Author Topic: Su'aal: Cunaha markaan cadayanayo xubuub adag oo ur leh ayaa iga soo baxa?  (Read 75647 times)

Harish and 16 Guests are viewing this topic.

Offline Abumohamed

  • Newbie
  • *
  • Posts: 13
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
waxaa jirta su'aal uu idin weydiinayo saaxiibkay hadii aad wax dheeraada ka haysid please Dr. u soo faahfaahi adoo ka siinaya faahfaahin wanaagsan thanks.

1: Su'aal marka aan aroortii tooso waxaan isku arkaa ama aan ku arkaa cunahayga markaan cadayanayo xubuub yar yar ama waxaad moodo beed yar yar oo cad cad oo ka imanaya cunaha waa sidaan u qaataye walina yar yar mararka kale ma arko laakiin badanaa waxaan isku arkaa aroortii ama subixii hadii uu cunuhu maalintaa iyara xanuunayana waxaa badan xaaqada aan tufayo oo waxaan dareemaa in uu maalintaasna ka sii badan yahay maalmaha kale ee uu cunihu caafimaadka qabo.

Best Regards.



Somali Medical Forums


Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 3695
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Cunaha markaan cadayanayo xubuub yar yar?
« Reply #1 on: May 16, 2010, 09:57:56 PM »


Waa maxay dhagaxaanta quumanka?
Quunka waxuu ka mid yahay meelaha jirka dhagaxaantu ay ku samaysmaan sida kilyaha iyo xameetida oo kale.
Quumanku waa qanjir eebe ku abuuray cunaha, waxuuna ugu talagalay inay ka qeyb qaataan difaaca jirka waxayna la dagaalamaan wixii caabuq keeni kara oo jirka afka ka soo gala.
Quumanku waxay sidii shabaqa oo kale siriq u dhigaan jeermiska sida bakteeriyada iyo feyrasyada kala duwan.
Waana sababta ay dadka badanaa uga sheegtaan caabuqa quumanka ama ugu soo laalaabto xanuunkooda markii jeermiskii jirka laga difaaci lahaa uu ka xoog badiyo quumanka.
Halkaan ka akhriso qoraal aan hadda ka hor uga hadalnay infekshanka quumanka iyo sida dabiiciga ee loola tacaalo: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1116.0.html

Dhagaxaanta quumanku waa wax cadcad ama huruud camal ah oo adag oo dadka qaar tufaan ama xaakoodaan marka ay cadaysanayaan khaas ahaan subaxa hore waana wax aad ur badan oo dadka badanaa ka welweliyo haddii aysan aqoon u lahayn.

Dhagaxaantu waxay ka yimaadaan dhowr shey oo isku tagay kuwaasoo kala ah: jeermis, dheecaanka quumanka, unguyada difaaca jirka oo gaboobay ama dhintay. Intaas markay isku tagaan waxay noqdaan wax adag oo kuusan oo dulduleelka quumanka gala, waxaana caafimaad ahaan dhagaxaantaan loo yaqaanaa "Tonsillolith" ama "Tonsil stones"
Waxay dhagaxaantaanu ku badan yihiin dadka quumankoodu difaac joogto ah ku jiraan ama caabuqa ku soo noqnoqdo.
Badanaa dhagaxaantu waa kuwa lagu burburin karo gacanta ee ma ahan wax aad u adag, wayna ka jilicsan yihiin dhagaxaanta ku samaysma kilyaha iyo xameetida.

Maxaa lagu gartaa dhagaxaanta quumanka?
Badanaa wax calaamado ah ma lahan dhagaxaantu khaas ahaan marka ay yaryar yihiin, laakiin markii dhowr xabo ay samaysmaan ama kuwa waawayn ay noqdaan waxay keenaan calaamadaha soo socdo:
  • Neefsasho ur badan: waa calaamada ugu horeeyo oo uu dareemo qofka dhagaxaantaan leh.
    Waxyaabo badan ayaa keeni karo af-urka ee ka akhriso halkaan qoraal aan hadda ka hor ku faahfaahinay: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1610.0.html
  • Cuna-xanuun: waxaa laga dareemi karaa meelaha cunaha ay uga dhegan yihiin dhagaxaanta, khaasatan markuu caabuq jiro.
  • Wasakh cadaan ah: waa waxyaabaha lagu arko markii quumanka la fiiriyo, marmarka qaar qofka wuxuu tufi karaa dhagaxaanta iyadoo aanan dhagaxaanta loo jeedin, marmarka qaar waxaa laga yaabaa in dhakhtarka uu kuu diro sawir raajo ama kumbuyuutar si loo arko dhagaxaanta.
  • Xanuun liqidda ah: inkastoo ay ku xiran tahay meesha uu dhagaxa kaga jiro cunaha, laakiin dadka qaar waxay dareemaan xanuun marka ay cunnada adag liqayaan, marmarka qaarne dareeraha.
  • Dhego xanuun: haddii dhagaxa quunka uu kaga samaysmo meesha uu maro neerfaha dhegta dareenka u sida ee quunka u dhaw wuxuu keeni karaa dheg xanuun saa'id ah, markii aad dhegtaada la fiiriyane waxba dhid ah laguma arko
  • Quuman barar: dhagaxaantu haddii ay badan yihiin waxay bararin karaan quunka

Sidee loo daaweeyaa dhagaxaanta quumanka?
  • Daawadu waxay ku xiran tahay tirada dhagaxaanta iyo cabirkooda iyo astaamaha uu dareemayo qofka.
    Haddii uusan qofka wax astaan ah uusan lahayn khaasatan kuwa kor ku xusan wax daawo ah uma baahno, waa inuu nadaafadda afkiisa uu ku dadaalaa isagoo adeegsanayo geedka rumayga kaasoo ka faa'ido badan burushka, maadaama dhuuxa geedka cadayga uu jeermis dile yahay.
  • Hadduu qofka xanuun ama barar ku hayo, dhagaxaantana ay muuqato waa la iska soo saari karaa iyadoo guriga la joogo, waxaana lagu taliyaa in qofka uu ku luqluqdo biyo qandac ah oo cusbo leh ama liin dhanaan aan sokor lagu darin, tani waxay ku saacidaysaa quumanka inuu dhagaxaanta uu u soo saaro dibadda, waxayna ka hortagaysaa jeermiska ku dul abuurmi lahaa qanjirka quunka.
  • Daawo qallajiye ah, wuxuu qofka qaadan karaa daawo antibiotic ah, tani waxay dilaysaaa jeermiska, caabuqa way yaraynaysaa, laakiin dhagaxa baa'bin mayso, sidaa darteed waa in luqluqasho biyo diirran oo cusbo leh iyo liin dhanaan lala isticmaalaa.
  • Xalka ugu dambeeyo ee dhagaxaantaan waa qalliin khaasatan haddii ay dhagaxaantu waawayn yihiin, markaasina waxaa la saarayaa quumanka oo idil.
Halkaan ka akhriso qoraal ku saabsan qallinka lagu jaro quumanka: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,3477.0.html

Haddii aad wax su'aalo ah qabtid iigu soodir qeybta su'aalaha: http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html

http://somalidoc.com
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo boggaan "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Follow him on:
     

Somali Medical Forums

Re: Su'aal: Cunaha markaan cadayanayo xubuub yar yar?
« Reply #1 on: May 16, 2010, 09:57:56 PM »