Diseases and Conditions > Qaybta Su'aalaha

Su'aal: Maxaa keena taranka raga oo yaraado?

(1/2) > >>

Mkheag:
Ascww Salaan marka hore. in badan ba damacsanaa ina su'ashaan in aan idin waydiiyo, walale su'ashayda waxaa weeye, maxaa keena taranka raga in uu jilco o yaraada? iyo waqtiga galmada, inka yar 4 daqiiqo o shahwada timaado, iyo micnaha u yahay kaniiniga  Extrem formula measure-up. enlargement size.. iyo waxtarka kaniinigaan?
Wscww

SomaliDoc:
Akhriso qoraalkaan
http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=625.0

Daawada aad sheegtay waxaa habboon in aad ka wareysato dhekhtarka kuu qoray.

Ashwaaq:
w/s/c/ salaan kadib  dhaqtarka waxan waydiinaya suaal taas oo ah sidatam  aniga  waqtiga galmada aniga oo aad u sareeyo darenkeyga xaga rabitaan aya hadan markii uu ninkeyga ii galmoodo shahwada iiga imataa 3 daqiiqo gudahooda marka maxaa keenikara? mahadsanid

Dr.Sharbele:
(Brod sexual) ama (Erectile dysfunction) Hoosu-dhaca rabitaanka galmada waa xaalad marar badan ka dhacda Rag iyo dumar labadaba, waxana loo aaneeyaa inta badan iney sababto (Psychiatric illness) ama cudurada nafsaaniga ah, sida Murugada, Welwelka, Baqdinta (Phobia) iwm. sidoo kale waxa keeni kara (Diseases membership) cudurada ku dhaca hab-dhiska jirka, sida Cudurka (D.M) Sonkorowga (Kaadi-macaan), (Rinal Failure) ama Howlgabka Kelyaha iwm. Daawooyinka qaarkood hoos ayay u dhigi kartaa rabitaanka jinsiga, sida kuwa loo isticmaalo cudurada Dhimirka sida (Shezufrenia) &(Depression).
Waxan iyana meesha ka maqneyn dadka isticmaala Maandooriyaasha (Drugs) waxay inta ka cabanayan Rabitaan la'aanta jinsiga.

Himadda ama rabitaanka galmada bini-aadamka kuma xirna xilliyo ama waqti-gaar ah, halka rabitaanka xayawaanku ku tiirsan tahay xilliyo, xayawaanka waqtiyada ay dhediggu rimanyihiin sidoo kale ma dhacdo himaladooda.

Habdhis-yada ka masuulka ka ah Rabitaanka Galmada:-

Waxa masuul ka ah oo xakameeya rabitaankaas qanjidhka loo yaqaan(Pitiutry Gland) ee ku yaal qeybta danbe ee maskaxda,wuxuna soo daayaa dheecaano (Hormones) dardar geliya howsha galmada, sidoo kale dheecanka ragga (Teststerone Hormone) oo xiniiyaha soo daay. ama dheecaanka dumarka (Sterogen).

Shuruudaha Rabitaanka Jinsiga (Kacsiga):-

waxa ay ku xiran tahay da'da qofka, iyadoo ay hoos u dhacdo boqolkiiba 20% marka uu gaaro 60sano marka uu gaaro 70 sano waxay hoos u dhacdaa rabitaankiisu boqolkiiba 50%.
waxana inta badan shardi looga dhigaa:-
1.Aragga
2.Maqalka
3.Taabashada.
  sidoo kale xayawaanka waxa shardi u ah,  Urinta (Smell).

Baaritaanka Hoosu-dhaca rabitaanka galmada ((Brod sexual):-

-Cuduradda Nafsaaniga ah:waxa inta badan rabitoonkoodu kor u kacaa xilliyada hurdada iyo aroortii.
-Baaritaanka Cudurada raaga, sida Kaadi-macaan (Diabetes Mellitus)
-Wareegga dhiigga.
-xubnaha taranka,  sida xiniinyaha haddi infection jiro, ama uu nabar ku dhacay.
-Dheecanada jirka

Daaweyn:-
Daaweyntu waxay ku xiran tahay sababka oo la suuliyo, mararka qaar waxa jira Cuduro oo qofku ku dhashay oon daawoyin lahayn sida (Klainefture Syndrome) oo koromsomsku noqdo (XXY).

 

Ashwaaq:
waad mahadsantahey  inbadan wan ka qalcey su aasha an ku waydiiyey oo ad iiga soo jawabtey sida sharafta leh thanks alot,,,,, waxaan kaloo idin waydiinayaa  ma idin ku jiraan wax cilmi u leh diinta oo aan su aalo diinta ku saabsan aan waydiisto mahadsanidiin

Navigation

[0] Message Index

[#] Next page

Go to full version