Somali Medical Forums
July 29, 2010, 10:26:10 PM *
Welcome, Guest. Please login or register.

Login with username, password and session length
News: VACANCY: HAIDO: Somali Specialists Needed Here...
 
  Website   Home   Help Search Login Register  
Pages: [1]
  Print  
Author Topic: Cabeebka Ibta (Candida of the Nipple)  (Read 1160 times)
0 Members and 1 Guest are viewing this topic.
SomaliDoc
Moderator
*****

Points: 0
Offline Offline

Gender: Male
Location: Somalia
Field: SMF Helper
Posts: 522


Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!


WWW
« on: August 18, 2008, 07:35:43 PM »

Muxuu yahay?
Waa nooc ka mid ah cabeebka waana infakshan waxaana sababa khamiirka (Candida albicans). Si kasta ha ahaatee, badanaa waxba ma yeesho maqaarka caadiga ah. Badanaa infakshanku wuxuu ku dhacaa maqaar horayba u bukay. Wuxuuna badanaa ku dhacaa meelaha maqaarku mar walba qoyan yahay ama diiran yahay, sida meelaha maqaarku isku laabmo.
Wuxuu kula dhacaa ama la socdaa jira-maqaareedka (dermatitis) iyo eksimada maqaarka.
Dhibaatooyinka ugu waaweyn ee naasnuujinta dumarku waxay ka timaada qoynta, iyo qalajinta iyo qoyaanka diirimaadka joogtada ah oo ka imanaya naas-siinta ilmaha, taas oo maqaarka ibtu ku qalalo. Taasi waxay isu bedeshaa eksima sahlan waxayna ku keentaa ibta naaska dildilaac iyo xannuun. Duruufaha noocan ah, cabeebku wuxuu markaas waxyeella eksimadii wuxuuna u eg yahay dhibca cadaana oo yaryar. Waxaana markaas imaanaya xannuun.
Infakshanka uu keeno cabeebka noocaan ahi wuxuu badanaa dhacaa marka daawo loo qaato infakshana kale. Wuxuu kaloo dhici karaa marka infakshan kale ku jiro afka ilmaha.

Sidee looga hortagaa?
Talaabada ugu muhiimsan oo lagaga horetegi karaa cabeebka noocaan ah oo ibta naaska ku dhaca waa in layska ilaaliyaa qalaylka eksimadu keento, xoqmida iyo dildilaaca ibta naaska. Waa in saabuunta laga fogaadaa marka la dhaqaayo maqaarka. Is marinta joogtada ah ee maqaar qooyaha sida boomatada gacanta ku baaba’da ama boomatada ka samaysan Paraffin, ama mid ka mid ah waxyaallaha lanolin oo cusub waa in la isticmaalaa haddii ibtu qalasho.
Isku day inaad bedesho midka naaska lagu daboolo si aan caanuhu ugu soo dusin raajabeetada hana qaadan mid ka samaysan balaastik. U furida naaska hawada ayaa laga yaabaa inuu ka celiyo dildilaaca.

Sidee loo daweeyaa?
Ibta oo jiran eksimana yeellatay, caabuqna galay waxaa lagu dawayn karaa kareemka cortisone oo dhakhtar kuu qoray. Waxaa kaloo lala isticmaalayaa kareemka lidka noocyada cabeebka si loo daweeyo. Waxaa laga yaabaa in naaska lagu dhaqo qadar yar oo ah kareemada aqueous ama sorbolene inta aan naaska la siin ilmaha. Intaan xaalladu ka sii darin, waxaa laga yaabaa inay lagama maarmaan tahay inaad ilmaha ka joojiso nuujinta naaska dhibaataysan. Inta waqtigaan lagu jiro waa in naaska lagu lisaa qalabka loogu talagalay in lagu liso oo markaas ilmaha caana lagu siiyaa dhalada ama wax kale oo ku haboon.
Haddii cabeebka noocaan ahi dhaco inta la isticmaalayo daawada antibaayootikiska, waxaa jiri kara baahi loo qabo daawada antibaayotikis afka laga qaadanayo. Sidoo kale waa in la daweeyaa cabeeb kasta oo ilmuhu afka ku yeesho.
Marka cabeebka iyo eksimadu ay degaan, kareemka qooya jirka oo joogta loo isticmaalo ayaa suurta gelinaya in aanu soo noqon. Isticmaalida saabuunta waa in laga fogaadaa.

Macluumaadka intaas ka badan, halkaan ka waydii
SomaliDoc
Logged

1- Si aad wax ugu qortid Webka | 2- Si aad uga qeyb qaadatid doodaha | 3- Si aad su'aalo u waydiisid dhakhaatiirta
4- Si aad ula xiriirtid xubnaha kale | 5- Si aad ra'yigaaga u soo bandhigto
Waa inaad magac ku leedahay webka (Halkan Riix)
WWW.SOMALIDOC.COM
Pages: [1]
  Print  
 
Jump to:  

Related Topics
Subject Started by Replies Views Last post
Cabeebka Ilmaha - Candida (Thrush) Cudurrada Caruurta SomaliDoc 0 1549 Last post May 09, 2008, 09:31:59 PM
by SomaliDoc
Powered by MySQL Powered by PHP Powered by SMF 1.1.11 | SMF © 2006-2009, Simple Machines LLC Valid XHTML 1.0! Valid CSS!


Google visited last this page July 27, 2010, 05:59:53 PM