Isfiilatadu waxay ka mid tahay cudurrada lagu kala qaado galmada oo layska qaado marka ay istaabtaan xubnaha galmada ama xubnaha galmada iyo xuubka afka ama futada.
Halkaan ka akhriso cudurrada kale ee galmada lagu kala qaado:
http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,245.0.htmlCudurka waxaa xataa gudbin karta hooyada oo u gudbin karta ilmaha inta ay uurka ku jiraan ama haddi ay dhiig u shubto.
Heerarka isfiilitadaIsfiilitada waxay martaa seddex heer:
HEERKA 1aad (Primary)Qiyaastii seddex wiig kedib marka laysku daartay waxaa jirka ka soo baxaya boog ay galeen bagteeriyo. Boogtu waxay badanaa ka soo baxdaa xubnaha galmada, laakiin wey ka soo bixi kartaa xataa futada, afka gudihiisa ama meelo kale ee oogada ka mid ah. Boogtu xanuun saas ma laha, dhowr wiig keddibna iyadaa iskeeda u baabbi'i iyadoo aan la daweyn. Qanjirada u dhaw boogta wey bararayaan, laakiin lama dhibsado. Markan waxaa lagu jiraa heerka 1aad ee cudurka aadna looma garto.
HEERKA 2aad (Secondary)Haddii cudurka aan wax looga qaban heerka 1aad, wuxuu laba bilood keddib u gudbayaa heerka 2aad. Dhibaatooyinka caadiga u ah heerka 2aad waa firiirac ka soo baxa meelo kala duwan ee oogada ah, timaha oo daata, qanjirbarar, xoogaa qandho ah, madax xanuun iyo daal.
Haddii cudurka aan lagu daaweyn heerka 2aad, wuxuu u gudbayaa heer cusub oo uu qarsoon yahay, kaasoo qofkana uusan wax dhibaato ah ka muuqan. Isku daarashada xaga galmadana wey yaraaneysaa , laakiin weli waa la qaadsiin karaa ilmaha uurka ku jira.
HEERKA 3aad (Tertiary)Sanado badan keddib wuxuu cudurku u gudbi karaa heerka 3aad, markaas oo uu weeraro maskaxda, wadnaha, haragga iyo lafaha.
CALAAMADAHA LAGU GARTOWejiga 1aad (Xilliga hore ee waraabowga)- Calaamaduhu waxay soo muuqdaan 1-12 toddobaad ka dib marka cudurka la qaado
- Nabarro aan xanuun lahayn oo ka soo baxa afka, xubnaha taranka ama dabada
- Nabaradu waxay ku qarsoonaan? karaan gudaha xubinta taranka haweenka ama malawadka; Nabaradu waxay gaaraan 1-5 toddobaad
- Nabaradu way baaba'aan, laakiin waraabowgu weli wuu ku jiraa dhiigga Wejiga 2aad (Xilliga labaad ee waraabowga)
- Calaamaduhu waxay soo muuqdaan 6 toddobaad ilaa 6 bilood ka dib marka ay finanka cudurkani soo baxaan
- Finan yaryar (faniinac) oo ka soo daata meel kasta oo jirka ka mid ah
- Calaamado u eg hargabka nooca Flu-ga
Wejiga Suursan (qarsoon)- Ma jiraan wax nabarro ama finan ah, laakiin waraabowgu weli wuu ku jiraa dhiigga isagoo waqtiyada dambe saameyn ku yeelan kara wadnaha, maskaxda, iyo xubnaha kaleba (wejiga saddexaad ee waraabowga)
ISU GUDBINTAWaraabowga waxa Fidiya:
- Galmada caadiga ah
- Galmada aan caadiga ahayn
- Hooyo cudurka qabta oo u gudbisa ilmaha
DHIBAATOOYINKA KA YIMAADA CUDURKANHaddii Aan la Daaweyn, Waraabowgu wuxuu Keeni Karaa:
- Cudurka wadna xanuunka
- Indhabeel
- Waxyeello soo gaarta maskaxda
Waraabowga Waqtiga Uurka la Leeyahay Wuxuu Keeni Karaa:
- In haweenka uurka leh dhalaan ilmo aan nooleyn
- Ilmaha oo dhasha isagoo wax qaba (defects)
- Waxyeelo culus oo soo gaarta lafaha, maskaxda, sambabada, beerka, iyo xubnaha kale ee ilmaha cudurka qaaday
KA HORTAGGATalooyin ku Saabsan sida loo Yareeyo Fiditaanka Waraabowga:
- Nabarada ku dhaca xubnaha taranka waxay noqon karaan kuwo xubnahaasi kaga dhaca meelaha bacda galmadu (condom) ay dabooli karto. Waxay kaloo ku dhici karaan meelaha ayna bacda galmadu dabooli karin. Bacda galmada, marka loo isticmaalo si joogta ah saxna ah, waxay yarayn kartaa khatarta inaad qaaddo waraabowga kaliya marka bacdu ay ku daboolan tahay meesha nabarka leh.
- Isticmaal bac galmo oo ku habboon markasta oo aad samaynayso galmo caadi ah ama aan caadi ahayn
- Ka fogow zinada iyo gogol-dhaafka.
- U tag dhakhtarkaaga si aad baaritaan u samaysid haddii aad ka shakido inaad cudurka qaadday
- Ogeysii dadka ay galmadu idinka dhaxayso isla markiiba haddii aad qaaddo cudurka
- Waa inaad hubisaa in dadka ay galmadu idinka dhaxayso la baaro lana daaweeyo
BAARITAANKABaaritaan dhiig oo sahlan oo uu qaado takhtarka ayaa lagu ogaan karaa isfiilitada.
Islamarkaasna waxay qaadan kartaa dhowr wiig marka cudurka la qaado ilaa iyo inta ay tijaabadu cudurka ka sheegto.
DAWEEYNTADaaweynta Waraabowga:
- Waraabowga waa la daaweyn karaa marka la qaato daawadiisa saxda ah ee dhakhtarku qoro
- Dadka ay galmadu ka dhaxayso waa in isku mar la daaweeyaa
Cirbado Binisheliin ah waxay 100% wax ka taraan isfiilitada. Dadka xasaasiyada ka qaba Binishiliinta waxaa loo helayaa dawooyin kale oo waxtar leh.
Adigu waa inaadan galmo sameeyn ilaa lagugu cadeeyo caafimaad qab.
OGOW: In daawada ka dib qofku dib cudurka u qaadi karo.
Akhriso jawaabta su'aashaan:
Waraabow iyo AIDS xiriir ma ka dhaxeeyaa?
http://somalidoc.com