Diseases and Conditions > Qaybta Su'aalaha

Su'aal: Naasnuujinta iyo uurka

(1/2) > >>

Somali Boy:
Asc dhamaan waxaan idin soo gubinayaa salaan qaali ah marka aan guda galo suaasheyda waxey tahay ku saabsan naas nuujinta hooyada hadaba cilmi ahaan waxaa la dhahaa hadii ay hooyada uur qaado wey sii wadi kartaa naas nuujinta ilaa waxaa dhacaya increase demand halka soomaalida ay dhahdo waxaa dhaca is nuug oo waa qatar carruurta wey ku dhintaan marka ma nuujiyaan xaaladaas hadii ay ogaadaan hadaba aniga sidee ayaan isku waafajin karaa labadaas xaaaladood bal ii faahfaahi DR adoo aad u mahadsan

SomaliDoc:


Qoraalkaan waxaan uga jawaabi doonaa laba su'aal oo muhiim ah oo dhowr jeer nala soo waydiiyay.

Su'aasha 1-aad: Hooyadu uur ma qaadi kartaa iyadoo naas nuujinaysa?

Hooyadu markay uur yeelato, jirkeeda is badal ayaa ku dhaco oo waxaa xoogga la saaraa sidii loo kobcin lahaa uurjiifka, jirkeedane isugu diyaarin lahaa badbaadinta uurkaas iyo markii ay dhasho sidii ilmahaas u heli lahaayeen caano ku filan iyadoo hoos loo dhigo hormoonada qaabilsan uur qaadista, sarane loogu qaadi lahaa hormoonada qaabilsan caano soo daynta iyo uur joojinta.

Taasi waxaa la arkaa in hooyadu aysan caado arag dhowr bilood inta ay ilmaha nuujinasyso taas oo ah macnaheeda in aysan uur qaadi karin.

Marmarka qaar waxaa dhacdo in caadada kuu timaado adigoo ilmaha nuujinaysid sidaasne ay ku dhici karto in aad uur qaadid maadaama ugxan sidaha uu shaqo bilaabay oo ugxan la bacrimin karo uu soo daayay.

Haddii hormooanda uur qaadista iyo ugxan soo daynta ku shaqo leh ay ka xoog bataan kuwa caano soo dayska haweentu uur ayay qaadi kartaa.

Marmarka qaar waxay ku xiran tahay inta jeer aad ilmahaaga nuujisid, haddii aad habeen iyo maalin aad nuujisid waxaa siyaado noqdo hormonka caanaha kontaroola ee "Prolactin" sidaasne rajada in aad uur qaadid way sii yaraataa, laakiin haddii aad ka mid tahay hooyooyinka shaqeeyo oo waqti badan aadan nuujin cunugaaga ama caano kale aad siisid waxay u badan tahay in aad uur qaadid.

Haddii aadan rabin in aad uur qaadid inta aad ilmaha nuujinaysid waa in aad iska ilaalisaa uur qaadista, maxaa yeelay 3 bil ka dib markaa dhashid way dhici kartaa in aad uur qaadid.
Sidee uurka looga hortagaa: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,5840.0.html

Su'aasha 2-aad: Haddii aan uur yeesho, naas nuujinta ma dhibaato ayay keeni kartaa?

Naasnuujinta qatar maahan haddii hooyadu uur yeelato caruurtane kuma xanuunsadaan.
Naasnuujinta waxaa ku shaqo leh hormoon loo yaqaanno "Prolactin" kaasoo soo saaro caanaha wuxuu kaloo hormoonkaan ka hortagaa in ugxansidaha uu ugxan soo daayo kadibna haweentu uur ma qaado xilliga naas nuujinta.

Naasnuujinta haweenka wuxuu ka joojiyaa uurqaadka, laakiin waxaa jira haweenka qaar oo iyagoo nuujinaya ay uur qaadi karaan, haddii haweentu ay uur qaaddo iyadoo nuujinaysa wax dhibaato caafimaad uma keento iyada iyo cunuggeedaba, laakiin waa in ay la socotoo dhowr xaqiiqo:

1- Hooyadu waxay dareemi doontaa minka oo dubaaxiya markii ay naaska nuujinayso
2- Caanaha way yaraadaan 3-da bilood ee dhaxe sidaa darteed cunugga waa in caanaha loogu daraa waxyaabo kale oo badalka caanaha hooyada yaraaday gali kara.
3- Ibta naasaha way ku xanuuni karaan.
4- Hooyadu waxay u baahantahay nafaqo dheeraad ah maadaama ay nuujinayso hadane uur ay waddo.

Haddii hooyadu ay horay u dilantay dhowr jeer lagu lama taliyo in ay nuujinta sii waddo haddii ay uur qaaddo.
Haddii hooyadu ay ku nooshahay nolol dhib ah ama nafaqo darri ay jirto ku lama talin laheen in ay isku wado uur iyo naasnuujin maxaa yeelay uma roona 3-doodaba, hooyada, uurjiifka iyo cunugga la naas nuujiyo.

Sababta haweenka qaar ay u dilmi karaan xilliga naas nuujinta waa in murqaha minka hooayda ay awal dabacsanaayeen oo aysan u adkaysan karin giigsanaanta uu keenayo hormoonka caanaha ee Prolactin, hooyooyin dhif ayaa dhibkaas la kulmi karo.
Halkaan ak akhriso Faaidada Naasnuujinta: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,382.0.html
http://somalidoc.com

Somali Boy:
Asc wad mahadsantihiin ugu horeyn suaasheyda waxaey tahay terminology waa maxay ilkow mawaxaa la yiraa kaliya teething hadaba waxaan ognahay shuban in uu keeno maraka treatment kaliya miyaa management of dehaydration maxayse ugu reystaan carruurtahadii la gubo kadib hooyada way aamineysaa marka caadadana waxaan dhihi karaa waa nooc treatment kamid ah

SomaliDoc:
Somali Boy, Ilkowga ama Ilko dawacada qoraal faahfaahsan oo aan uga hadalnay halkaan ka akhriso: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2700.0.html

Balqiisahaaji:
sc dhaqaatirta sharafta leh waxaan idin waydiinaa waxan nuujiyaa canug jira 12 malin waxan arkay ayadoo ugu yaraan malinti sedax jeer in ay shubanto maxa sabab uh

Navigation

[0] Message Index

[#] Next page

Go to full version