Istar, salaan qaali ah iga guddoon, salaan ka dib;
Warka dheer ee aad ka hadashay walaalay waa war aad u qaalli ah oo run ah, Yaa rayt haddii ay dhalinyarada soomaalida sidaas u fakari lahaayeen badankood, umaddii dhan qabiil iyo cudurro badan baa googooyay oo aanan boosba u reebin rajo in khayr dhici doono. Ilaahay kaliyaa noo maqan waa runtaa.
Waxaas aad sheegtay waa calaamadaha aakhiru zamaanka, marka ha is murjinin waa wax adduunkoo dhan ka jira oo muslinkoo dhan haysta oo ibtala ah, adiga un naftaada ka badbaadi laguu qabsan mayo khaladkooda aakharee. Shaki kuma jiro dadka badankiis inaysan istaahilin nolol iyo ilaahay waxa uu siiyay laakin maa nusawwii, haadaa qadarunaa, anaga waxaan isku dayaynaa inaan ka qayb qaadanno wacyi galinta bulshada soomaaliyeed gaar ahaan mutacallimiinteeda sidii looga tagi lahaa qabiilka iyo wixii la xiriira oo dhan, ahdaafta forumkaan loo sameeyay bayna ka mid tahay, marka that is all we can do, cidna lama khasbi karo murugna wax ku iman mayaan, marka khalliinaa nadcullaah wa nuxaawil, that is all.
Waad mahadsantahay Istar,
Ciise Dheere.