Somali Medical Forums
January 08, 2009, 01:36:22 AM *
Welcome, Guest. Please login or register.

Login with username, password and session length
News: VIDEO: Medical doctors graduated in Somalia
 
  Website   Home   Help Search Login Register  
Pages: [1]
  Print  
Author Topic: Gulukooma (Glaucoma)  (Read 232 times)
0 Members and 1 Guest are viewing this topic.
SomaliDoc
Moderator
*****

Points: 0
Online Online

Gender: Male
Location: Somalia
Field: SMF Helper
Posts: 224


Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!


WWW
« on: August 06, 2008, 10:25:22 PM »


Gulukooma waa cudur indhaha ku dhaca oo keeni kara indho-la’aan ama lumis arag. Marka aad qabtid gulukooma, dheecaan ayaa iska buuxiya isha, taasoo cadaadis saarta xagga dambe ee isha. Cadaadiskaasi waxa uu dhaawac u geystaa dareemaha iftiinka (optic nerve) waxana uu sababaa lumis arag. Badanaa marka hore waxa waxyeelo soo gaaraa aragga dhinacyada, taasoo ay ku xigto aragga xagga hore.

Noocyada Gulukooma
Laba nooc ee ugu weyn gulukooma waa:
• Gulukooma xagal-furan (open-angle glaucoma) badanaa ma laha calaamado ilaa ay ka gaarayso heer fog. Si tartiib ah ayuu cadaadisku waxyeelo u gaarsiiyaa dareemaha iftiinka mudo dheer ka dib. Taasi waxay saameysaa labada indhoodba laakiin waxa laga yaabaa inaad marka hore calaamado ku aragtid hal il.
• Gulukooma xagal-xiran (angle-closure glaucoma) waxay leedahay cadaadiska oo dhakhso sare u kaca iyo calaamado dhakhso u yimaada. Lumis arag oo joogto ah ayaa ku dhici karta maalin gudaheed sidaa daraadeed waxa si weyn muhiim u ah inaad heshid daryeel caafimaad isla markiiba.

Xaaladaha Halista
Waxa aad halis u tahay inaad yeelatid gulukooma haddii aad:
• Leedahay qof ka tirsan qoyskaaga oo qaba gulukooma
• Qabtid sonkor/sonkorow ama kaadi-macaan, dhiig-kar ama cadaadis dhiig oo sareeya, cudur wadnaha ah ama shaqo-yarida qanjirka qoorta (hypothyroidism)
• Arag dhowdahay
• Haddii dhaawac isha kaaga dhacay, laguu sameeyay qalitaanada indhaha qaarkood ama aad qabtid barar indho oo mudo dheer jiray
• Qaadanaysay istariyoodh (steroids) mudo dheer
• Ka weyn tahay da’da 60

Calaamadaha
Glucoomada waxa laga yaabaa inaanay yeelan wax calaamado ah ilaa ay ka imanayso lumis arag. Calaamadaha kale ee aad isku arki kartid waxa ka mid ah:
• Arag isku darsan
• Giraamo iftiin ah oo ku wareegsan wax iftiimaya (Halos)
• Lumis aragga dhinacyada (peripheral vision)
• Arag si weyn u dhuuban (Tunnel vision)
• Indho casaada
• Xanuun indho oo daran
• Lallabo iyo matag

Daaweyn
Waxa laga yaabaa in dhakhtarkaaga indhuhu sameeyo baaritaano si loo hubiyo:
• Cadaadiska isha
• Dareemaha iftiinka
• Aragga
Gulukooma lama bogsiin karo isla markaana dhaawaca ay keento lama tirtiri karo. Laakiin marka la helo daweyn, cadaadiska isha ayaa la yareyn karaa waxana la badbaadin karaa araga haray si aanu u lumin. Dhibco isha lagu dhibciyo ayaa ah daweynta ugu horeysa ee ugu caamsan ee lagu daweeyo gulukooma. Daweynada kale waxa ka mid noqon kara dawooyin afka laga qaato, daweyn la adeegsanayo laysar (laser) ama qalitaan. Marka aad qabtid gulukooma, waa in la daweeyo inta ka haray noloshaada oo dhan.

Daryeelkaaga
Ma jiro wax la xaqiijiyay oo lagu baajin karo gulukooma. Haddii la dareemo cadaadis isha ku soo kordhay oo goor hore la daweeyo, waxay taasi yareyn kartaa lumista aragga waxana ay baajin kartaa indho-la’aan.
• Indhahaaga ha laguu eego oo ha laga baaro gulukooma ugu yaraan shantii sannadood mar ka dib da’da 40 jir. Haddii tirada cadaadiska ishu ay sare u soo kacdo, waxa aad u baahan doontaa in laguu sameeyo baaritaano indho oo intaa ka badan.
• Si loo baajiyo cadaadiska indhahaaga oo soo kordha:
 Hal siyaabo aad ku maareynaysid giigsanaanta ama walwalka (stress).
 Si joogto ah u samee jimicsi.
 Yaree cabidda kaffeyga.
 Cun cunto caafimaad leh oo ah khudaar iyo cagaar.
 Xiro badbaado indho marka aad shaqeynaysid ama ciyaaraysid si loo baajiyo dhaawac.
• Xadee ama yaree sonkortaata/sonkorowga, dhiig-karka, kolesteroolka iyo khatarrada cudur wadne.
• Ha isticmaalin dawooyinka dhirta/geedaha ah ee loo xayaysiiyo daweynta gulukooma. Lama xaqiijin waxtarkooda waxana laga yaabaa inay daahiyaan daweyn haboon oo aad heshid.

Haddii aad qabtid wax su’aalo ama walaac ah, halkaan ka weydii
SomaliDoc
Logged

1- Si aad wax ugu qortid Webka | 2- Si aad uga qeyb qaadatid doodaha | 3- Si aad su'aalo u waydiisid dhakhaatiirta
4- Si aad ula xiriirtid xubnaha kale | 5- Si aad ra'yigaaga u soo bandhigto
Waa inaad magac ku leedahay webka (Halkan Riix)
Pages: [1]
  Print  
 
Jump to:  

Powered by MySQL Powered by PHP Powered by SMF 1.1.7 | SMF © 2006-2008, Simple Machines LLC Valid XHTML 1.0! Valid CSS!


Google visited last this page January 05, 2009, 06:15:15 AM