Somali Medical Forums
January 07, 2009, 08:59:47 PM *
Welcome, Guest. Please login or register.

Login with username, password and session length
News: DISCUSSION: Does Teething Cause Diarrhea?
 
  Website   Home   Help Search Login Register  
Pages: [1]
  Print  
Author Topic: Caadka Indhaha (Cataract)  (Read 259 times)
0 Members and 1 Guest are viewing this topic.
SomaliDoc
Moderator
*****

Points: 0
Online Online

Gender: Male
Location: Somalia
Field: SMF Helper
Posts: 224


Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!


WWW
« on: May 27, 2008, 07:21:26 PM »

Caadka indhuhu (cataract) waa caad fuula leniska (lens) isha/qaybta isha ee nalku ka gudbo taasoo keenta in araggu dhib noqdo. Caadku waxa uu fuuli karaa hal il ama labada indhoodba. Caadku waxa uu caam ku yahay dadka waaweyn.

Qodobada Halista ee Imaanshaha Caadka
Halista imaanshaha caad indhaha fuula waxa uu la kordhaa da’da.
Qodobada kale ee halista waxa ka mid ah:
  • Qaar ka mid ah cudurada iyo sonkorta/sonkorowga
  • Sigaar-cabista
  • Isticmaalka khamriga
  • Iftiinka cadceedda oo si badan kugu dhaca

Calaamadaha Caadka Indhaha
Calaamadaha caadka indhaha fuula si tartiib ah ayuu mudo dheer u sameysmi karaa.
  • Arag caad saaran yahay ama isku darsan
  • Waxa la arkaa iftiin ku wareegsan laydhka ama nalalka ama laydhka/nalalka ayaa si weyn u cad
  • Aragga habeenkii oo xun
  • Aragga oo ah laba-laba
  • Midabada oo aad moodid kuwa khafiifay

Daryeelkaaga
U tag dhakhtarka indhaha haddii aad qabtid mid ka mid ah calaamadahaa. Dhakhtarkaagu waxa uu sameyn doonaa baadhitaan indho si uu u baadho dhibaatooyin. Haddii dhibaatooyinkaaga araggu ay qas galiyaan hawlo maalmeedkaaga, waxa laga yaabaa in dhakhtarkaagu ku taliyo qalitaan. Qalitaanku waxa uu saaraa leniska caadka leh waxana uu ku beddelaa lenis artifishal ah ama la sameeyay. Adiga iyo dhakhtarkaaga ayaa go’aan ka gaadhi doona haddii qalitaanku yahay daweynta kuugu fiican.

Waxa laga yaabaa in leniskaaga si tartiib ah mudo dheer caad u fuulo, sidaa daraadeed waxa laga yaabaa inaanad u baahan qalitaan mudo sannado ah. Waxa laga yaabaa in dhakhtarkaagu ku taliyo muraayado indho oo cusub, iftiin ka cad intii hore oo aad isticmaashid, muraayadaha qoraxda ee baajiya cawarista qorraxda ama leniska weyneysada ah si loo hagaajiyo araggaaga. U hubso in laguu sameeyo baadhitaano indho oo joogto ah si adiga iyo dhakhtarkaagu uga hadashaan goorta qalitaan loo baahan yahay.

Sida Loo Badbaadiyo Araggaaga
  • Haddii aad jirtid 60 ama aad ka weyntahay, ha laguu sameeyo baadhitaan indho oo leh weyneyn ugu yaraan hal mar labadii sannadooba.
  • Cun cagaar badan, khudaar iyo cuntooyin kale oo badan oo leh ‘antioxidant’.
  • Gasho muraadaha qorraxda iyo koofiyad si aad isaga ilaalisid iftiinka qorraxda ee ah ‘ultraviolet’.
  • Maamul sonkorta/sonkorowga aad qabtid adiga oo la kaashanaya dhakhtarkaaga iyo nafaqo-yaqaan.
  • Iska jooji sigaar-cabista.
  • Iska jooji khamriga.

Haddii aad qabtid su’aalo ama walaac, halkaan ka weydii.
SomaliDoc
Logged

1- Si aad wax ugu qortid Webka | 2- Si aad uga qeyb qaadatid doodaha | 3- Si aad su'aalo u waydiisid dhakhaatiirta
4- Si aad ula xiriirtid xubnaha kale | 5- Si aad ra'yigaaga u soo bandhigto
Waa inaad magac ku leedahay webka (Halkan Riix)
Pages: [1]
  Print  
 
Jump to:  

Related Topics
Subject Started by Replies Views Last post
Qeybaha Baaritaanka Indhaha Cudurrada Indhaha SomaliDoc 0 264 Last post April 12, 2008, 03:56:35 AM
by SomaliDoc
Powered by MySQL Powered by PHP Powered by SMF 1.1.7 | SMF © 2006-2008, Simple Machines LLC Valid XHTML 1.0! Valid CSS!


Google visited last this page January 03, 2009, 05:38:01 AM