• Caabuqa/fashfashka soo-jireenka ah
• Isticmaal-xumida maandooriye
• Sun
Calaamadaha Hawlgabka Kelyaha ee Soo-jireenka waxa ka mid ah:
• Gacmaha, wajiga ama cagaha oo barara
• Isbeddelo ah inta jeer ee aad kaadisid
• Dareen ah daal badan ama tabar-dari
• Madax xanuun iyo wareer
• Lallabo ama matag
• Rabitaanka cuntada oo luma
• Dareen ah neefsashada oo dhib kugu ah
• Maqaarka oo cuncuna

Hawlgabka kelyaha ee soo-jireenka ah ma laga bogsado. Waxa lagu daweeyaa cuntada oo la beddelo iyo dawooyin. Marka kelyaha uu ka
lumo badi hawlgalkoodu, taasoo la yidhaahdo dhamaadka hawlgabka kelyaha (end-stage renal failure), kaadi-saaris (dialysis) ayaa loo baahan yahay dhawr maalmood tobobaadkii. Waxa kale oo doorasho daweyn noqon kara in kelyo lagugu talaalo.

Haddii aad qabtid su'aalo ama walac, halkaan ku weydii
SomaliDoc
Logged

1- Si aad wax ugu qortid Webka | 2- Si aad uga qeyb qaadatid doodaha | 3- Si aad su'aalo u waydiisid dhakhaatiirta
4- Si aad ula xiriirtid xubnaha kale | 5- Si aad ra'yigaaga u soo bandhigto
Waa inaad magac ku leedahay webka (Halkan Riix)
WWW.SOMALIDOC.COM
Pages: [1]
  Print  
 
Jump to:  

Related Topics
Subject Started by Replies Views Last post
Hawl Gabidda Wadnaha (Heart Failure) Cudurrada Guud SomaliDoc 0 1093 Last post December 18, 2007, 01:08:59 AM
by SomaliDoc
Urgent Question - Heart Failure Qaybta Su'aalaha Student of Knowledge 1 432 Last post January 03, 2008, 01:24:25 PM
by Dr.Mahdi
International Kidney Alart!! 2008 volume. Health News and Events Mankay 0 238 Last post January 04, 2008, 11:09:11 PM
by Mankay
UN survey failure!! Feel Free Here Yaxya 3 464 Last post March 16, 2008, 07:07:42 AM
by Yaxya
Man donates kidney to best friend!!! Health News and Events Pharmacist 0 207 Last post April 05, 2008, 03:37:24 AM
by Pharmacist
Powered by MySQL Powered by PHP Powered by SMF 1.1.9 | SMF © 2006-2009, Simple Machines LLC Valid XHTML 1.0! Valid CSS!


Google visited last this page Yesterday at 02:23:46 AM