Diseases and Conditions > Qaybta Su'aalaha

Su'aal: Naasnuujinta iyo uurka

<< < (2/2)

SomaliDoc:
Waa muhiim in aad ogaatid inuu shuban yahay, maxaa yeelay ilmaha intaas iyo in ka badan way saxaroodaan haddii ay naas nuugayaan.
waxyaabaha la rabo in aad la socotid waa kuwaan:
1- Haddii shubanku leeyahay qandho, caloo majiir, ilmuhu naaska diidayo ama miisaankiisu uusan koraynin.
2- Haddii shubanka uusan lahayn wax adag oo uu biyo kaliya yahay.

Way dhacdaa in caruurta qaar ay allergy ku yihiin caanaha hooyada taasina ay keento shuban, laakiin waa muhiim in la hubiyo marka hore in shbuan uu jiro iyo in kale.

Balqiisahaaji:
mar labaad waad mahadsan tahy horta saxaradu biyo maahan lkn ma qurux bdn midab keeda waa jaalle  qandho kuma hayo calol majiirna maleh naaska toos bay unuugta ee naaska  marky nuugto way saxaroonaysa

SomaliDoc:
Dhakhtar u geey saxarada hala baaro, laakiin waxaa ogaataa haddii cillada ay naaska tahay cunuga mar hore ayuu diidi lahaa naaska ama calool majiir ayaa jiri lahaa.
Laakiin naaska ka dib in cunugu wax dhigo waa dabiici waana sida ay caruurta u badan yihiin.

Balqiisahaaji:
ok Dr illah haka abaal mariyo waanada iyo wacyi  galinta aad umada uhayso thanks

Navigation

[0] Message Index

[*] Previous page

Go to full version