Author Topic: Dhagaxaanta kalyaha fadhiista (kidney calculus)  (Read 12403 times)

0 Members and 3 Guests are viewing this topic.

Offline drhassani

  • Newbie
  • *
  • Posts: 3
  • Points: +0/-0
Dhagaxaanta kalyaha fadhiista (kidney calculus)
« on: February 17, 2016, 04:19:09 PM »


Dhagaxaanta kalyaha iyo kaadi mareenka fadhiista

Dhagaxaanta kalyaha fadhiista iyo kadimareenka waa mid ku badan dhulkeena, taas oo ay ugu wacantahay cimilada iyo qaab nolaladkeena .

Waa maxay dhagaxaanta kalyaha fadhiista maxay ka samaysanyihiin?
horta dhagaxaantani maaha sida kuwa ciida ka samaysan iyo macdanaha kle  ee aynu dhulka ku aragno, se kuwani waa kuwo ka duwan islamarkaana ka jilicsan kana samaysma macdan laga helo kaadida iyo jidhkeena, taas oo ayno ka helno cuntooyinka aynu quudano . 

Dhagaxantani waxaa leeyihiin dhawr nooc , se waxaa ugu muhiimsan afartani nooc
  • calcium stone (75%)
  • Struvite stones (15%)
  • Uric acid stones (6%)
  • Cystine stones (2%)

Markaa ka ugu badan waa calcium oxalate  kaas oo samaysma marka uu qofku cuno cunto aashatadu ama dhandhanaanku ku badanyahay/cusbadu . calcium oxalate sideedabana waa cusbo aashato wadata (salt of oxalic acid).

Nooca labaad waa struvite stones noocani waxa keena waa caabuq ku raaga kalyaha ama kaadi mareenka <chronic urinary tract infections  >
markaa bacteeriyaa keenta cabuqaas ayaa waxa kaadida ku sii daysaa macdan loo yaqaano ammonium, ammoniumtaasina waxaa la fal gashaa macdan kale oo kaadida laga helo oo looyaqaano phosphate, falgalkaasina waxaa uu sababayaa inuu dhagax samaysmo .

Nooca sadexaad ee soo raacana waa uric acid stones noocasina inta bdan waxaa keena hilibka kalunka iyo macdano kale oo badan

Maxaa keena in dhagaxaantu kalyahaaga fadhiistaan  ?
kolay waxkastaba wax baa ku yimadaan, markaa sideedabana dhagaxaantu ma fadhiistaan kalyaha oo kali ah, se waxa fadhiisan karaan meelkasta oo kamid ah kaadi mareenka. haday tahay kaadi haysta, tuunbooyinka kaadida ka soo qaada kalyaha iyo inta u dhaxaysa kaadi haysta iyo ibta kaadidu ka soo baxayso .

Waxaa jira qodobo  caawiya ama ka qayb qaata in dhagaxaantu ku samaysanto kalyaha ama kaadi mareenka .

  • Fuuq bax ama biyaha oo jidhkaaga ku yaraaada sida qofka oo hawl adag qabtay biyo badan ka bexeen islamarkaana aanu wax biyo ah cabin iyo qofka oo sidiisaba aan biyaha cabin ama aan joogtaynin
  • Caabuq ku dhaca kalyaha iyo kaadi mareenka
  • Xanibaad (obstruction) kaadi mareenka
  • iyo dhawr qodob oo kale sida boratiinka oo la badsado iyo cuduro la kala dhaxlo
  • Dadka fadhigoodu badanyahay ee saacado badan fadhiyaa waa ugu halis badanyihiin dhagaxaanta kalyaha kuwa fadhigoodu yaryahay.

Maxaad isku ogaan kartaa inay dhagaxaan ku fadhiyaan kalyaha ama kaadi mareenka ?
  • waxaa dhacda mararka qaar in aanad is ogaanba oo wax caalamado ah aanad isku arag (asymptomatic ) markaasina waa marka dhagaxaantu yaryaryihiin oo kaadida ayaa iska soo racaan iyaga oo  aan wax xanuun ah kugu keenaynin.
  • Xanuun aad ah oo dhabarka ah ama dhinacyada xanuunkaasi oo mararka qaar hoos u daga  taas oo macneheedu yahay inuu dhagaxu meeshiisii ka guuraayo oo xaga kaadi haysta usii socdo
  • Kaadida oo ku gubta.
  • Kaadida oo ku dhibta ama aad xejin kari waydo
  • Matag iyo yalalugo aad isku aragto
  • kaadida oo midabkeedu is balo, dhiig la socda awgeed. inta badan waxa noqota mid boodh oo kale ah <brown >, guduud ama casaan iyo midabka pinkga la dhoho

Qaabkee ayaad ugu hortagi kartaa in ay dhagaxaan ku samaysmaan kalyahaaga iyo kaadi mareenkaba?
Kol haddii aad fahantay waxa ay dhagaxaantu ku imanayaan  waa kuu fududaanaysa inaad fahanto qaabkii aad iska ilaalin lahayd
  • Biyaha cabistooda ood badsato, taasi  waxay keenaysaa inay kaadida badhax ka yeesho oo macdantu waydo jaanis ay iskugu timaado si ay u samayso dhagxaan, waxaa kale oo biyuhu ka cawinayaan in kaadida badan  kalyaha ka nadiifiso ama sifayso.
  • Qofka oo dhima miisaanka <weight reduction >, cayilaadu ama baruurta badan waxaa keenta ama ka qaybqadataa in jidhkaaga biyuhu ku yaradaan, taaasina waxaa keenaysaa in dhagaxaantii samaysanto.
  • Dhandhanaanka badan iyo proteinka sida hilibka ood yarayso kolka aad isku aragto kalyo xanuun.

Qaabka loo daweeyo dhagaxaanta kalyaha iyo kaadi mareenka fadhiista
Dhagaxaanta kalyaha fadhiista ama kaadi mareenka waxaa keeni karaan inay xidhaan kaadi mareenka oo waxbaba dhaafi wayaan, waxaana keenaysaaa in qofka kalyuhu waawaynadaan iyo xanuun joogto ah .

Marka la daawaynaayo dhagaxaanta kalyaha iyo kaadi mareenka dhawr dariiqo ayaa loo maraa, dhagaxanta yar yar wax daawayn ah uma baahna ee iyaga ayaa iskood kadida iskaga soo raaca.
Dhagaxaanta wawayn maanta qalab badan ayaa loo adeegsada soo saaristiisa mar la burburiyo dhagaxii iyada oon qofkii la qalin, se maanta dhulkeena qaliin uunbaa la adeegsada inta badan .

By: Hassan Mohamud Nour

Akhriso: Sidee u wanaajiyaa caafimaadka kilyahayga: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,5738.0.html
Haddii aad su'aal caafimaad ah qabtid ku soo dir qeybta su'aalaha: http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html
http://somalidoc.com



Somali Medical Forums

Dhagaxaanta kalyaha fadhiista (kidney calculus)
« on: February 17, 2016, 04:19:09 PM »

 

International Kidney Alart!! 2008 volume.

Started by MankayBoard Health News and Events

Replies: 0
Views: 1647
Last post January 04, 2008, 11:09:11 PM
by Mankay
Doctors Removes Healthy Kidney by Mistake!

Started by AdminBoard Health News and Events

Replies: 0
Views: 1311
Last post March 19, 2008, 11:19:07 PM
by Admin
Israeli jailed for illegal US kidney transplants

Started by DrkheyreBoard Health News and Events

Replies: 0
Views: 1442
Last post July 12, 2012, 02:53:29 PM
by Drkheyre
Hawlgabka kelyaha (kidney failure)

Started by SomaliDocBoard Cudurrada Guud

Replies: 0
Views: 25591
Last post January 15, 2009, 11:40:18 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Waa maxay Polycystic Kidney Disease?

Started by Axmed CaydaruusBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 0
Views: 80
Last post March 03, 2017, 10:58:01 AM
by Axmed Caydaruus