Author Topic: Findoob (Acne)  (Read 466492 times)

0 Members and 3 Guests are viewing this topic.

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Findoob (Acne)
« on: July 03, 2009, 10:39:32 PM »


Waa maxay Findoob?
Finanka ugu badan ee wajiga ka soo baxo waxaa loo yaqaanaa "Acne", Afka soomaaligane waxaa lagu dhahaa "Findoob" waa nabro yaryar oo ka soo baxa sanka kaliya ama wejiga oo idil, waxayna ka dhashaan qanjirro maqaarka ku dhex abuuran oo aad u yaryar oo soo saara dufan maqaarka subkiya, qanjirradaas ayaa ka xirma afka kadibna way bararaan markii la riixane waxaa ka soo baxa wax cad oo adag oo dadka qaar ay moodaan malax.
Findoobka wuxuu ku dhacaa wiilasha iyo gabdhaha intaba, wuxuuna u badan yahay xilliga ay qaangaarayaan.

Meeqo nuuc ayuu u kala baxaa Findoobku?
  • Marka ugu horeysa uu finka soo bixi rabo waxaa la dreemaa meel jirka aan la sinnayn oo ka soo kacsan, waana astaanta ugu horayso ee la dareemo inta finka uusan soo bixin, waxaana afka qalaad lagu dhahaa "Comedones", waxay arintaan dhacdaa markii dulduleelada wajiga ee aadka u yaryar ay bilaabmaan in ay xirmaan, waxaana jira waxyaabo badan oo xeri kara kuwaasoo hoos aan ku faahfaahin doonno waxaana loo yaqaanaa "Comedogenic", sidaa darteed waxyaabaha la isku qurxiyo oo aad wajiga u isticmaali rabtid waa inay noqdaan "non-comedogenic" taasoo macnaheeda ah "dulduleelada wajiga aanan xirayn". shirkadaha qaarkood way ku soo qoraan waxyaabaha ay sameeyaan oo maqaarka loo adeegsado.
  • Waxaa ku xiga oo dadka qaar isku arkaan fin afka hore ka furan, waxaana loo arkaa sidii dhibco madmadaw oo kale oo wajiga ku firdhisan waxaana loo yaqaanaa "Blackheads", markii aad loogu dhawaadane waa sida godad yaryar oo aad moodid in la dulduleeliyay.
  • Waxaa kaloo jira finan afka ka daboolan oo kuusma, waxaana ku jira wax cad oo jilicsan oo dadka qaar ay iska tuujin karaan, waxaana loo yaqaanaa "whiteheads", tan wax dhib ah badanaa ma reebto markii la tuujiyo, maalmo ka dib way baaba'daa, caadi ayuuna wajiga ku soo laabtaa, waxay badanaa lagu arkaa sanka dhinacyadiisa iyo garka.
  • Mararka qaar meelihii dufanka ku xirmay ayaa caabuq yeesho, waxaana lagu fahmi karaa in xanuun la dareemo markii la taabto, haddii la tuujiyane wuu ka sii daraa oo barar iyo xanuun ayuu keenaa, finankuna si dhakhso ah ayay ku faafaan, wayna gaduudataa meesha la tuujiyay, waxayna reebtaa haar ama madaw wajiga ku hara, waana muhiim in aadan tuujin fin xanuun leh oo jirkaaga ka soo baxa, tani waa khalad ay dad badani ku dhacaan, finka markuu sidaan noqdo waxaa loo yaqaanaa "papules" ama "Pimples" lamana taabto.
  • Haddii aad tuujisid finkii hore wuxuu isku badalaa wax loo yaqaano "Pustules", tanoo ah fin malax gashtay, weli waa muhiim in aadan taataaban oo aadan ka dhiijin malaxdaas, haddii kale wajiga wuu kaa hallaabayaa, waxaa jira daawooyin loo qaato markay xaaladdu halkaa gaarto waana muhiim in aad dhakhtar maqaar la xiriirtaa, laakiin inta ka horayso siyaabo dabiici ah ayaa loola tacaalaa sida aad ku arki doontaan qeybta hoose.
  • Haddii finka ay wax ka soo bixi waayaan oo uu sii bararo wuxuu isku badalaa xaalad loo yaqaano "nodules" qofka wuxuu wajigiisa yeelanayaa kuus kuus tira badan, waana qasab in aad dhakhtar la xiriirtid markay sidaan noqdaan.
  • Waxaa qofka la dhihi karaa wuxuu qabaa Findoob markii ugu yaraa 20 fin ay soo baxaan, taasoo haddii si khalad ah loola tacaalo reebi karo haaro wajiga ku samaysma.

Maxaa keeno Findoobka?
Inkastoo waxyaabaha toos u keeno finankaan aan la garanayn laakiin waxaa jira waxyaabo dhowr ah oo dadajiya ama saacida soo bixitaankiisa oo ay ka mid tahay:
  • Daawooyinka qaar, sidaa darteed waa isticmaalka daawooyinka aan laguu qorin khaasatan kuwa korka la mariyo.
  • Heerka hormoonnada qofka (hormoonnada kacsan ee loo yaqaano "Androgens" ayaa lala xiriiriyaa soo bixidda finanka wajiga ee u badan dhalinyarada, xilliga qaangaarka ama waqtiyada haweenka ay uurka leedahay, saas ayaana loogu magac daray).
  • Jeermiska (waxaa la sheegaa in ay jirto bakteeriyo badanaa lala xiriiriyo in ay ka qeyb qaadato samaysanka haaraha wajiga markii finanka ay soo baxaan ka dib) in bakteeriyo ay ku dhalatay finka wajiga waxaa lagu fahmaa in finkii uu xanuun yeeshay, midabkiisane uu isbadalay.
  • Qanjirrada dufanka wajiga oo aad u shaqeeya (Haddii qanjirrada soo daayo dheecaanka subkiya maqaarka ay aad u shaqeeyaan, waxay keeni kartaa in saliidda ku xiranto sidaasne ay finan ku samaysmaan)
  • Diiqada (welwelka iyo fekerka) - Fakarka, stresska ama walwalka waxaa lala xiriiriyaa findoobka.
  • Hurdo yarida ama hurdo xumida waxay ku jirtaa waxyaabaha ka qeyb qaato findoobka.
  • Cabitaan yarida: dadka badanaa aan cabin biyaha caadiga ah way ka finan badan yihiin dadka aadka u cabo biyaha, waana arrin cilmibaaris lagu ogaaday sababtoo ah, dadka jirkoodu uu leeyahay biyo ku filan badanaa ma xirmaan qanjirrada dufanka ee jirka ku yaallo.
  • Cunnooyinka qaar waxaa la sheegay in ay xiriir la leeyihiin findoobka sida shokolaatada, caanaha, cunada leh karbohaydareetka, Vitamiinka A iyo E-ga.
  • Allarjiga iyo xasaasiyadda: dadka qaarkiis wuxuu jirkood falcelin ka sameeyaa cunnada qaarkood ay isticmaalaan, waxayna tani keenaa finan wajiga ka soo baxo

Yuu ku badan yahay Findoobka?
Acne waa dhibaato ay ka sheegtaan in ka badan 85% dhalinyarada mana ahan cudur halis ah, dhibaatada ugu weyn uu keeni karane waa wajiga oo haaro yeesho, dhaawac nafsaani ah, niyad jab iyo ka go'idda bulshada (tan oo u badan gabdhaha).

Sidee looga hortagaa Findoobka?
  • Nadaafadda waxay dowr weyn ka ciyaartaa furidda afka qanjirrada saliidda ee xirmay si aysan finan cusub u samaysmin.
  • Si joogto ah wajigaaga biyo nadiif ah ugu dhaq, adigoo aadan isticmaalin saabuun ama kiimiko kalaba.
  • Finanka ka daa gacmahaaga, hana tuutuujin, waxa ku jirane haka soo saarin.
  • Ka fogow cunnooyinka warshadaysan ama kuwa bacaysan
  • Jooji isticmaalka sigaarka iyo daroogada kale.

Findoobka ma leeyahay daawo?
Findoobka waxaa loo isticmaalaa daawooyin badan oo ay ka mid tahay bamaatooyin la marsado laakiin waxaa kugu haboon in aad u tagto dhakhtar maqaar si loo arko finankaaga noocooda iyo heerka ay marayaan sida aan ku soo faahfaahiyay qeybta kore. Waxaa kaloo jira xanuuno maqaar oo dhowr ah oo u eg Findoobka oo lagu daaweeyo daawooyin ka duwan.

Siyaabaha dabiiciga ah ee loola tacalo "Findoobka"?
Waxaa jira waxyaabo badan oo dabiici ah oo lagula tacaalo markuu findoobka cusub yahay, dadkuna way ku kala duwan yihiin siday ugu fiicnaadaan, sidaa darteed waxaan halkaan ku xusi doonaa waxyaabaha waxtarkooda la xaqiijiyay, fadlan haddii aad tahay dadka allerjiga qabo waxaa lagaa yaabaa in waxtarka daawo dhireedkaan sidii la rabay inaad ku noqon wayso ee la xiriir dhakhtarkaaga.
  • Khalka Tufaaxa ee aan la sifayn "Unfiltred Apple Cider Vinegar": waxaa badanaa lagu darsadaa cunanda sida saladka, wuxuuna wax ka taraa findoobka, wuxuu qallajiyaa saliidda badan ee wajiga, wuxuuna furaa qanjirrada xidhan, wuxuuna la dagaallamaa bakteeriyada wajiga ku dhalato, laakiin waa in aad xad yar ka isticmaashaa markaad wajiga ku dhaqanaysid, kadibne biyo ka dambaysiisaa. waxaa laga helaa dukaamada qaarkood isagoo diyaar ah.
  • Malab iyo qorfe la isku shiiday: sida aan horay uga soo hadalnay labadaan daawo waxay aad ula dagaallamaan caabuqa noocyadiisa kala duwan khaasatan kuwa maqaarka ku dhaca. 2 qaaddo oo malab ah iyo 1 qaaddo oo qorfe ah ayaad isku shiidaysaa markay xanjo camal noqdaan ayaad ku dhajinaysaa meelaha nabraha ay kaaga yaallaan muddo 10 daqiiqo ah, kadibne waad ka dhaqaysaa. Ogow waa in malabku uu yahay mid dabiici oo saafi ah.
  • Babayga: sidaan horay uga hadalnay geedka babayga, waxaa ku jira maaddo loo yaqaano "papain" taasoo ka hortag u ah caabuqa iyo samaysanka malaxda khaasatan markuusan aad u bislaan. markaad qolofta iyo maraha ka saartid, babayga waad shiidaysaa adigoo biyo ku darain, markuu cajiin oo kale noqdo ayaad marsanaysaa wajiga, 15 daqiiqo ka dib waxaad uga dhaqaysaa biyo qandac ah.
  • Qolofta oranjada ayaa la shiidayaa markay budo noqoto ayaad ku daraysaa biyo yar si ay u noqoto waxa wajiga lagu dhajin karo, waxay kaa caawin doontaa in unuygada dhintay ee maqaarka ay kaa nadiifiso, qanjirrada xidhanne inay furto, 20 daqiiqo ka dib waad iska dhaqaysaa.
  • Geedka dacarta: sidaan horay uga soo hadalnay faa'idooyinka geedkaan waxaa ka mid ah in maqaarka uu daawo uga yahay cudurro badan, wuxuu yareeyaa bararka, finanka iyo caabuqa ku dhasho wajiga. dhareerka geedka ayaa la marsadaa wajiga, waxaadna isticmaashaa nooca caleemaha balballaaran ee qodxaha leh, markaad kala dhambashid caleenta waxaad ugu dhax tagi doontaa wax sidii maro cad oo khafiif ah, oo dhareer badan leh, taasi ku tirtiro wajiga, muddo 30 daqiiqo ka dibne ka dhaq wajigaaga dhareerka qallalay.
  • Qolofta mooska: Mooska waxaa ku jira maaddo loo yaqaano "Lutein" sidaan horay uga soo hadalnay wuxuu jirka ka saaraa sunta, wuxuuna ka hortag u yahay hurka iyo balbalka maqaarka ku dhasho, qolofta dhinaceeda gudaha ee jilicsan ayaad wajiga ku tirtiranaysaa, kadibne 30 daqiiqo ka dib waad iska dhaqaysaa.
  • Qiiqa: biyo kulul oo liin lagu daray markii wajiga aad ku uumisid ama qiiqa uu kugu baxo waxay si dagdag ah ku furaan qanjirrada xidhan ee dufanka leh, isku dabool muddo 10 daqiqo ah biyo kulul oo liin lagu dhiijiyay, maalintiiba hal mar samee sidaan muddo usbuuc ah.
  • Cunista toonta: fadlan wajigaaga toon ha u dhawaynin, laakiin cunnada ku darso tan waxay difaac kaa siin doontaa ka hortagga caabuqyo tira badan oo aan horay u faahfaahinay, fadlan dib u booqo qoraalkii toonta aan kaga hadalnay.

Maxaa talo i siinaysaa?
Iska ilaali in aad marsatid kareem ama daawo dhakhtar uusan kuu qorin, waxaa dhici karto in ay wajiga kaa foolxumayso ama kugu reebto haaro aan kaa fuqi doonin ama dhaawac maqaarka in aad is gaarsiisid. Fadlan la xiriir dhakhtar haddii finanka wajigaaga ay ka sii darayaan ama is badalayaan.

Akhriso qoraalkaan: Siyaabaha loo baaba'iyo Haaraha Wajiga: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=6318.0

http://somalidoc.com


Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


Offline Ashwaaq

  • Jr. Member
  • **
  • Posts: 36
  • Points: +0/-0
  • Gender: Female
Re: Findoob (Acne)
« Reply #1 on: August 09, 2009, 09:06:49 AM »
A/S/C salaan kadib waxaan rabaa in aad war iga soo siisaan  finyaalkaas ka soo baxa wajiga  wax aan iskaka daaweeyo

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Findoob (Acne)
« Reply #2 on: August 09, 2009, 03:48:42 PM »
Walaal haddii aad jeceshahay in aad iska daaweyso dhibaato maqaar u tag dhakhtar ku taqasusay cudurada maqaarka.

Mahadsanid
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   

Offline Ashwaaq

  • Jr. Member
  • **
  • Posts: 36
  • Points: +0/-0
  • Gender: Female
Suáal: Barabaro madow oo wejiga ku samaysmay?
« Reply #3 on: August 20, 2009, 07:55:29 AM »
A/S/C salaanta islaamka kadib aad ayaad u mahadsantahey  run ahaantii aniga waan u tagey dhaqtar maqar waxuuna isoo siiyay kaniini uu yiri wajiga ayuu salida ka dhameynayaa nabrahana way dagayaan
alxamdulilaah horta waan ka reestay bararkii iyo nabrihii muuqmuuqdey  balse waxaa meesha ku harey  barobaro madoow kaas o  wajigana dooriyay marka maxaan  sameen karoo oo isaga saacidikaraa barabarahaas madoow?

MAHADSANID

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Findoob (Acne)
« Reply #4 on: August 26, 2009, 02:05:12 PM »
Fadlan ku laabo dhakhtarkii kuu qoray daawadaas.

Mahadsanid
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   

Offline Ashwaaq

  • Jr. Member
  • **
  • Posts: 36
  • Points: +0/-0
  • Gender: Female
jawaab
« Reply #5 on: August 29, 2009, 09:53:54 AM »
 waxuu i soo siiayay boomaato ladhaho dornafit  ee waa sidee boomatadaas?

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Findoob (Acne)
« Reply #6 on: August 30, 2009, 09:37:07 AM »
Daawada ma ahan mid aan garanayo ee haddii magaca uusan qaldanayn, fadlan noo sheeg magaca chemical-ka ama waxa ay ka samaysan tahay.
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   

Offline Gentleman1

  • Newbie
  • *
  • Posts: 2
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
Re: Findoob (Acne)
« Reply #7 on: September 27, 2009, 05:51:42 AM »
A/s w/w. Dhamaan wan idin salaamay dhaqatirta qimaha iyo qayaha badan wadna ku mahadsantihin sida hagar la'anta ad dadka ugu fa'ideynesin taasina wa mid ad bilad sharaf ku muteysan karta iyo ajar xaga alle idin kaga qoran. Inta kadib waxan donaya in macluumad la iga siyo cun cun xaga wajiga o marki an biyo wajiga ku dhaqo iyo marka an dhidido an daremo tankale aniga waxan ka cabanayay finka ilaa 13jirkeyga lakin hada wan karonahay alle mahadi waxan kalo donaya dawo baa'bin karta madmadow ga ku haray wajiga.washuk ran cala xusni acmalikum.thnx all of u.by gentle man1

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Findoob (Acne)
« Reply #8 on: October 24, 2009, 09:59:53 PM »
Xaaladdaada waxa ay u egtahay waxa loo yaqaanno "Aquagenic Pruritus" oo ay tahay macnaheedu cuncun ka dhasho biyaha (Water-induced Itch) kaasoo uu qofku dareemo sida aad sheegtay markii uu qubeysto ama weeseesto isagoo aanan isticmaalin saabuunno ama shaambooyin ay dhici karto in uu xasaasiyad ka qaaday.

Waxaa cuncunkaan badanaa laga dareemaa gacmaha, lugaha iyo xagallada. cuncunkaan wuxuu qofku hayaa illaa 1 saac ama ka badamba.

Waxaa loo isticmaaloo kareemyo loogu talagalay in cuncunka ay joojiyaan oo la marsado qubeeska ka dib ama waxaa kaloo la marsadaa saliidda caruurta (baby oil), laakiin waa in jirka qallajisaa qubeyska ka dib.

Kareemka waxaan ka heli kartaa farmashiyaasha  waxaana loo yaqaannaa "capsaicin cream" ama haddii aad weydo waxaad isticmaashaa kareem anana ku jirin maadada "Lanolin" (lanolin-free Aqueous cream).

Mahadsanid
SomaliDoc
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   

Offline Adna Ahmed

  • Newbie
  • *
  • Posts: 1
  • Points: +0/-0
shanfaxda ama xilfaha
« Reply #9 on: January 03, 2019, 05:02:43 PM »
asc dr wad mahadsantihiin waxan rabaa in an ogaado faaiida shanfaxda ama xilfaha iyo dawo ahaan lo isticmaalo karo

Offline Milica_soomali

  • Full Member
  • ***
  • Posts: 64
  • Points: +0/-0
Re: Findoob (Acne)
« Reply #10 on: November 02, 2020, 10:16:49 PM »
dhamaanteen dhibaatooyin ayaan ku qabnaa finanka markaan nahay dhalinyaro. waad ku mahadsantahay caawimadaada!


 

Su'aal: wajiga ayaa findoob IGA soo baxeen?

Started by Khadar mahamed hassanBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 13440
Last post August 09, 2017, 11:06:38 AM
by SomaliDoc