Somali Medical Forums
March 10, 2010, 06:15:31 PM *
Welcome, Guest. Please login or register.

Login with username, password and session length
News: DISCUSSION: Does Teething Cause Diarrhea?
 
  Website   Home   Help Search Login Register  
Pages: [1]
  Print  
Author Topic: Lafa-beel (Osteoporosis)  (Read 336 times)
0 Members and 1 Guest are viewing this topic.
SomaliDoc
Moderator
*****

Points: 0
Offline Offline

Gender: Male
Location: Somalia
Field: SMF Helper
Posts: 455


Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!


WWW
« on: July 11, 2009, 09:24:24 PM »

Lafa-beel waa cudur keena inay kaa dhintaan unugyada lafuhu ka samaysan yihiin. Markay unugyadaasi dhintaan, lafuhu si fudud bay u jabaan.

Calaamadaha
Inta badan calaamado gaar ah malaha cudurkani. Qofku isagoon ogayn inuu cudurkan qabo ayuun buu ku dareemi karaa inay lafihiisii jilceen amase uu si fudud u jabi karaa.
Markuu cudurkani ku dhaco laf-dhabarta waxaa lagu dareemi karaa xanuun had iyo jeer kaaga yimaadda dhabarka, iyo iyadoo aad itaal darrayso, iyo inaad soo qalloocsanto sidii wax tuur leh.

Baaritaannada
Kala hadal dhakhtarkaaga baritaanka loo sameeyo lafa-beelka. Waxaa laga yaabaa inuu dhakhtarkaagu kuu diro baaritaanadan midkood Heel ultrasound: Baaritaankani wuxuu eegaa lafabeelka. Waxaad u baahan tahay inaad iska saarto kabaha iyo sharabaadada. Waxaa dhulka la dhigaa sixniyo yaryar oo aad isku taagto. Dhowr daqiiqadood ka dib waxaa lagu siinayaa jawaabta, mana aha wax xanuun leh
• Baaritaan cufnaanta lafaha (scan), oo loo yaqaano DEXA – Waxa weeye sawir X-Ray/Raajo ah oo lagu cabbiro dhumucda lafahaaga ee halka ay ku dhammaato lafdhabarta, miskaha amase kuraankurta gacantu.
Baadhitaankani isna wuxuu qaataa dhowr daqiiqadood. Hasoo xiran dhar ay ku jiraan biro, sida badhamo ama sib bir ah amase waayirro ay ku jiraan. Jawaabta waxaa laguugu sheegayaa inta aad lafahaaga luminayso.
• Baaritaan dhiig – Baaritaankan waxaa lagu sameeyaa oo lagaa qaadayaa dhiig, waxaana lagu baaraa xaaladaha sii kordhinaya inaad lafo beesho.

Xannaanadaada
Bilow xilli hore intaadan waynaanin inaad ka hor tagto lafo-jajabka. Ilaali in lafahaagu ay noqdaan kuwa caafimaad qaba noloshaada oo dhan.
Daawayntu way ku caawin kartaa amase hakin kartaa inaad lafo beesho, hayeeshee ma jirto dawo lafo-jajab.
• Cun cunto ay ku badan tahay kaalshiyam amase qaado dawo ahaan kaalshiyam kaabe ah maalin kasta.
 Haddii da’daadu u dhaxayso 19-50 jir, cun 3 inood amase 1000 milligaraam oo kaalshiyam ah maalintii.
 Haddii da’daadu ka wayn tahay 50 jier, cun 4 inood amase 1200 milligaraam oo kaalshiyam ah maalintii.
 Kaalishiyamka waxaa laga helaa caanaha, iyo cuntooyinka ay kaalshiyamku ku badantahay sida cabitaannada iyo heedda badarka iyo qamidiga laga sameeyo ee lagu quraacdo.
 Kaalshiyamka oo aad dawo u qaadataa waxay bannaan tahay markaad  cuntada si fiican uga qaadan kari waydo kaalshiyam kugu filan.
 Haka badin intaad qaadanayso ee kaalshiyam ah intii laguu qorey.
 Fiitamiin D ayaad u baahan tahay si aad Kaalshiyam u qaadato.
Adigoo 15 daqiiqadood jooga cadceedda usbuucii saddex maalmood ayaa kugu filan Fiitamiin D jirkaagu u baahan yahay. Haddii aadan helayn cadceed, waa inaad qaadataa maalintii 400-800 oo cabbirka adduunka ah ee Fiitamiin D.
• Is ilaali in culayskaagu noqdo mid fiican. Haddii aad shilis tahay khatar baad ku jirtaa inaad lafo-beesho.
• Caadayso socodka, orodka dheesha iyo xarakaad kale 3-4 saacadood toddobaadkii.
• Sigaarka jooji cabitaankiisa.
• Ilaali oo xadid cabitaanka kafeega iyo cabitaanka kaarboonta leh.
• Kala hadal dhakhtarkaaga dawoowinka kaa anfaca inaad lafo beesho.
• Waydii dhakhtarkaaga sida laguugu beddeli karo isdaawaynta Istorojiin ay caadadu kaa joogsanayso. ama qanjirada dhalmada lagaa saaro.Istorojiin waxay ka hortegi kartaaa inaad lafo beeshao, hayeeshee waxaa jira khataro ay keeni karto daawayntani. Kala hadal dhakhtarkaaga faa’iidada aad ka helo karto iyo halista ay kugu keeni karto.

Haddaad wax su’aalo ah ka hayso ama shaki ka qabto halkaan ka weydii
SomaliDoc
Logged

1- Si aad wax ugu qortid Webka | 2- Si aad uga qeyb qaadatid doodaha | 3- Si aad su'aalo u waydiisid dhakhaatiirta
4- Si aad ula xiriirtid xubnaha kale | 5- Si aad ra'yigaaga u soo bandhigto
Waa inaad magac ku leedahay webka (Halkan Riix)
WWW.SOMALIDOC.COM
Pages: [1]
  Print  
 
Jump to:  

Related Topics
Subject Started by Replies Views Last post
Osteoporosis Basic Medical Science huma 7 654 Last post December 22, 2009, 05:10:34 AM
by Femto
Powered by MySQL Powered by PHP Powered by SMF 1.1.9 | SMF © 2006-2009, Simple Machines LLC Valid XHTML 1.0! Valid CSS!


Google visited last this page March 05, 2010, 04:15:13 PM