waa sidee xaalada waxbarasho ee jamacadda Gezira ee Dalka Sudan ?
sida aynu ka warqabno dalka sudan waxaa wax ka barta arday badan oo soomaaaliyeed kuwaasoo ku kala qaybsan goboladda dalka Sudan.
Hadababa waa sidee xalada waxbarasho ee gobolaka jaziira?
Gobolka jaziira waa gobol aad u wayn kuna yaala bartamaha dalka sudan waxa uuna ujiraa casimada khartoum 181km dhanka koonfureed, magaalada wadmadani waxa ay casimad u tahay gobolka jaziira waana caasimada labaad ee dalka sidoo kale waa magaalo aad u weyn oo ay ku nool yihiin shacab kor u dhaafaya 2million waxaana ku yaala magalada saddex jamacadood oo ay igu weyntahay jamacadda Gezira.
Hadaba jamacada jaziira waa jamacad caynkee ah?
jaamacadda jaziira waxaa la aasaasay sanadkii 1975 kadib markii wareegto uu soo saaray madaxweynihii xiligaa dalka xukumayay Al-mushiir Jacfar Al-numayr ayadoo xiligaas lagu bilaabay laba kuliyadood oo kala ah:
1- Kuliyadda cafimaadka
2- Kuliyadda Cilmiga Beeraha
balse waqtigan xaadirka ah jamacadda jaziira waxa ay ka koobantahay in kabadan 15 kuliyadood.
Taariikhda waxbarasho ardada soomaliyeed ee jamacadda jaziira.
Taariikhdaas waa mid aad u fog oo ka soo bilabanaysa todobaatanmeeyadii xiligaasoo ay arday soomaliyeed wax kabaranayeen jamacadda jaziira balse waxaa jirtay in muddo ah in taariikhdaas kala go ku yimid laakiinse waxa ay dib usoo noolatay kadib markii uu dhacay burburkii hey'adhii waxbarasho ee dalkeena hooyo. laga soo bilaabo xiligaas ilaa iyo iminkadan sanadba sanadka xiga waxaa la dareemayay badashada tirada ardada soomaliyeeed ee jamacada Gezira ayadoo hada ay jamacada wax kabartaan arday tiradooda ay kor u dhaafayso ilaa 35arday oo ukala qaybsan dhamaan kuiyadaha jamacada
Xiriirka Jaamacada Gezira iyo Hay’adaha Waxbarasho ee ka jira Dalkeena Hooyo.
Jaamacaddu waxa ay xariir la leedahay jamacado iyo macaahid kajira dalka kuwaasoo ay ka mid yihiin:
Jamacaddaha Muqdisho,Banaadir,Camuud(Boorama),iyo machadka SIMAD,ayadoo uu ka dhaxeeyo iskaashi wax wada qabsi oo dhinacyo kala duwan leh sida Siminnarada,is dhaafsiga khibradaha iyo manahijta,sidoo kale jamacadda waxa ay bixisaa deeqo waxbarasho taasoo dhinac ka ah iskaashiga waxbarasho ee jamacada kala dhaxeeya heyadahaas waxbarasho.
Dhaqdhaqaaqa jamacdda Gezira maha mid ku kooban inta kaliya balse waxaa jirtay in sanadkii 2004 ay halkan dhaqaatiir soomaliyeed ku dhameysteen koorso Diplome sare oo Tropical Medicine ah waxaana bixinayay casharada koorsadaas dhaqaatiirta kuliyada cafimaadka ee Jamacada iyagoo la kaashanayay jamacadda Liverpool iyo WHO xafiisyadeeda Somalia iyo Sudan .
XIIRIIRKA ARDAYDA SOOMALIYEED EE JAMACDA JAZIIRA
Ardada soomaliyeed ee jamacada jaziira ayaa ah arday aad iskugu xiran maadaama la joogo wadan qurbo ah ,ardadan oo ka kala timid gobolada kala duwan ee dalkeena hooyo ayaa run ahaantii wax saamayn ah aysan ku yeelan kala duwanaashaha goboladaas isku xernaashahooda iyo waliba isku duubnidooda iyagoo leh Raabido ay kuwada midaysanyihiin,dhanka kale maamulka jamacadda ayaa isagana si gaar ah u taageera una tixgaliya ardada somaliyeed asagoo sanadwaliba ugu deeqa kuraasta ugu badan ee loogu
deeqo ardada ajaanibta ah.
TAYADADA WAXBARASHO EE JAMACADA JAZIIRA
.
University of Gezira waxa ay kamid tahay jamacadaha ugu tayada sareya dalka Sudan isla markaana ah jamacad sumcad wanaagsan ku leh dalka iyo dibadaba taasoo ku timid sababo fara badan awgood oo ay ugu horeeyaan tayada manhajka iyo hanaanka waxbarashada ee jamacada kuwaasoo jamacada u soo hoyay guulo wax ku
ool ah oo ay ka mid yihiin:
1- muddadii 2001/2002 waxa ay WHO u aqoonsatay kuliyadda cafimaadka ee jamacda Gezira kuliyada ugu Systemka wanaagsan ugan fiican kuliyadaha caafimaadka ee
wadamada Carabta ama EMRO oo idil.
waxaana mahad ALLE ah in ay Kuliyada Cafimadka ay wax ka bartaan tirada ugu badan ardada soomaliyeed ee wax ka barta jaamacadan iyadoo hada wax lagu faano ah in ay ka qalin jabiyeen ilaa 5 Somali Medical Students oo ka mid noqday dhakhatiirta Somalia walina ay kusoo daba xigaan intaas iyo in kabadan oo leh wiilal Iyo gabdho .
N.B:- Kuliyadaha cafimadka ay jamacada Jaziira leedahay wa kuwan:
1-kuliyada Cafimadka ama (Medicine): waxana lagu dhigtaa lacag dhan 6000$/year (Lix kun oo Dolar) sanadkiiba. mudada waxbarashadana waa 5sano oo u qaybsan 10 semesters (two semesters/year).
2-Kuliyada Pharmacy (saydalah):waxana lagu dhigtaa lacag dhan 5000$/year (Shan kun oo Dolar) sanadkiiba. mudada waxbarashadana waa 5sano oo u qaybsan 10 semesters (two semesters/year).
3-Kuliyada Medical laboratory Science: Mudada waxbarshada waa 4sano 8 semesters.
4-Kuliyada Applied Medical Sciences:waxa ayna leedahay 3 takhasus
A-Nurse B- Anesthesia(Takhdiir) C-Psychology
kuligoodna mudada waxbarshadooda waa 4sano.
5-Kuliyada Public Health and environmental sciences:
mudada waxbarshadooda waa 4sano.
MAHADSANIDIIN
By:- Abdulmunim Ahmed (MUNIM)
F. of Medicine –Gezira University