Author Topic: Daahidda Hadalka iyo Hadal La'aanta Caruurta  (Read 31076 times)

0 Members and 3 Guests are viewing this topic.

Offline Ifrah

  • Newbie
  • *
  • Posts: 5
  • Points: +0/-0
  • Gender: Female
Daahidda Hadalka iyo Hadal La'aanta Caruurta
« on: December 14, 2008, 01:04:50 AM »
SC  dhaqatarkena somaliyeed ee wanaaga badanwaxan qaba su,aal aad muhiima igu ah oo ku saabsan  canaug yaro aan dhalay oon hadlaynin waxuuna jiraa 3sano  ma ogi dhibka jiro waana laygu soo jiiday bir aya madax looga soo qabtay maxayeelay curad ayuu ahaa wana wayna misaankiisa marka cafimafimadkisa ama muqaalkiisa aad ayuu u fiicanayahay lakin waxan isleeyahay armay birta wax yeshay mid kalne waxa jirtaa mudane dhaqtarkena qaaliga ah waxaan ku seexn jiranay marku seexnayo ruxruxid  maxa yeelay wuu oohin badna  curadna wa ahaa waxan u ruxi jirnay sidii canaha  garoor malagayaba inay ruxidi wax kadhibtay  akhii fillaah bal adaan ku af aqanaaye isoo jawaab aad baan uga nurugsanhay wiilkayga ??



Somali Medical Forums

Daahidda Hadalka iyo Hadal La'aanta Caruurta
« on: December 14, 2008, 01:04:50 AM »

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 3690
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Daahidda hadalka iyo hadal la'aanta caruurta
« Reply #1 on: December 19, 2008, 02:37:31 PM »
Dib u dhac ku yimaado cod soo saarista iyo hadalka caruurta waxay calaamad u noqon kartaa xaalado badan.
Xaaladahaasi waxaa ka mid ah hawlgab maskaxda, soo daahidda hadalka guud, dhagoolnimada, dhib xagga luqadda ah, dhibaato nafsaani ah, gooniyowga caruurta iyo jug maskaxda gaartay.

Dib u dhaca hadalka waxaa kaloo keeni kara, laba luqad lahaanshaha, sida hooyo iyo aabbo ku hadlo luqado kala duwan, ama luqadda guriga looga hadlo iyo midda bulshada ku hadasho in ay kala duwan tahay.

Dib u dhaca hadalka caruurta waa mushkilad saameysa ilaa 10% caruurta dunida ku nool.
Dib u dhaca hadalka caruurta waxaa 3 ilaa 4 jeer uu ku badanyahay wiilasha markii loo fiiriyo gabdhaha.

Maxaa keeno dib u dhaca hadalka iyo hadal la'aanta
Dhacsanaan Miyireed (Ilmo ku dhashay maskax yari, tanina waxaa la socod howlgabka howsha maskaxda guud sida fahamka iyo dhaqanka)
Dhago La'aanta (Hadalka waxay ilamaha ku bartaan dhagaysiga, haddi ilmuhu dhagool yahay, hadalka wuu ka soo daahaa)
Cuuryaannimo Maskaxeed (cudur ku dhaco caruurta markii madaxa dhaawac ka gaaro oo leh hadal la'aan wato cuuryaannimo)
Dhakaakaha iyo Gooniyowga (Waa xaalad ay sababto xanuun jir ahaaneed ee maskaxda taas oo soo baxda saddexda sano ee qofka noloshiisa ugu horeysa, calaamadaha waxaa ka mid ah carqalad jir ahaaneed, bulshada iyo xirfada luqadda iyo dareemayaasha oo aan si caadi aheyn u jawaaba..
Hooyo la'aanta iyo bulsho ka go'ista (Ilmaha oo waayo naxariista iyo jaceelka waalidiinta)
Cudur asiibay maskaxda sida xanuunka Qoorgooyaha "Meningitis" iyo Maskax-bararka "Encephalitis".

Hormarka caadiga ah ee hadalka
1 ilaa 6 bilood: Wuu hadaaqaa
6 ilaa 9 bilood: Faruuryaha ayuu cod ka soo saaraa
10 ilaa 11 bilood: Codadka ayuu dhaajiyaa
12 bilood: Hooyo iyo aabo ayuu dhahaa isagoo macnaheeda fahansan
13 ilaa 15 bilood: Afar ilaa 7 kalmadod ayuu dhihi karaa
16 ilaa 18 bilood: 10 kalmadood ayuu dhihi karaa
19 ilaa 21 bilood: 20 kalmadood ayuu dhihi karaa
22 ilaa 24 bilood: 50 kalmadood, wuxuu weero ka suubin karaa laba kalmadood, hadalka caruurta xilligaan way fahmi karaan dadka oo dhan.
2 ilaa 2 1/2 sano: 400 kalmadood oo ay ka mid tahay magacyo iyo weero ka kooban 3 kalmad.
2 1/2 ilaa 3 sano: Wuxuu dhihi karaa weero ka hadlaysa wax tagay, wuu kuu sheegi karaa da'diisa, weero ka kooban 5 kalmadood, wxuuna tirin karaa.
3 ilaa 4 sano: su'aalo ayuu ku weydiin karaa, wuuna sheekeyn karaa.
4 ilaa 5 sano: wuxuu magacaabi karaa ilaa 4 midab, weero ka kooban 9 kalmadoodne wuu dhihi karaa.



Fiiro Gaar Ah: Caruurta dhan ee hadalka ka soo daaho, macnaheeda maahan in ay doqomo yihiin ama maskaxdoodu ay daciif tahay, caruurta hadalka ka soo daaho badankood haddii cillad kale ee maskaxda jirin way ka caqli badan yihiin caruurta facooda ah wayna ka firfircoon yihiin, wayna ka hal-abuursan yihiin, aqoonyahanno caan ah iyo khuburo waxyaabo badan allifay, waxay ahaayeen kuwo markay yaraayeen da' weyn ku hadlay, sidaa daraadeed hadduu hadalka cunuggaaga dhib ku yahay u fiirso dhaqankiisa iyo fahmaddiisa.
Waxyaabaha caruurta hadalka uu ka soo daaho ku firfircoon yihiin waxaa ka mid ah wax sawiridda, wax badane waxay isku dayaan in dareenkooda ay ku cabbiraan sawirka, waxay kaloo kaga duwan yihiin caruurta kale fakarka siyaadada ah iyo khiyaalka, taasoo cillad ku noqon karto hurdadooda.

Baaritaanka hadal la'aanta
Waxaa muhiim ah in la kala saaro hadal la'aanta iyo luqad barashada caruurta, waalidiinta qaar ilmaha hadii aan la fahmin luqaddooda ama dhib ay ku tahay in sida caruurta kale u hadlaan waxay u maleeyaan in mushkilad ka heysato hadalka.
Hadii cunugu cod sameyn karo, haba fahmin luqadiisa waxaa mushkilad ku hayo luqadda, laakiin haddii uusanba kalmad oran karin waa in aad ka walwashaa markaas.
Cunugga qabo mushkillada hadalka ama luqadda waxaa ku haboon in loo geeyo aqoonyahan codeed (speech therapsit) ama dhakhtar caruur si loo ogaado waxa dhibka u keenay.
Waa in la fiiriyaa calaamadaha kale ee la socdo hadal la'aanta uguna muhiimsan tahay in uu wax maqlayo.
Waa in la fiiriyaa in korriinka caruuta ay caadi tahay uusanne qabin cudur dhaxal ah.

Sidee loo daaweyn karaa hadal la'aanta caruurta?
Daaweynta waxa ay ku xirantahay wixii ka soo baxo baaritaanka.
Dib u dhaca hadalka caruurta in lagu guuleysto waxa ay ku xirantahay in waqti hore la billaabo daaweynteeda iyo la tacaaliddeeda.
Waa in aad la xiriirtaa sida ugu dhakhsiyaha badan dhakhtar ku taqasusay hadalka iyo tababarka caruurta maxaa yeelay hadal la'aanta caruurta waxay saameyn ku leedahay korrinka maskaxdooda iyo waxbarashadoodaba.

Si loo xalliyo mushkiladaan waa in ay iska kaashadaan dhawr qof, dhakhtarka caruurta, tababare hadal, macallimiinta  iyo waalidiinta (iyagaana ugu muhiimsan)
Hadii ay mushkiladan keentay dhib la xalin karo iyadane way sahlaysaa in cunugga bilaabo inuu hadlo.
Hadii ay tahayne mushkilo luqadeed iyadane way sahlantahay xalkeeda, haddii la garto waxa keenay oo ay ka mid tahay in waalidiinta ay isku luqad aheyn ama cunugga lagu baro luqad kale iskuulka, bulshadane ay ku hadasho luqad kale.

Su'aashaad ku saabsan in biraha ay wax u dhimeen waa suurtagal, laakiin waa in ay jiraan waxyaabo kale ee la socdo hadal la'aantaas.
Hadal la'aan kaliya inaysan keenin biraha lagu soo jiiday ilmaha ayay u badantahay, caruurta foosha ku daahdo ama biraha lagu soo jiido labadaba waxay dhaawac gaarsiiyaan maskaxda, taasoo saameyso korriinka maskaxda oo ay ka mid tahay hadlidda, xanuunkaan waxaa caafimaad ahaan loo yaqaannaa "Cerebral Palsy" oo ah macnaheeda "Cuuryaamidda Maskaxda"
Ruxrixidda caruurta si loo aamusiyo in ay ilmaha ka daahiso hadalka ma maqal weli.

Haddii aad qabto su'aal kale oo ku saabsan qoraalkaan halkaan ka weydii
http://somalidoc.com
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo boggaan "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Follow him on:
     

Offline Hafido

  • Newbie
  • *
  • Posts: 14
  • Points: +0/-0
Re: Daahidda Hadalka iyo Hadal La'aanta Caruurta
« Reply #2 on: May 18, 2015, 10:40:15 AM »
ASC, Dakaatir Wan Idin salaamay wana idin kaga mahadcelinaaa howsha aadka u faaidada badan eed u haysaan bulshada, intaaa kadib aan siidaba raacsadee anaoo ka faaidaysanaayo qodobka laga hadlaaayo, inta badan markii guryaha lajoogo oo ay qoysku qureecanayan  caruurta waxa laga ilaaliyaaaa in la siiyo beerka xoolaha ari, geel iyo lo.ada kuu doona ha ahaadeee taas oo lagu micneeyo cunitaanka beerka ay cunan caruurta inuu sababo hadalka oo kasoo daaho. maxaa kajira dhaqankaas ama caadadas ay aaminsanyihiiin qoysaska?

MAHADSANIDIIN.

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 3690
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Daahidda Hadalka iyo Hadal La'aanta Caruurta
« Reply #3 on: May 20, 2015, 03:06:52 PM »
Ma ahan arrin ku salaysan cilmibaaris ama aqoon caafimaad waa caado dhaqameed.
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo boggaan "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Follow him on:
     

Somali Medical Forums

Re: Daahidda Hadalka iyo Hadal La'aanta Caruurta
« Reply #3 on: May 20, 2015, 03:06:52 PM »

 

Su'aa: Xanuun caruurta ah Iyo Xanuun indhaha ah?

Started by Nuur12Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 6
Views: 4867
Last post September 06, 2011, 09:46:03 AM
by SomaliDoc
FILIN: Faaidooyinka Kala Durkinta Caruurta (Child Spacing)

Started by AdminBoard Qaybta Wacyi Galinta

Replies: 0
Views: 20293
Last post November 08, 2009, 04:38:03 PM
by Admin
Tilmaamtaada Ee Uurka Caafimaadka Leh, Dhalmo iyo Daryeelka Caruurta

Started by ShenamicBoard Qaybta Wacyi Galinta

Replies: 2
Views: 6613
Last post January 27, 2015, 12:58:16 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Maxaa lagu daaweeyaa Caruurta isku kaadisa?

Started by CilmiSabcaBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 2870
Last post August 21, 2011, 03:10:50 PM
by SomaliDoc
Su'aal: In Caruurta Daawada Lagu Qasbo, Ma Fiican Tahay?

Started by CilmiSabcaBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 2160
Last post December 05, 2011, 06:10:06 PM
by SomaliDoc