Author Topic: Waa Maxay Qaamo-qashiir (Mumps)?  (Read 10918 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Online SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 3549
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Waa Maxay Qaamo-qashiir (Mumps)?
« on: February 22, 2010, 12:31:23 PM »


Qaamo-qashiir waa cudur ku badan caruurta, dadka waawayne wuu ku dhacaa.
Xanuunka wuxuu ku dhacaa qanjirka lagu magacaabo "Parotid Gland", qanjirkaan wuxuu ka mid yahay qanjirrada soo daayo ama soo saaro calyada.
Waxaa badanaa keeno caabuq feyruus waxaana calaamadihiisa ka mid ah:
  • Barar iyo xanuun markii wax la calaanjinayo (bararka wuxuu noqon karaa hal dhinac laakiin wuxuu u badanyahay in labada qanjir ay bararaan)
  • Qandho
  • Madax xanuun
  • Xanuun xiniinyaha ah (isla feyraska keena qaamo-qashiirka ayaa keeno caabuq xaniinyo kaaso hadii aan la daaweyn u keeni kara dhalinyarada dhalmo l'aan)
  • Calaamadaha waxaa ka mid ah: Afqaleel, Dhago-xanuun iyo in Codka uu xirmo.

20% ka mid ah ilmaha ku dhaco qaamo-qashiirka wax calaamado ah ma yeeshaan waxayna halis leedahay in cudurka uu ku faafiyo caruur kale iyadoo aan laga warqabin.
Markii cudurka caruurta ku soo socdo waxaa lagu fahmaa qandho, madax xanuun, cunno xumo iyo tabardarri.

Badanaa cudurka wax baaritaan ah laguma sameeyo oo waxaa lagu gartaa muuqaalka iyo calaamadahiisa.

Qaamo-qashiirka waa cudur ay isku gudbin karaan caruurta wuxuuna ku gudbaa calyada markuu qofku qufaco ama hindhiso.
markii caruurta ku dhaco cudurkaan waxay ku gudbin karaan muddo 2 isbuuc ah gudaheeda.

Qaamo-qashiirka malahan daawo u gooni ah waxaa loo isticmaalaa daawo kaalmaati ah sida qandho jabis, in biyo iyo cusbo lagu luqluqdo iyo cabitaan badan si aan loo fuuq bixin.
Soomaalida qaar ayaa aaminsan in la gubo laakin wax jira ma ahan, badanaa cudurada uu fayrasku keeno way iska baaba'aan mudo ka dib, wax daawo ah looma qaato.
Ilmaha in aan la siinin furuutka iyo waxyaabaha aashitada leh inta xanuunka hayo maadaama waxyaabahaas ay kiciyaan qanjirrada calyada taasoo xanuunka uga sii dari karta.

Qaamo-qashiirka waa cudur iska baaba'a iyadoo uusan gaysan dhibaato weyn.
Qaamo-qashiirka waxaa looga hortagi karaa tallaal loogu tala galay oo la siiyo caruurta, inkastoo talaalkaas ay dad badani ka sheegtaan inuu waxyeello leeyahay, akhriso qoraal ku saabsan arintaas: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,3241.0.html

Haddii aad wax su'aalo ah qabtid oo caafimaadkaaga ku saabsan iigu soo dir qeybta su'aalaha: http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html

http://somalidoc.com


Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo boggaan "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Follow him on:
     

Somali Medical Forums

Waa Maxay Qaamo-qashiir (Mumps)?
« on: February 22, 2010, 12:31:23 PM »

Offline Dayib878

  • Newbie
  • *
  • Posts: 3
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
Re: Waa Maxay Qaamo-qashiir (Mumps)?
« Reply #1 on: December 08, 2011, 03:30:28 PM »
thank you ,aad baad u mahadsantihiin bahda somlidoc ,haddii ay ilmahu ay guri kuwada nool yihiin midka mid ah qaba cudurkan  cudurkana uu yahay mid laysku gudbin karo .marka sidee looga ilaalin karaa  kuwa kale?

Online SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 3549
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Waa Maxay Qaamo-qashiir (Mumps)?
« Reply #2 on: January 06, 2012, 07:07:20 PM »
Cudurkaan caruurta waxay kala qaadaan markii ay isku qufacaan, isku hindhisaan ama isla wadaagista cuntada iyo cabitaankane waa lagu kala qaadaa. qofkii ay gaaraan waxyaabaahaas, wuxuu jeermiska feyraska ka qaadi karaa in uu neefsado, indhaha ama dhagaha ay ka galaan.

Sidaa darteed, cudurka qaamo-qashiirka waxaa looga hortagi karaa in uu ku faafo caruurta isla dhalatay ama iskuulka / dugsiga isla dhigato in la tallaalo.

Talaalkaan waxaa lagu magacaabaa MMR, halkaan ka akhriso qoraal ku saabsan tallaalkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,3241.0.html
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo boggaan "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Follow him on:
     

Somali Medical Forums

Re: Waa Maxay Qaamo-qashiir (Mumps)?
« Reply #2 on: January 06, 2012, 07:07:20 PM »

 

Waa maxay "Garguurato" ama "Uuryaal"?

Started by KamalBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 13012
Last post May 22, 2009, 01:41:01 PM
by SomaliDoc
Waa maxay "Angina"?

Started by SomaliDocBoard Cudurrada Guud

Replies: 0
Views: 11788
Last post February 05, 2008, 07:56:57 AM
by SomaliDoc
Su'aal: Waa maxay "Burseelku"?

Started by Ahmed_IndhayareBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 2
Views: 9608
Last post September 01, 2009, 02:23:15 PM
by SomaliDoc
Waa Maxay Cudurka "Ebola"?

Started by Waxbaro!Board Qaybta Wacyi Galinta

Replies: 0
Views: 13447
Last post December 10, 2007, 08:31:26 PM
by Waxbaro!
Waa Maxay Neerfo? "What is the Nerve?"

Started by SomaliDocBoard Cudurrada Maskaxda

Replies: 0
Views: 38607
Last post January 01, 2015, 05:42:10 PM
by SomaliDoc