Author Topic: Gedef (Rickets)  (Read 18637 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Online SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 3862
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Gedef (Rickets)
« on: May 24, 2008, 01:22:50 PM »


Gedef-ku waa xanuun  afka qalaad lagu dhaho "Rickets", waa lafaha caruurta oo jilicsan ama dabacsan, sababtuna waa fitamiin D-ga oo ku yar.

Fitamiin D wuxuu jirka u leeyahay faa'idooyin badan, wuxuu ku caawiyaa kaalsiyamta lafaha laga sameeyo in cunnada laga soo saarto, hadduu fitamiin D-gu yar yahay, kaalsiyamta ayaa yaraato, waxaana sidaa ku dhumo tayadii lafaha, waxaana caruurta ku dhaco xanuunka "Gedef-ka", dadka waawayne waxaa ku dhaca xanuunka loo yaqaano "Lafobeel-ka", waa xanuun haweenka soomaalida ku badan, ee ka akhriso halkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=2132.0

Fitamiin D yarida waxay ka timaadaa, nafaqo darrida, waxay kaloo ka timaadaa qorax la'aanta, waxay kaloo ka timaadaa xanuuno kale sida kilyo xanuunka.

Waa maxay astaamaha lagu garto xanuunkaan?
  • Korriimada oo daahda
  • Xanuun iyo daqnasho laf-dhbarta, miskaha iyo lugaha
  • daahid socodka ah.
  • Tabardarri murqaha
  • Xanaaq fudud
  • Qallooc lugaha sida qaansada oo kale iyo jilbaha oo is-taabto..
  • Adkaansho seedaha gacanta iyo lugaha.
  • Soo baxsanaanta lafaha feeraha iyo kalxamaha.

Yaa halis ugu jira xanuunkaan?
  • Xanuunkaan wuxuu ku badan yahay dadka midabka madaw oo u guuray dhulalka qabow oo qoraxda lahayn.
  • Wuxuu kaloo ku badan yahay caruurta lagu koriyo guryaha dabaqayda oo aan qoraxda arkin.
  • Wuxuu kaloo ku badan yahay caruurta u dhasha hooyooyinka fitamiin D yarida hayso
  • Dadka qaato daawooyinka qaar sida daawooyinka HIV-ga iyo daawooyinka Qallalka.

Muxuu dhibaato keeni karaa xanuunkaan?
  • Korriimo la'aan
  • Qallooc lafdhabarta iyo lafaha kale
  • Cillad ilkaha ah
  • Qallal

Sidee lagu ogaadaa xanuunkaan?
Caruurta xanuunkaan uu hayo waxay dhakhaatiirta ku fahmi karaan aragti marka hore, meelaha laga fahmo xanuunkaan waxaa ugu horeeyo: lafta madaxa, lugaha, feeraha iyo kalagoysyada gacanta iyo lugta.

Dhakhtarka wuxuu lafaha qaar saari doonaa raajo si loo hubiyo xanuunkaan, maadaama lafaha lagu arko astaamo u gaar ah xanuunkaan.

Sidee loo daaweeyaa Gedef-ka?
Daawaynta ugu horrayso waa qaadashada fitamiin D-ga iyo kaalsiyamta iyadoo dhakhtarka kuu qiyaasi doono inta laga qaadanayo iyo muddada la qaadan doono.
Ogow naas nuujintu ka hortag uma ahan xanuunkaan, daawane uma noqon karto.

Caruurta uu xanuunka ku daahay, waxaa lagu sameeyaa qalliin lagu toosinayo lafaha qalqalloocday.

Haddii aad su'aal caafimaad ah qabtid iigu soo gudbi qeybta su'aalaha: http://somalidoc.com/smf/index.php?board=31.0
http://somalidoc.com


Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Follow him on: