Diseases and Conditions > Cudurrada Guud
Garashada Sonkorowga (Diabetes)
SomaliDoc:
Haddii aad qabto sonkorow sannado badan iyo haddii lagu yiri sonkorow baad hadda qabtaa, keligaa ma tihid. Inta u dhaxaysa 170 - 180 malyan oo qof ayaa qaba sonkorow dunida. Xogta hoose ayaa kaa caawimi doonta garashada sonkorowga iyo sida loogu noolaado horumar adigoo qaba.
Qoraalkan waxaan uga jawaabi doonnaa su'aalahaan hoos ku qoran:
* Waa Maxay Sonkorow?
* Sidee Baan u Dareemi Doonaa Sonkorowga?
* Sidee Buu Dhakhtarku Ku Ogaanahayaa Inaan Sonkorow Qabo?
* Sidee Baa Loo Daweeya Sonkorowga?
* Maxaa Keena Sonkorowga?
* Ma Waxaa Jira Hal Nooc Kabadan oo Sonkorowga ah?
* Caruurtaydu Ma Ku Dhici Doonaa Sonkorowgu?
* Ma Jirta Daawo Sonkorowga?
* Maxaan Kalo u Baahanahay iInaan Barto Xukunka Sonkorta?Hoos u soco si aad u akhrisatid jawaabaha su'aalahaan kore....
Department of Endocronology
The Ohio State University Medical Center
SomaliDoc:
Sonkorowgu waa cudur uusan jirku si haboon uu isticmaali karin cuntada quwad ahaan. Unugyada tirada badan ee jirka ku jira waxay u baahan yihiin shidaal ay ku noolaadaan oo ku koraan.
Jirku wuxuu u jejebiyaa cuntada aad cunto inta badan nooc quwad ah oo loo yaqaan sonkor (glucose). Glukoos waa eray kale oo la yaqaan sonkorta. Insuliin waa hormoon ku caawiya sonkorta inuu ka wado dhiigga oo geeyo unugyada jirka.
Insuliinka jirka waxaa sameeya beeryarta (Pancreas). Qof ma noolaan karo Insuliin la'aan.
Sonkorowga, waxaa jira hal dhibaato ama ka badan oo insuliinka ah. Kuwaas waxaa ka mid ah:
* Beeryarta oon insuliin samayn (Nooca 1 sonkorowga)
* Beeryarta oon samayn insuliin ku filan, ama jirka oon isticmaali karin insuliinkii uu sameeyey (Nooca 2 sonkorowga).
SomaliDoc:
Qof walba si gooni ah ayuu uga jawaabaa sonkorowga. Qaar ka mid ah calaamadaha digniinta ee sonkorowgu waa:
* Biskood soo daaha (tartiib)
* Awood darro (awood la'aan ama kacsi la'aan)
* Fursad culays (kordhid ama lumid)
* Aragti caad leh
* Kaadi tiro badan
* Oon
* Noog xad dhaaf ah / daalid
* Hurgun jirka ah iyo cuncunDadka qaarkood ma oga inay sonkorow qabaan waayo ma qabaan calaamadaha digniinta. Sonkorowgu dhakhso ayuu soo baxaa, asagoon digniin lahayn. Mararka kale si aayar ah ayuu u soo baxaa, dhawr bilood.
SomaliDoc:
Waxaa jira dhawr dariiq oo dhakhtarku u baari karo hadaad sonkor qabto. Waxaa ka mid ah:
Baaridda Dhiigga
Baaridda dhiigga ee ugu caansan oo la sameeyo si loo helo haddii aad qabto sonkorow waa heerka sonkortaada. Haddii aad soomantahay heerka sonkortu waa 126 ama ka badan, inta badan sonkor baa la tuhmaa. Dadka aan qabin sonkorowga waxay leeyihiin in sonkorta markaad waxba cunin ay ka yartahay 110. Baaritaan dhiigag kale ayaa la samayn. Inta badan waxay u baahan yihiin inaadan cunin ama cabin waxba habeenkii. Maalinta xigta waxaad u aadi doontaa xaafiiska ama shaybaarka baaritaan dhiigag socda 2 ama 3 saacadood.
Baaritaan Guud
Dhakhtarku mararka qaarkood wuxuu kaa heli karaa calaamadaha sonkorowga korkaaga asago samaynaya baaritaan.
Calaamadaha iyo Sumadaha Sonkorowga
Asago kula hadlaya, dhakhtarku wuxuu heli kara inaad qabto dhawr calaamadood oo sonkorow ah sida kabuubyada ama gubasha cagaha iyo lugaha iyo kacsi la'aanta.
Isticmaalka baaritaanka dhiigga, baaritaan jireed iyo weydiinta calaamadaha digniinta iyo sumadaha, dhakhtarku wuu ogaan doonaa haddii aad qabto sonkorow.
SomaliDoc:
Natiijada daaweynta noocyada sonkorowga oo dhan waa inaad heerka sonkorta ku haysa sida ugu dhaw caadiga (heerka qiyaasta 80-120). Si loo sameeyo tan waa cuntada laysu dhelli tiro, daawada (insuliin ama tan afka / kiniin) iyo jimicsi ayaa loo baahan yahay.
Aad bay muhiim u tahay in aad loo barto sonkorowga inta aad awoodo. Meelaha ugu muhiimsan waa cuntada, daawada iyo dhaqdhaqaaqa. Barashada sonkorowgu waxay kaa caawimaysa helida xogta, xirfadda iyo isku filaanshaha aad u baahan tahay. Wax badan ood ka ogaato sonkorowga, si wanaagsan ayaad u xadidi doontaa.
Navigation
[0] Message Index
[#] Next page
Go to full version