Diseases and Conditions > Qaybta Su'aalaha

Su'aal: See Isu Naaxin Karaa?

(1/2) > >>

Wadaniyada:
asc walaalahayag qaaliga ah ee hawsha wayn noo hayoow waan idin salaamay marka labaad

walaalo waxan ahay inan ad u dhuuban baan ahay   ee bal saan isu naaxin karaa oo biniadamka ugu soo darsami karaa walahi cuqdad ayeey igu noqotay dhuubnidii waxaan rabaa talo kasta ee aad igula talisaan in aan oofiyo waxa iga goan in aan is ku yara daro miisaane talo wax ku oola oo i an fici karta ayan idinka sugayaa walaalo yaal

Waxbaro!:
Walaashay wadaniya, haddii dhuubanaanta aad caafimaad ku haysato waa kheyr.

Haddii dhirirkaaga iyo miisaankaagane isku dhigmaanne kaba sii fiican.

Haddii su'aashaadu ay tahay cuntooyinka sare u qaaddo miisaanka hala ii sheego si aan u cayilo taasi xal maahan oo sare u qaadista culeyska qofka waxaa xadido karo dhowr arrimood oo ay ka mid tahay hormones oo wax insaanka ilaah ku abuuray ah.

Ma jiraan wax yaabo kale oo isku dayday si aad miisaankaaga u siyaadiso.
Maxaana kala kulantay?

Waxbaro!

Wadaniyada:
walaalo al-xamdulilaah dhuubnidayda waxan ku qabaa caafimaad

lakaiin waxaan yara jeclaystay in inta aan ahay ana xooga aku kordhiyo wana ogahay oo baruur caafimaad male mana fiicna

walaal si kasta waan isku dayey ma ku naxayo taas awadeed ayan idinkana talo dheeraad ah bal in aad igu kor dhisaan ana idiin soo waydiiyey

Diagnostic:
1- Cun cunno tamar leh sida hilibka, doorada, ukunta, kalluunka, baradhada, digirta iyo lowska
Si aad u kororsato nus kiilo usbuucii waa in aad cuntaa cunno aad ka helaysid ugu yaraan 1000 kalori ka badan inta aad isticmaashay.

2- Kala dooro cunnada, hilib iyo kalluun ku badalo rootiga, ukunta ka dooro qudaarta.
Cun cunno ku badantahay borotiinka iyo karbohaydareetka.

3- Badso cunnooyinka fudud una dhaxeysii waqtiyada quraacda, qadada iyo cashada.

4- Cab dareerayaal nafaqo leh sida caanaha iyo juuska.

5- Samey jimicsi joogto ah si murqahaaga u dhismaan.

In miisaan la dareemi karo ku koro waxay u baahantahay bilooyin sidaa awgeed waa in aadan dagdagin.
Diagnostic

Wadaniyada:
insha'laah walaalo waan dadaali doonaa waana ku mahadsantahay talooyinkaa aad i siisay aana rajaynayo in aan wax badan ka faidi doono mar labad tnx walaal

Navigation

[0] Message Index

[#] Next page

Go to full version