General Discussions > Feel Free Here
Dood Wanaag: Jaamacado Caafimaad ee Cusub (Faaido iyo Dhibaato)?
Waxbaro!:
Asalamu Alaikum,
Waxaan doodaan u furay markaan arkay in wadanka ay ku soo badanayaan jaamacadaha dhigo maadada caafimaadka iyadoo qaar u muuqdaan in loo furtay ganacasi ahaan oo aan safiican looga soo baarandagin.
Taasoo keensanayna in ardaydii ay ku jahwareeraan maadaama warbixin faahfaahsan aysan ka heysan jaamacadahaas, qaar ka mid jaamadacahaas shardi uma ahan in ardayga uu ka soo baxay dugsi sare oo ay aqbalaan haduuba awoodo inuu bixin karo qarashka jaamcadda, ama saacadaha la dhiganayo aysan buuxinayn waqtigii loogu talgalay ee "minimum credit hours".
Jaamcad caafimaad waxay u baahantahay ka fakir badan inta aan laguda galin asaasideeda maadama ay u baahantahay qarash ku filan oo ardaydaas safiican wax loogu baro si hadhowdii aduunka ula saan qaadaan, waxbarashadane ay noqoto mid tayo leh, tababar fiicanne ay u helaan aqoontooda dhakhtareed oo isbitaallo ay ku tababartaan oo jaamcadaas leedahay ama xiriir la leedahay ay jirto maadaama waxa la lala tacaamulayo uu yahay qof biniaadan ah.
Wadanka wuu u baahanyahay takhaatiir inay u soo baxdo oo ka qeyb qaadato daryeelka caafimaad ee bulshada u baahantahay, laakiin taas macnaheedu maahan in dariiq aan laga fakarin lagu tijaabiyo ardayda dooneysa in ay bartaan maadada caafimaadka.
Maadada caafimaadka sanadka ugu horreeyo way sahlantahay wadideeda maadaama wax lagu dhigayo ay yihiin basic science ama basic medical science oo loo heli karo macallimiin dhigi karto laakiin markii loo guda galo sanadaha kale waxaa loo baahanyahay takhaatiir aqoon buuxda u leh maadooyinkaas oo si wanaagsan u bari karo arday ku nool wadan aan xasilneyn qalabkii ku filnaane aan la heysan, waxaa intaa sii dheer waxay u baahantahay jaamcaddaas isbitaal ay ardaydeeda ku tababarato.
Midda kale waxaa la arkay in hal magaalo laga furay 2 jaamacadood oo caafimaad hal bil gudaheeda, taasoo ay dhici karto arday tiro la eg hal jaamcad buuxin kara aysan ka soo bixi karin dugsiyada sare ee magaaladaas oo ah 2 dugsi sare kaliya.
Dhibaatada ay keemsan karto ka fakar la'aanta loo furayo jaamacadaha in ay adkaato wadideeda oo albaabada la isugu dhufto halkaane ay ku lug go'aan ardaydii xamaaseesneed oo dhowrka sano soo waday waxbarashada.
Aduunka markii la furayo jaamcad waxay ubaahantahay in la ansixiyo lana ictiraafo, manhajkeeda oo dhameestiran iyo qarash ay wax ku wadi karto oo ugu yaraan hal loot ay ku soo saari karto ay soo bandhigto kadibne si joogto ahne looga warqabo.
Taladayda waxaan is leeyahay si arday kasta soomaaliyeed oo xiisaynaya maadada caafimaadka u heli lahaa aqoon tayo leh oo wax u tarta mustaqbalkiisa in waxbarashada loogu geeyo gobolkiisa iyadoo jaamcadaha wadanka ka jira oo caafimaadka dhiga sida Banadir iyo Amoud university ay branchs ka furtaan gobollada maamulgoboleedkooda hoos yimaada inta gobol kasto uu magac u raadin lahaa gobolkiisa isagoo asaasa jaamcad magaca gobolka wadato oo laga soo fakarin qaabkii loo sii wadi lahaa oo wax lagu dhisay kaliya lacagaha laga soo aruuriyo ardayda ay aqbali doonto.
Waxaan jeclaan lahaa qofkii ra'yi ka dhiiban kara mawduucaan inuu ku soo dhawaado madasha doodda.
Waxbaro!
Xukun:
ASsalaamu calaykum.
hadaan ra'yigayga ka dhiibto, waxaan qiyaasaa jaamacadaha caafimaadka ee ku yaala wadanka somalia oo dhan sifiican ayaa lookala yaqaanaa kuwa wax tarka leh iyo kuwa aan tayada badan lahayn. tusaale ahaan jamacada Muqdisho Uni. waxay kaalinta 40-tanaad uga jirtaa jaamacada Afrika oo dhan. qaar kale oo waxaase jira aan wax badan laga baran, lakin qof walba o soo jeedaa wuu dareemi karaa.
anoo kafaaidaysanaayo Fursadaan, dhalinta gudaha wadanka jooga waxan u sheegaa in ay ka faaiidaystaan jaamacadaha kuyaala wadanka oo aysan waxba isku mashquulin kuwa dibadaha ku yaal, sababtoo ah waan aragnay tayada jaamacadaha dibada iyo qaabka loola dhaqmo ardayda soomaaliyeed.
Mahadsanidiin.
Dr.Adnan:
Salamu calaykum
Su'aasha taagani maaha dheef iyo dhib midkee bay leedahay in la badiyo Jaamacadaha lagu barto caafimaadka, su'aashu waxa weeyi, Ma yihiin Jaamacadaha Caafimaadka ee wadanka ka furani iyo kuwa dhawaanta la furayba Qaar dabooli kara tacliinta Caafimaadka? Ma yihiin qaar suurto galinaya tabihii iyo manhajkii qumanaa ee barashada Cilmigan? Ma hayaan Kaadirkii Tacliimiga ahaa ee soo saari lahaa Dhakhaatiir Bari toole dhaxli karta oo dhabarka u ridan karta Baahida ka taagan Dalka hooyo?
Doodan aan u soo laabtee, Sababo dhawr ah ayaan aaminsanahay in ay ka danbeeyaan ama ay hurinayaan tartankan loogu jiro furashada Kulliyad Caafimaad oo ay ka mid yihiin.
* Iyada oo laga raadinayo Ganacsi, ama manfac dhaqaale.
* Dadka dhidibada u taaga kulliyadahaas oo intooda badani aan cilmi ama waayo-aragnimo u lahayn qiimaha iyo ujeedada ay xambaarsantahay barashada Caafimaadku
* Bulshada Soomaaliyeed oo aan lafteedu garanayn halbeegii ay u adeegsan lahaayeen qiimaynta kulliyadahaas tirada badan leh
Iyo Qodobo kale oo badan, Ujeedadaydu waxa ay tahay, Masuuliyada arrintani waa mid wadaag ah oo ka dhaxaysa dhamaan qaybaha bulshada soomaaliyeed ayna tahay in mujtamacu garawsadaan in Qofka dheef ka heli kara ama dhibi ka soo gaadhi karto kulliyadahaasi ay tahay iyaga.
Sida carabtu ku maahmaahdu "Hadii Dabaakhiintu bataan Maraqaa xumaadaa" sidoo kale waxaan aaminsanahay in kulliyadahan Badan laftoodu ay Dhakhatiirtii faro ku tiriska ahayd ee ardayda wax bari lahayd lakala firdhinayo, kuwa cusubna aan la soo wadin.
Hadal badani haan ma buuxsho, Ilaahay baa og sida khayr inoogu jiro, Laakiin Waqti xaadirkan aan joogno xal maaha kulliyada barashada caafimaadka oo la badiyo. Laakiin wax aan xal lama huraan ah u arkaa in la xoojiyo kuwii hore u sii jiray oo iyagu u baahan taageero iyo in lagu garab galo.
Jaamacadaha ay tahay in lagu garab galo hawshooda, run ahaantiina inta karaankooda ah dadaalaya waxa ka mid ah Jaamacada Camuud, Jaamacada Hargeisa iyo Jaamacada Banaadir.
Diagnostic:
Caafimaadka halaga daayo ganacsiga!!
Waxaa horay loo aqoon jiray in jaamcadaha wadanka laga furayo lagu bilaabo kuliyadaha ay sahlantahay in la dhigo, laakiin sida uu sheegay walaalkeen "Waxbaro!" waxaa soo baxay jaamacado ka dhigay kuliyadoodii ugu horeysay kuliyad caafimaad.
Mida kale oo qatarta ah oo laga dhawaajiyaya ayaa waxay tahay in jaamcadaha qaar ay qaataan ardayda iyagoo ka soo bixin dugsi sare, anigu waxaan leeyahay kuwaas waa in laga qabtaa bulshada oo waxa ay duminayaan dugsiyadii sare oo aan ognahay muhimmada ay leeyihiin.
Waalidiintuna waa inay ka fakaraan kana taxaddaraan aqoonta ay helayaan caruurtooda.
Mahadsanidiin.
Abdulrazzak:
intii ka danbeysay burburkii dowladii dhexe waxa meesha ka baxay wax walba oo maanta ummada somaliyed u baahan tahay mida aan maanta ka hadlayno waa Jaamacado caafimad runtii somalia dad ayaa u haysta meel aan bina adam ku noolan karin iska daa in uu helo wax barasho jaamcaded .Taas anogoo arkayno ayaa hada waxaa jiro qolo wali ka maarmi wayday in ay lacag ka sameeyaan ummadas dandareysan garbaha u uu hayo dagaal wadayaal iyo kuwa dano gaar leh . Nasiib daradas ayaana ku salaynayaa in aan maanta somaliya ay noqoto mid Jaamacadii caafimad ay ka shaqaystaan qolo xitaa aanan u bilaawnayn hab dhaqamadka caafimadka Dr. iyo nurse oo wali ka shaqaynayo somalia waxay igu tahay dhiiri galin wayn oo loo hayo in bal xita la helo meel dhaawaca . tan jaamcaada aad ka hadashay wax badan kama badalayso mana uu ka jiro wax lagu tilmaamo jaamacad qaabkeda Moqadisho waa un lacag ka samayn dhiiga dadkii ka haray dagaalkii 1991 .
I appreice some somali doctors who work inside hospital not teaching side ..
Navigation
[0] Message Index
[#] Next page
Go to full version