Somali Medical Forums
January 07, 2009, 11:45:07 PM *
Welcome, Guest. Please login or register.

Login with username, password and session length
News: DISCUSSION: Does Teething Cause Diarrhea?
 
  Website   Home   Help Search Login Register  
Pages: [1]
  Print  
Author Topic: Su'aal (Lugo Barar)  (Read 116 times)
0 Members and 1 Guest are viewing this topic.
Raaliyo
Newbie
*

Points: 0
Offline Offline

Gender: Female
Posts: 6



« on: July 28, 2008, 08:42:10 PM »

salamu calykum

bacda salaan walaalayaal waxaan isku arkay mudo lix bilood cagaha hoose baa i bararaya waliba markaan qaato kabo xiran dhaqtarkana dhiig buu iga qaaday wuxuu dhahay waxba ma qabtid waliba lugaha waa i huraan oo i xanuunaan qaas ahaan kuleelka waqtiga qabooga ima xanuunaan markaa bal walaalayaal iga siiya talo siin waxa keenaya  sababtaan



many thanks
Logged
SomaliDoc
Moderator
*****

Points: 0
Online Online

Gender: Male
Location: Somalia
Field: SMF Helper
Posts: 224


Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!


WWW
« Reply #1 on: July 28, 2008, 09:29:02 PM »

Bararka waa xaalad ka dhalatay murqaha cagaha oo aad u shaqeeyay oo soo saaray dheecaanno keenaya in lugaha la bararaan khaas ahaan markii la xirto kabo daboolan ama kugu dhegan.

Badanaa caga bararka aad sheegtay waxay dhacdaa waqtiyada summerka weliba markuu qofku wax badan istaagnaado ama lugeeyo.

Haddii caga bararka aad sheegtay aysan la socon calaamado kale sida neefsashada oo ku dhibta ama culeys siyaada ah oo kugu kordha ama aad isku aragtid isbadal maqaarka lugaha ah, wax dhib ah malahan.

Lugaha ama cagaha oo barara waxay calaamad u yihiin oo kale cudurro badan taasoo laga ogaan karo baaritaan dhiig.
Waxaa kaloo keena bararka daawooyinka qaar sida kaniiniyada looga hortago uurka, cunno ku badantahay cusbada iyo karbooheydaraatka.
Caga bararka waxaa kaloo keeni kara murqaha lugaha ama cagaha oo dhaawac kaa gaara, uurka, iyo xididada arooriyaasha ee dhiigga oo xirma.


Talooyinkaan raac si uu kaaga yaraado bararka:
1- Ha qaadan kabo kugu dhegan
2- Qaado iskaalshooyin ama shuraabado kaa xigsada kabaha.
3- Hadii aad isku aragto barar yar kor u qaad lugahaaga.
4- Hadii aad qaadato daawooyin sida kuwa caloosha socodsiiya ama dareeriyaasha iska jooji.
5- Samee jimicsi joogto ah (Jimicsiga waxuu wanaajiyaa socodka dhiigga)
6- Iska yareey culeeska siyaadada ah.
7- Iska ilaali fadhiga iyo istaagga aadka u dheer.

Hadii aad u baahantahay faahfaahin dheeraad ah, halkaan ka weydii
SomaliDoc
Logged

1- Si aad wax ugu qortid Webka | 2- Si aad uga qeyb qaadatid doodaha | 3- Si aad su'aalo u waydiisid dhakhaatiirta
4- Si aad ula xiriirtid xubnaha kale | 5- Si aad ra'yigaaga u soo bandhigto
Waa inaad magac ku leedahay webka (Halkan Riix)
Pages: [1]
  Print  
 
Jump to:  

Powered by MySQL Powered by PHP Powered by SMF 1.1.7 | SMF © 2006-2008, Simple Machines LLC Valid XHTML 1.0! Valid CSS!


Google visited last this page December 30, 2008, 08:14:40 AM