Author Topic: Indho-beelka sonkorowga keeno  (Read 27785 times)

0 Members and 2 Guests are viewing this topic.

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Indho-beelka sonkorowga keeno
« on: November 10, 2010, 08:09:17 PM »
Horudhac
Indho-beelka sonkorowga keeno (Diabetic retinopathy) waa mid ka mid ah sababaha ugu badan ee indho-beelka.
Sababta ugu weyn waa cudurka sonkorowga.
Indho-beelku (retinopathy) waxuu ka dhigan yahay dhaawaca xididdada yar yar ee dhiigga ee dhuudiya qaybta “retina” la yiraahdo ee ishaada (unugyada ku yaalla gadaasha ishaada ee wax ka qabta iftiinka).
Dhaawaca xididdadaas gaara waxuu geysan karaa fakashada dhiigga (haemorrhage).
Sifada kale ee indho-beelka sonkorowga keeno waa in xididdo dhiig oo cusub ay ka soo bixi karaan dusha qaybta “retina” la yiraahdo ee ishaada. Xididdadaas cusub si fudud ayay u dhiig baxaan.

Indho-beelka sonkorowga keeno waxuu u kala baxaa saddex nooc.
Indho-beelka xagga dambe ayaa ah nooca ugu sahlan ee saameeya araggaaga, laakiin waxuu weli u baahan yahay in ay si joogto ah u dabagalaan Takhtarkaaga Guud (GP) ama xirfadlaha takhasus u leh isha (ophthalmologist).
Indho-beelka badnaanshaha ka hor (pre-proliferative retinopathy) waa marka ay qaybtaada “retina” bararto oo ay dhiig sii dayso, taasoo bilaabi karta in ay araggaaga xirto.
Ugu dambayntiina, indho-beelka badnaada (proliferative retinopathy) waa marka uu bilaabmo in uu mugdi araggaaga galo, taasoo ka timaadda dhiigbaxa aadka u daran ee caadi ahaan geysta arag beelka kadiska ah.

Calaamadaha
Inkastoo indho-beelka sonkorowga keeno uusan xanuunba lahayn, waxuu badi geystaa indho la’aan kadis ah. Waxay taasi timaaddaa maadaama xididdada dhiigga ee cusub ay ku dhiig baxaan qaybta dareeraha quraaradeed ee ishaada (shayga jilicsan ee ka buuxa isha). Waxay taasi u muuqataa daruur madow oo ku jirta ishaada taasoo araggaaga xiri karta.
Muddo ka dib – mararka qaar toddobaadyo ama bilo – dhiigga fakada aakhirka waa la wada nuugi karaa araggaaguna wuu soo noqon karaa.
Calaamadaha kale ee indho-beelka sonkorowga keeno waxaa ka mid noqon kara dhibco yar yar, ama xariiqado, gala araggaaga, mugdi ku jira araggaaga, arag xumida habeenkii, iyo dhibaatada in aad la qabsato iftiinka dhalaalaya ama naaqusan.

Dhiigbaxa aadka u daran ee gala dareeraha qaruureed waxuu geysan karaa in ay soo baxaan xididdo dhiig ee cusub iyo dun. Taasi waxay noqon kartaa xaalad daran maadaama ay duntaasi isku soo ururi karto oo ay goyn karto qaybta “retina”
ee ishaada – kalago’ ku dhaca qaybta “retina” oo adag in la saxo. Waxay daawayntu mararka qaar dib u hagaajin kartaa dhaawacaas, laakiin, inta ugu badan, waxaa laga yaabaa in si joogto ah loo indho beelo.

Sababaha
Indho-beelka sonkorowga keeno waxaa geysta cudurka sonkorowga. Waxaa laga sii yaabaa in aad qaaddo indho-beelka sonkorowga keeno haddii aad maamuli weydo cudurkaaga sonkorowga.
Waxaa qulqulka dhiiggaaga sii badin karta in aad yeelato caddad badan oo sonkor oo dhiiggaaga ku jirta iyo dhiigkar sare. Waxay taasi adkaysaa xuub ku jira ishaada, iyadoo joojinaysa qulqulka dareereyaasha daruuriga ah ee gala kana soo baxa qaybta “retina” ee ishaada. Unugyada dhaawacma ayaa markaa bilaaba in ay sii daayaan kiimikooyin gaar ah oo dhiirrigeliya dhismaha xididdo dhiig oo cusub.
Waxaa la filayaa in ay xididdadaas cusub sii daayaan dareere dheeraad ah.
Haddii aanan la daawaynin, xididdada dhiigga ee koraya waxay bilaabi doonaan in ay farageliyaan araggaaga waxaana loo malaynayaa in ay waxyeello u geystaan ishaada (fiiri qaybta wax-yeellaynta dhib-ah si aad faahfaahin dheeraad ah u hesho).
Waxaad weliba halis dheeraad ah ugu jirtaa in aad qaaddo indho-beelka sonkorowga keeno haddii aad leedahay caddad sare ee maaddada badisa baruurta ee “cholesterol” la yiraahdo (markaasoo ay dhiiggaaga ku badan tahay ashiito baruureed oo la yiraahdo “triglyceride”); iyo haddii aad uur leedahay.

Baaritaanka cudurka
Indho-beelka sonkorowga keeno waxaa baara oo soo hela takhtar la yiraahdo “ophthalmologist” (xirfadle takhasus u leh isha) kaasoo eega gadaasha qaybaha “retina” ee ishaada isagoo isticmaalaya qalab la yiraahdo “ophthalmoscope” (qalab iftiin leh oo loo isticmaalo si loogu eego ishaada dhexdeeda).
Haddii aad cudurka sonkorowga qabto waa in aad marwalba si joogto ah (ugu yaraan hal jeer sanadkii) u baarto indhahaaga si looga eego dhiigbax iyo soo bixitaanka aan caadi ahayn ee xididdada dhiigga. Haddii hore lagaaga helo indho-beelka sonkorowga keeno, waxaa suurogal ah in ay sii waxtar badnaato daawaynta laguu siiyo. Waxaa ka dib laguu gudbin doonaa takhtarka “ophthalmologist” la yiraahdo (xirfadlaha takhasus u leh isha) si uu kuu sii baaro.

Takhtarkaaga isha takhasus u leh (ophthalmologist) waxuu qaban karaa hawl la yiraahdo “fluorescein angiography”. Renji ayaa lagu mudaa gacantaada kaasoo aakhirka kor u kaca oo gaara isha. Waxay taasi fududaynaysaa in la arko xididdada dhiigga ee qaybta “retina” ee ishaada, iyo weliba si loo eego in ay jiraan xididdo dhiig oo kala go’ay, ama dareere fakanaya.

Daawaynta
Daawaynta loogu talagalay indho-beelka sonkorowga keeno way kaladuwan tahay waxayna ku xiran tahay nooca gaarka ah ee aad qabto.
Indho-beelka xagga dambe wixii khuseeya, uma baahan doontid wax daawayn ah.
Hase yeeshee, waa in aad haddana si joogto ah u soo baarto indhahaaga si hore loogu ogaado sii xumaanshaha xaaladda.
Haddii aad qabto indho-beelka badnaanshaha ka hor, sidoo kale suurogal ma aha in aad daawayn u baahan doonto. Hase yeeshee, haddii ay fakashadu khatar geliso araggaaga waxaa fursad loo haystaa in la isticmaalo daawaynta ku salaysan qalabka “laser” la yiraahdo ee iftiinka bixiya.
Haddii aad qabto indho-beelka badnaada, waxaa la isticmaali karaa daawaynta ku salaysan qalabka “laser” la yiraahdo si loogu gubo xididdada dhiigga ee aanan caadi ahayn si looga hortago in ay sii baxaan. Daawaynta ku salaysan qalabka “laser” toos uma taabato xidiiddada dhiigga, laakiin waxay burburisaa kuwa ku hareersan ee ka mid ah qaybta “retina” ee ishaada ee iyagu u harraadan curiyaha
hawada ee oksijin. Dib uma soo celin karto aragga luma, laakiin waxay ka hortagi kartaa in uu araggaagu sii xumaado.
Marar dhif ah, qalliinka isha lagu sameeyo ayaa la isticmaali karaa haddii uu dhiigbax aad u darani isha kaa gaaro. Waxay taasi iman kartaa haddii goor dambe  lagaa helo indho-beelka badnaada.
Takhtarkaaga Guud, ama xirfadlaha takhasus leh, ayaa kaala hadli kara dhammaan fursadaha diyaarka ah, iyo weliba faa’iidooyinka iyo wixii halis ah ee soo raacda daawaynta ku salaysan qalabka “laser” ama qalliinka isha lagu sameeyo.

Wax-yeelayn dhib-ah
Marka ay xididdada dhiiggu ka soo baxaan qaybta “retina” ee ishaada, mararka qaar way qarxaan, ama dareere ayay sii daayaan. Waxay taasi keeni kartaa wax-yeelayn dhib-ah.
Haddii uu dhigbax kaa gaaro isha (dhiigbaxa qaruureed (vitreous haemorrhage)) waxaa laga yaabaa in ay aragga kaa soo galaan dhibco. Mararka sii daran, dhiig ayaa ishaada wada qarin kara, kaasoo araggaaga wada xiri kara. Dhiigbaxaasi ma geysto arag beelid joogto ah, waxuuna badi ku baaba’aa xoogaa toddobaadyo ama bilo ah.
Kala go’a qaybta “retina” ee ku yimaadda jiidista ayaa ka dhalan kara nabarka unugga ee ka soo baxa gadaasha ishaada. Waxuu abarkaasi keeni karaa in qayb ka mid ah ishaadu ay jiidis kaga soo baxdo barteeda caadiga ah. Waxay taasi keeni kartaa arag caddaan ah, ama daruuraysan iyo, marar aad u daran, arag beel dhammaystiran.

Xaaladda la yiraahdo “neovascular glaucoma” ee indho-beelka xididdada dhiiggu ay keenaan waa marka aad qabto xididdo dhiig oo aan caadi ahayn oo ka soo baxa bu’daada (qaybta midabaysan ee isha ee xukunta caddadka iftiinka ee soo gala). Waxay taasi qasaysaa qulqulka caadiga ah ee dareereyaasha ishaada dhexdeeda iyadoo keenaysa in uu cadaadis ka dhasho. Waxay taasi geysan kartaa waxyeello joogto ah oo gaarta aragga.

Ka hor-tagga
Si looga hortago, ama loo yareeyo, xumaanshaha indho-beelka sonkorowga keeno, waxaad u baahan kartaa in aad beddesho dhinacyo badan oo ka mid ah habnololeedkaaga.
Maamul caddadka sonkorta ee dhiiggaaga adigoo sida ugu suurogal badan ugu haynaya meel u dhow halka caadiga ah. Sida ugu fiican, waa in uu caddadkaagu u dhexeeyo 90-130 miligaraam halkii decilitre (mg/dL) cuntada ka hor iyo 180 mg/dL laba saacadood cuntada ka dib. Si aad halkaas u gaarto, waxaad u baahan kartaa in aad daawo qaadato, sida insulin. Waa in aad weliba qaadato cunto dheellitiran
oo caafimaad leh iyo in aad xukunto culayskaaga.
Iska jooji sigaarka, gaar ahaan haddii aad cudurka sonkorowga qabto. Sigaar cabbiddu waxay ciriirisaa xididdadaada dhiigga, taasoo kugu kordhinaysa halista wax-yeelayn dhib-ah oo aad la kulanto. Khamriga xad-dhaafka ahi waxuu kugu kordhin karaa dhiigkarka (qiyaasta maalinlaha ah ee khamri ah ee rag cabi karo waa 3-4 halbeeg dumarkana 2-3 halbeeg oo khamri ah).
Hubi in aad si joogto ah (sanad kaste) indhaha isaga baarto, una sheeg Takhtarkaaga Guud, ama xirfadlaha takhasus leh, wixii isbeddel ah ee ku yimaadda araggaaga.

Haddii aad qabto su'aal ku saabsan qoraalkaan hoosk u weydii
SomaliDoc


Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Caga-hurka ama Caga-ololka Maxaa Keeno?

Started by SomaliDocBoard Cudurrada Guud

Replies: 4
Views: 180639
Last post August 23, 2015, 02:14:13 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Maxaa keeno Waji Saliida? Maxaa lagu daaweeyaa?

Started by HaykalBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 71814
Last post February 16, 2016, 10:07:14 PM
by SomaliDoc
Dawooyinka been-abuurka ah ee Somalia la keeno iyo dhibta ay geystaan (DHAGEYSO)

Started by DrkheyreBoard Health News and Events

Replies: 0
Views: 16178
Last post May 07, 2011, 02:42:11 PM
by Drkheyre
Su'aal: Maxaa keeno inee ilmaha madaxa biyo ka galo?

Started by Fatima Hussein MohamedBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 19254
Last post October 02, 2015, 10:46:27 AM
by SomaliDoc
Su'aal: Waxa Aan Ku HunGoobay Siikada (Gacanta Biyaha La iskaga Keeno)?

Started by Wiil.SoomaliyeedBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 20224
Last post January 09, 2016, 03:57:35 PM
by SomaliDoc