
Waa arrin dhacda haddii aad dhowr takhaatiir u tagto in ay isku talo noqon waayaan, khaas ahaan markii xanuunkaaga uusan weli kala caddayn.
Labdaba takhtar way saxsanaan karaan, maadaama mid walba uu qaabka uu xanuunkaaga u arko ay keensanayso inay laba talo oo kala duwan ku siiyaan.
Tusaale ahaan: maadaama xanuunka ibta guska aad ka sheegatay, kaadidane lagu arkay dhiig, inuu kaa raadiyo dhagax hadduu jiro sidaas ayuuna kuugu diray Scan-ka, markii la waayane inuu ibta gudaheeda firiyo hadduu dhagax dhex fadhiyo oo kilyaha ka yimid, weliba haddii ay jirto cariri xagga kaadida ah, in qalab kaadida kaa galiyo si dhagax hadduu kugu jiro gadaal kaadi heesta loogu celiyo ama lagaa soo bixiyo.
Takhtarkaan dambe waxaa dhici karto in intaa uu sidaa u fahmay laakiin is yiri: xagga kaadida dhibaato kama haysato, xanuun lee waaye, dhiigane hadduu dhgax yahay ibta guska ku jiro, wuu iska soo buxi doonaa maadaama uu intaa soo socday haddane dhow yahay, ee biyo badan cab si uu si sahlan kaaga soo baxo.
Takhtar sadaxaad in si kale kuu arkaa dhici karto oo ah in kaadi heesta ay kaa jiran tahay oo dhiigga lagu arkay kaadida uu ka socdo halkaa oo baaritaan kale kuu diro.
Si aan u kala ogaanno xanuunkaaga nooca uu yahay iyo labada takhtar midkaan kugula talin lahayn waa in warbixin dheeraad ah na siisid:
1- Illaa goorma ayaa isku aragtay xanuunkaan?
2- Kaadi dhiigga ma mid aad adiga dareemeyso mise waa mid baaritaanka kaliya lagu ogaaday?
3- Dhiigga ma mid kaadida ka dib imaanayo markay dhamaato mise kaadida ayay ku dhex milan tahay oo midabka kaadida ayaa badalan?
4- Markaa kaadinayso xanuun miyaa dareemaysaa xagga qaska ah ama tubada kaadida?
5- Hadda ka hor kaadida saas ma noqotay mise waa markii kuugu horraysay?
6- Kaadida ma ka dareentaa wax ciriiri ah markay soo baxayso? ama in aysan kaa soo wada dhammaanaynin?
7- Ma jiraan qof qoyska ka tirsan oo xanuunkaan oo kale qabo? mise kaadi dhiigga habeenkii kaliyaa aragtaa mise maalintii?
Su'aalahaas iyo kuwa badan oo ka dhalan karo jawaabaha aad bixin doonto waa muhiim inta aadan baartaan laguu dirin, haddii la rabo in la kala sooco xanuunnada keeno kaadi dhiigga.
Dabcan way jiraan xanuunno badan oo warbixinta yar ee aad na siisay iyo kaadida sida laga soo sheegay aan ka saari karno liiska cudurrada aan ka shakisan nahay, laakiin kuwo intaa ka badan ayaa weli dhici kara.
Waxaan filayaa in aad fahantay jawaabtayda.
Akhriso qoraal ku saabsan dhagaxaanta kilyaha:
http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,6494.0.html