Author Topic: Dood Wanaag: Dowrka Xirfadlayaasha Caafimaad ee Wadanka Soomaliya?  (Read 13729 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Waxbaro!

  • Global Moderator
  • *****
  • Posts: 242
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
  • Aqoontu Waa Iftiin
DOODDA BISHA JANUARY 2011
Markii dagaalkii sokeeye qarxay oo wadankii laga kala qaxay intii aqoon laheedne dibadda u carareen ayaa waxaa dhacday baahi daran ee caafimaadeed, taasoo kaliftay in si howshii caafimaad lagu sii wado ay dad aan aqoon u laheen caafimaadka amaba ahaan jiray kalkaaliyaal caafimaad ama caawiyayaal qalliin in hawshii dhakhaatiira la wareegaan.

Waxey taas keensatay in bulshadii ku qasbanaatay kadibna la qabsatay, dadka noocaas ahi illaa iyo haddane ay ka shaqeeyaan isbitallada waaween ee dalkeenna inkastoo ay howl culus qabteen oo intii dagaallada socdeen wadankane laga kala maqnaa wixii ay badbaadin karaan ay badbaadiyeen laakiin iyadoo takhaatiir badan wadanka ku soo laabatay qaar kalane ay jaamacadaha dalka ay ka soo baxeen, baahidii jirtayne ay sii yaraaneyso ayaa waxaa sii jira in dadka noocaan ahi ay sii kordhayaan.

Frsamo yaqaannadaan caafimaadeed waxay a wood u leeyihiin in ay sameeyaan qalliimo nooc walba leh inkastoo aysan soo marin waxbarasho caafimaad qaarkoodne ayba ka soo bixin dugsi sare.

Ilaahay qofka wuu ku hibeysan karaa aqoon ama xirfad labadaba lakiin waxaa loo baahanyahay haddii waxu caafimaad yihiin in xeerka iyo akhlaaqada caafimaadka ay ku xadidi karaan una hogaansantid.
Tusaale yar hadaan idin siiyo:
Vivien Thomas waa nin afrikan mareykan ah waa xirfadle caafimaadeed, weligiis caafimaad ma dhigan laakiin xirfaddiisa iyo maskaxdiisa ayuu ku allifay qalliin lagu badbaadinayo dadka qabo cudurka "Tetralogy of Fallot" waa cudur wadne oo ay ku dhashaan caruurta.

Cudurkaan wax daawo looma heynin ilmahane way u la'an jireen laakiin qalliinkii uu Vivien uu allifay kuna sameeyay eygiisa ayaa illaa iyo hadda la adeegsadaa laguna badbaadiyay boqolaal kun oo caruur.

Vivien wuxuu u shaqeyn jiray Dr.Blalock, una xaaqi jiray xafiiskiisa, una quudin jiray eeyada uu ku xanaaneeyo sheybaarkiisa.
markuu dr. blalock uu arkay in Vivien uu yahay nin aan caadi aheen ayuu sheybaarka u soo wareejiyay si uu uga shaqeeyo inkastoo lacagii aan loo kordhin oo "Jnitor" ahaan uu lacag ku qaadanayay maadaama uu san wadan shahaado sheybaareed.

Vivien inta uu sheybaarka kala shaqeynayay Dr. Blalock ayuu wax badan korosaday iskuna dayay in dhibaatooyinka uu la xalliyo saaxiibkiis.
10 sano kadib ayuu qalliinkii lagu guuleystay markii uu Vivien ku tijaabiyay eey uu lahaa kaasoo eyga wadnahiisa laga dhigay sidii qof qaba "Tetralogy of Fallot" kadibna lagu sameeyay qalliin lagu saxayo.

Vivien wuxuu qalliinkii uu baray Dr. Blalock inkastoo weli aan lagu tijaabin qof biniaadan ah.
Bishii November 29, 1944 ayaa qalliinkii lagu sameeyay cunug 18 bil jirta cudurkane u sii dhimanaysay, qalliinkaasoo uu sameeynayay Dr. Blalock, Vivien-na isagoo kursi saaran ayuu ka kor hagayay Dr. Blalock.

Qalliinkii waa lagu guuleystay waxaana loo bixiyay looguna magac daray  "Blalock-Taussig shunt" inkastoo maskaxdii qalliinka soo alliftay, hageysayne aan la xusin maadaama uusan profession caafimaad uusan laheen.

Vivien kama xumaanin arintaas oo wuu garanayay cilmigaan caafimaadka inuu xeerar iyo shuruudo adag wuxuuna isku dayay dhowr jeer inuu galo iskuul caafimaad laakiin uma suura galin.

Dr.Blalock wuxuu noqday nin caan oo abaalmarinno badan helay, meesha uu Vivien uu ahaa ninka qeybiyo cabitaannada xafladaha loo qabanayay ardeygiisa Dr.blalock!.

Inkastoo Dr. Blalock loo qaatay Cheif of Surgery jaamcadda Hopkins, vivien wuu soo watay oo kama harin.
Wuxuu Vivien jaamcadda sii joogay 15 sano kadib markii uu saaxiibkiis Dr. Blalcok uu u geeriyooday cudurka kaankarada.

Viven wuxuu tababaray oo macallin u noqday takhaatiirtii qalliinka ee maraykanka ugu caansaneed inta u dhaxeysay 1968dii ilaa 1980tameyadii.

Sheekada Vivien iyo Dr. blalock waxaa laga sameeyay laba documentary film oo kala ah:
  • Something Lord Made
  • Partners of the Heart

Waxaan sheekadaan laga faaideysanayaa dhowr shey oo ay ka mid tahay:
1- Qof aan aqoon u laheen caafimaadka inuu wax ku soo kordhin karo ama ka qaadan karo dowr weyn horimarinta caafimaadka.
2- Xirfaddaada haddii aadan shahaado aysan la socon meel dawlad iyo nidaam ka jiro laguma aqoonsanayo oo wixii aad qabatay dad kale ayaa lagu mahadin doonaa oo magac ku ma heli doontid.
3- Laga ma weynaado waxbarasho, intaa doontid jir waxbarasho waa lama huraan.
4- Qof xishoodo iyo qof isla weyn waxba ma bartaan.

Akhristaha sharafta mudanow, doodeennu waxay ku saabsantahay su'aalahaan soo socda:
1- Sidee ayaa looga faaideysan karaa looguna faaideyn karaa qof xirfad caafimaad leh, aqoon dugsiyeedne aan soo marin?
2- Baahida loo qabo dadkaa noocaan ahi ilaa intee ayay gaarsiisantahay?
3- Maxaa talo aad siin laheed farsamayaaqannadaan caafimaad?

Waxbaro!


Your posts reflects your personality, so be Wise and Polite!


Offline Sayidka-1

  • Newbie
  • *
  • Posts: 1
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
  • medicine should be your passion not one's reccomm.
Re: Dood Wanaag: Dowrka Xirfadlayaasha Caafimaad ee Wadanka Soomaliya?
« Reply #1 on: January 07, 2011, 11:00:39 PM »
Bismillaahi Raxmaani Raxiim.

Ugu horrayn waxaan salaamayaa Maamulka bogga Somali-doctors. Waxaan sidoo kale salaan diirran hawada u soo marinayaa walaalaha had iyo jeer ka qayb qaata doodaha boggan iyo dhammaan bulsho-weynta somaaliyeed ee ku xiran bogga.

Inkasta oo aan muddo xubin ka ahaa bogga somali-doctors haddana tani waa qormadii ugu horraysay ee aan fikirkayga ka dhiibto ama ra’yi ahaan ka qayb qaato, taaso ay sabab u ahayd anoo inta badan u leexin jiray wakhtigayga xagga waxbarashada; waxaanse jeclahay inaan hadda ka dib haddii ilaaha awoodda lehi idmo aan qayb ka noqdo doodaha iyo qoraalada intii karaan kay ah.

Haddaan u soo noqdo Doodda furan ee ah Xirfadlayaasha caafimaadka ee aan aqoonta aasaasiga ah ee caafimaadka soo marin iyo Somalia, anigu ra’yi ahaan waxaan qabaa in ay doodaasi dhalayso arrimo dhowr ah ay ka mid yihiin kuwa walaalka soo ban dhigay doodda uu xusay iyo kuwa aan ku dari lahaa intaba. Waxaan u kala hormarinayaa siday aniga ila tahay in ay kala muhiimsan yihiin.
1. Baahida loo qabo dadka noocan ahi intee ayay gaarsiisantahay?
 Aniga shakhsi ahaan waxaan aaminsanahay baahida loo qabo dadka noocan ah in ay tahay mid aad u sarraysa. Sabab?
a. Waddanka Somalia oo wakhtigaan xaadir ka ah ay dhakhaatiir la’aan ba’ani ka taagantahay.
b. Dhakhaatiir-tii tirada yarayd ee waddanka ku hartay oo noqday wax howlgab ah iyo wax ilaah oofsaday.
c. Dhakhaatiirta da’da yar ee soomaaliyeed ee wax kabaratay/baranaysa waddanka dibaddiisa oo aan intooda badani danaynayn in ay galaan  doorka xirfadlayaasha kor lagu  xusay hadda waddan-kii ka ciyaarayaan.
d. Inta-badan magaalooyinka iyo tuulooyinka somalia oo aan lahayn xarumo caafimaad oo dhakhaatiiri ka hawlgeli karto marka laga reebo Iska-daawooyin (pharmacies) ay leeyihiin dadka dooddu ka hadlayso.
2. Sidee ayaa looga faa iidaysan karaa dadka noocaan ah?
Anigu sida aan qabo dadka xirfadda caafimaadleh/matala xirfadle caafimaad laakiin aan haysan shahaado ama aan lahayn aqoontii aasaasiga ahayd ee muhiim-ka u ahayd howsha qofkaasi qabanayo ama sida dhacda mararka qaarkood aan haba yaraatee wax fikir ah ka haysan waxa uu qabanayo Hababka looga faa’iidaysan karaahi way badan yihiin. waxaana ka mid ah:
a. Iyaga oo laga dhigo kalkaaliyayaal caafimaad oo la shaqeeya dhakhaatiirta waddankii ka hayl galaysa. Taasi oo laga yaabo in ay mararka qaar kaga aqoon badan yihiin qofka ay la shaqaynayaan laakiin inaan dhakhtar-kaasu/dhakhtarad-daasu is oran qofaan shahaado haysan ayaa kaa aqoon badan maxaad isu ceebayn ee laga faa’iidaysto sida ku cad qoraalka dooddu ku socoto ee Tijaabadii tetralogy of fallot.
b. In laga qaato wixii xog ah ee ay ka hayaan jirrooyinka iyo daawooyinka waddanka ka jira ama laga helo ( iyadoo aan lagu koobnaan talooyin kooda oo keliya).
c. In lala kaashado markii barnaamij caafimaad laga fulinayo meel ka mid ah waddanka ( sida qalliin indhaha ah ay fulinayaan dhakhaatiir dibadda ka timid) maadaama shaqaalaha caafimaadka ee waddanka ka jiraa koobanyahay.
3. Ma jirtaa in dadkani caqabad kuyihiin dhakhaatiirta runta ah ee waddankii ka hawl galaysa? Waxaan aaminsanahay in xirfalayaasha noocaan ah ay dhib ku yihiin samo u socodka caafimaadka ee waddanka somalia wakhtigaan, iyadoo marka laga reebo in dadkani ay hadda saamayn wayn ku yeesheen inta badan xarumaha caafimaadka ee waddanka oo ay adagtahay in dhakhaatiirta waddanka ku soo laabaynaysaa ay ka howlgsho cisbitaalada horay u jiray haddana in ay khatar nabad gelyo ku yihiin xirfadlayaasha caafimaad ee runta ah.
4. Faa iidada iyo khasaarada dadka noocaan ah?
 Faa’iidada waxaan ku soo koobi lahaa in ay galeen booskii dhakhaatiirta oo ay muhiim yihiin. Khasaarada waxaa ka mid ah: u isticmaalka daawada si aan ahayn sidii loogu talo galay, fulinta qalliimo keena dhibaaato ka badan tii bukaaku qabay,adeegsida daawooyin dhacay, qofka oo lagu sheego cudur aanu qabin, isticmaal la’aanta xeerarka caafimaadka ( sida nadaafadda, faafidda cudurada ee bukaanka dhexdiisa iyo daryeelidda qalabka qalliinka isticmaal ka gadaal) IWM.
5. Maxaan talo siin lahaa Farsamayaqaanada noocaa ah?
Waxaad moddaa in ay kaga hobboonaan lahayd maxaan u qaban karnaa farsamayaqaanada noocaan ah, sababtuna waxaa weeye way adagtahay in qof cisbital u furanyahay ama maalin walba fuliya qalliin in uu wakhtigaan kaa qaato tallooyin ku habboonaa sanado ama tobanaan sano ka hor. Waxaanse anigu soo jeedin lahaa qodobadan hoose.
a. Kuwa ka shaqeeya meelaha daawooyinka oo keliya in lagula taliyo in ay bartaan daawooyinka ay gadayaan loona sheego dhibaatada ay keeni karto qof daawo cudur uusan qabin amaba daawo dhacday la siiyo, iyo in loosheego inaan daawooyinku ahayn bagaash ee ay leeyihiin xeerar la raaco marka la qaadanayo sidaas daraadeedna ay habboontahay in qofkaasu ogaado cawaaqib xumada ka iman karta howshaas uu faraha kula jiro.
b. Ciddii kashaqaysa Shaybaar: In loo sheego inay ku habboontahay in qofkaasu aado waxbarasho meesha ugu dhow ee uu awoodo soona kororsado ugu yaraan mudda 2 sano ah aqoonta la xidhiidha shaybaarka. Waxaa sidoo kale habboon in qofkaan la ogaysiiyo inaan haba yaraatee lagu kalsoonaan karin habka uu wax uu baarayo iyo waliba kiimikooyin-ka (chemicals) uu adeegsanayo;  taasi waa haddii aan dhibi ka imaanayn oo keliya.
c. kuwa ka shaqaynaya daawayn: Qoladaan waxaan u sheegi lahaa in ay duulayaan diyaarad la’aan inkastoo waddankii noqday diyaarad aan duuliye lahayn. waxaase laga yaabaa in qaar ka mid ah dadkaan ay khibrad badan kasbadeen oo aan dhakhtar cusubi (fresh medical graduate) u babac dhigikarin oo ay ku habboonaan lahayd in imtixaan lagu kala saaro qofwalbana la dhigo halka aqoontiisu gaarsiisantahay maadaama aan loo hayn dhakaatiir badasha.
d. Qolada qalliinada waxaan kula talin lahaa in ay jaamacad soo bilaabaan ama ay faraha ka qaadaan qalliimada haddaysan jirin dhakhaatiir wakh ka taqaan xeerarka qalliimada oo ay la shaqaynayaa. Ogow tallooyinkaas haddii la fulinayo waa in markii hore laga fakaraa waxa ka imaankara.

Mahadsanidin,
Sayidka.

Offline Pharmacist

  • Hero Member
  • *****
  • Posts: 231
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
  • Real Pharmacist
Re: Dood Wanaag: Dowrka Xirfadlayaasha Caafimaad ee Wadanka Soomaliya?
« Reply #2 on: January 08, 2011, 05:58:11 PM »
Waa qoraal aad u qurxoon.

Talooyin fiican ayaad soo jeediseen, aniga waxaan ku dari lahaa oo u sheegi lahaa xirfadlayaasha in ay fursad ayay maanta heystaan inay ka faaideystaan.

Waqtigii dibadda waxbarashada caafimaadka loo doonan jiray waa laga baxay oo wadankii ayaa jaamcado laga furay caafimaad laga barto sida aan arkayne dad aqoon leh ayay soo saareen oo hadaba laga faaidey.

http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=2250.0

Jaamcadahaas sida Banadir iyo Amoud oo waxbarasho bilaash camal ah haddii dibadda loo fiiriyo ayaa jiree ha laga faaideysto.

Waxaan kaloo ku celinayaa in aqoon aan laga duqoobeynin.
Pharmacist is highly-trained and skilled healthcare professional who perform various roles to ensure optimal health outcomes for his patients.

Offline Kasim

  • Newbie
  • *
  • Posts: 5
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
  • "Chance Favors Prepared Mind"
Re: Dood Wanaag: Dowrka Xirfadlayaasha Caafimaad ee Wadanka Soomaliya?
« Reply #3 on: January 09, 2011, 12:21:33 AM »
Bismillah, Assalamu Calaykum.
Ilaahbaa mahadleh marka xigtana nabi Muxammad (CSW).
Mudane WAXBARO aad iyo aad yaad ugu mahadsantahay qoraalkaaga quruxda badan misana anfacaada badan. Waxaan ka rajayanyaa bulshada caafimaadka oo dhami inay ka qaybqaataan doodaan.
Run ahaantii anigoo og saamaynta iyo faaiidooyinka dhaxalgalka ah uu oo maqaalkani ku reebayo maskaxdayda ayaan hadana waxaan aad ula dhacay qodobada laga faa'iidaysanayo maqaalkan ee aad su'aalaha dushooda ku qortay.
Waxaan Xusuustay Sheeko uu iiga sheekeeyay sxbkeey hada MBBS ka dhigta Jaamacad ku taala dalkan Pakistan kuna saabsanaynd islawaynida gali karta qofka binu'aadamka ah marka uu MBBS dhameeyo ee uu graduate-gareeyo hase yeeshee uusan wali wax aqoon culus ah yeelan inkastoo ay garwaaqsadaan ardayda nuucaas ahi inuusan cilmigu dhammaan oo si kasta oo qofku uu takhasus uqaataahi uu u baahanyahay inuu aqoontiisa kordhiyo marwalha, marxaladwalba, iyo meelwalba.
Iyada oo ay taasi sidaa tahay, hadaan u soo laabto tii dooda ee ahayd qofka aan wax aqoon ah lahayn ee hadana qaliinada kaladuwan ka sameeya Soomaaliya.
Imisa ayaad u malaynaysaa oo isla wayni ah ayaa ku jiri karta qofkaas?
Ma u malaynaysaa inuu aqoon kororsi kaa yeelayo?
Jawaabtaasi waa ay adagtahay waase la saadaalin karaa. Aniga ahaan waxaan soo maray xili (2006) arin cajiib ah oo saamayn igu yeelatay aanna ka faa'iiday, doodaan qusaysa, islamarkaana  aan doonayo inaaad ila wadaagtaan.
Waxaan bartaa Microbiology, xiligii aan undergraduateka ahaay ayaa waxaa la iidiray inaan laboratoty kasoo shaqeeyo 2 bilood si aan u buuxiyo shardi ka mid ah shuruuda dhamaystirta koorsooyinka aan qaadanayay. Waxaan aqbalaad ka helay laboratory ku yaala Karachi, waanna ka howlbilaabay. hadaba arinta aan ka faaiiday waxa ay tahay shaybarkani waxa uu laha seminar hall waxaana lagu qabanjiray seminar labadii isbuucba mar, seminarka waxa uu ku saabsanaanjiray halkii marba hal maado ama halshay oo qura sida hal dawo oo cusub, hal farsamo(technique) cusub ama waxlaga bedelay, ama wax dib loo baaro (Review), kasooqaybgalayaashu ma ahayn arday.
Aqristow Seminarkaan waxa kasoo qaybgali jiray Dhakhaatiir, Pharmacists, Microbiologists, Biochemists, Technicians iwm. kuwaasoo inta badan (90% hadaan yareeyo) wada haysteen takhasusyo fara badan.
Waxyaabaha cajiibka ah ee aadka loolayaabo ee uu lahaa seminarkaas waxa ay ahayd doodwadaag (Discussion) u badnaa Quiz marka uu dhamaado ama inta lagu gudo jiro seminarka iyadoo hal hal la isku su'aalayo. Bal malee Dhakhtar haysta MBBS uguyaraan, ama FCPS, ama MRCS, ama MD, ama dhowr degree oo su'aal inta la waydiiyo lagu leeyahay jawaabtii waan la waysay sxb ee waa sidaa lasoco amaa taas ayaa kaa dambaysaye cilmigaaga ku biirso.
Waxay ahayd wax aan dadka oo dhami kudhicin inta badan hadana saaxada waxaa u badnaa oo kusoo noqnoqonjiray dhakhaatiir aad u dabci wanaagsan diyaar u ahaa inay waxbadan bartaan ama dib u xusuustaan wax ay sanado badan ugu dambaysay.
Pakistan waan kula kulmay dhakhtar adiga oo xanuunsan aadan u sheegi karin waxa aad u malayanyso inay ku hayaan isla markaana markaas ku tiraah "Dr. xanuunka i yaha amuu sidaa yahay amase sidaa ayaan u malaynayaa" kuwaydiinaya adiga ma dhakhtar ayaad tahay? yaa kuu sheegay waxaas?.
Sida dabiiciga ah Dadku isku wada mid ma aha.
Hadaan markale dib u jaleeco Q1:Sidee ayaa looga faaideysan karaa looguna faaideyn karaa qof xirfad caafimaad leh, aqoon dugsiyeedne aan soo marin?
Waxaan Filaya qofka noocaas ahi inuu yahay qof loo baahanyahay si kastaba, lakiin ay daruuri tahay in laga dhaadhiciyo faa'iidada ay leedahay in waxloo kordhiyo, lana dareensiiyo inay waxbadani ka maqanyihiin isla markaana uu bulshada muhiim u yahay oo aan booslagala baxayn ee intiisii uun waxloogu sii kordhinayo kadibna waxbarasho nuuc kasta ha ahaatee in loo bilaabo.
Hadan dib ugu laabto sababta loogu baahanyahay waxa ay tahay maanta Somaliya halkii dhakhtar meeqa shaqsi ayuu kusoo aadayaa ayaad isleedahay 1:10. 1:100. 1:1000. 1:10,000. 1:100,000. 1:1000,000?
Si aad jawaabta u hesho akhri (http://www.nationsencyclopedia.com/Africa/Somalia-HEALTH.html).
Hada ma u malaynaysaa in laga maarmo kuwan aan waxba baran lakiin farsamo ahaan aan wada liidan ama aanan bedel sax ah loo hayn?.
Q2: Baahida loo qabo dadkaa noocaan ahi ilaa intee ayay gaarsiisantahay?
Waxan filaya jawaabta su'aashan waxa laga dheehankaraa qoraalka jawaabta su'aasha koowaad. Dabcan lagama maarmo hadadaan la joogo.
Q3:Maxaa talo aad siin laheed farsamayaaqannadaan caafimaad?
Anigoo ka jawaabaya su'aasha sadexaad ayaan kusoo gunaanadayaa qormadaydan:
Waxaan kula dardaarmayaa Dhamaan bahda dibadaha caafimaadka iyo wixii la xiriira kubaratay:
1:Uguhorayntiiba noqo qof maan furan, fahmi kara dhibka jira, una babacdhigi kara baahida loo qabo in waxlabaro dadka aan waxbaran ee hadana farsamada caafimaad kasbaday si kasta oo ay ku helaanba. Ogow dadkaan waxa ku jira isdifaacid marwalbana waxa ay kuu arki karaan qof duulaan ku ah ama shaki uga jiro aqoontisa ama jagadiisa dhakhtarnimo, wuxuuna iskudayayaa inuu iska kaa difaaco hadaad isku daydo inaan soo jiidashola'aan su'aalo waydiisid ama aad wax ka sheegto farsamadiisa ama aqoontiisa.
2:Waxaa nalaka doonayaa inaan anagu wax isbarno aqoonteena kordhino marwalba si ay noogu daydaan dadka aan aqoonta caafimaad lahayn ee caafimaadka ku shaqaysta.
3: Ma ogtahay in cilmiga aan lawada barankarin ama aan laga bogan karin marba marka ka dambaysana aad u baahanaysid inaad waxbadan sii akhriso (Wax akhrisku waa xirfada marka aad bilaawdaa aad baahideeda dareentaa ama aad u bahataa ee aan laga dhargin ebed), hadaba aqoonta caafimaadku waa ay dhacdaa. (Expiring/Depreciation) ayaa ku dhaca, sida dawada sanad lasoo saaro ee dhacda sanad kale, hadii aan la cusboonaysiin. sanadkiiba inku dhow ama kabadan 25% ayaa la cusboonaysiiya aqoonta caafimaadka si aad, hadaba, ula socotid waxa aad baratay halka ay marayaan sanadkaan 2011 waa inaad la socotaa research articles-ka ugu dambeeyay ee la dhamaystiray 2010 ka ama 2011.
4: waxa nalookaga baahanyahay in aan dadka nuucaan ah soo jiidanaa, oo soo dhowaysanaa si aysan nooga didin, kadibna uga dhaadhicinaa fikrada ah AQOON WADA KORORSI/AQOON ISWAYDAARSI si wixii aad ku dhaanto aad ugu kordhiso.

Cudurdaar: Anigu ma Ahi Aqoonyahan ama Qoraa, Wixii QALAD ah ee aan qoray halaga raali noqdo marka hore, marka xigtana ha la ii faa'iideeyo

Mahadsanidiin.

Wabilaahi Towfiiq
"Chance Favors Prepared Mind"

Offline MuslimDoc

  • Sr. Member
  • ****
  • Posts: 103
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
  • Muslim then Doctor
Re: Dood Wanaag: Dowrka Xirfadlayaasha Caafimaad ee Wadanka Soomaliya?
« Reply #4 on: January 11, 2011, 05:24:03 PM »
Assalamu Alaikum Warahmatullahi Wabarakatuh

Walaalayaal waad ku mahadsantihiin dooddaan aad iyo aad qiimaha u leh in laga faaideysan doonane aan rajaynayo.

Haddii aan u gudbo su'aalaha ay ku saabsantahay doodda oo kala ah:

1- Sidee ayaa looga faaideysan karaa looguna faaideyn karaa qof xirfad caafimaad leh, aqoon dugsiyeedne aan soo marin?
Xirfadlayaasha waxa ay ku faaideysan karaan in ay aqoon iyo shahaado raadin ay ku dhinac wadaan khbiradooda gacameed waana inuu ka hoos shaqeeyaa takhtar aqoon leh si uu u hago qaladaadka uu in muddo ah uu ku shaqeynayayne laga saxaa.
Matalan: xirfadlayaasha qalliinka ku shaqeysto waa in ay la shaqeeyaan takhtar kala yaqaanno maadada anatomy-ga si ay uga faaideystaan haday rabaan haka xirfad badnaandaan si ay aqoonne u helaan xirfadoodane ay u noqoto mid waxtar leh.
Taasi wax badan ayay u faaideyn doontaa xirfadlayaasha iyo bukaannada ay daaweynayaanba.
Midda waxbarashada haddii aan u soo jeesto, horta waa dhib qof in muddo ah shaqeysanayay oo mas'uuliyad saarantahay oo biil laga sugayo in uu hadda caafimaad kow uu billaabo taasoo waqti dheer ah lagana yaabo inuu ka caajiso qofka, weliba caafimaadka oo laga billaabo waxyaabo iska basic ah oo qofka xirfadlaha ku dhibaatoon karo kuna niyad jabi karo.
Laakiin waxay baran karaan nursing taasoo dhinaca ay xirfadda ay u leeyihiin ay ku sii takhasusi karaan, matalan hadduu qaliinka yaqaanno wuxu noqon karaa Surgica/Scrup nurse oo xirfaddiisa uu sii hormarin karo.
Sidaasane waa looga faaideysan karaa qofka xirfadlaha ah sida aan hadaba aragney ardayda ka qalin jabisa jaamacadaha wadanka oo wax ka barta isbitaallada dalka waxay ka faaideystaan oo ka hoos shaqeeyaan xirfadlayaashaas maadaama ay chance siinayaan oo ay ku bartaan.

2- Baahida loo qabo dadkaa noocaan ahi ilaa intee ayay gaarsiisantahay?
Baahida loo qabo aad iyo aad ayay u badantahay isbitaallada waaweyn ee dalka ka jira oo boqolaalka bukaan maalin walba qaabila waxaa laga yaabaa in hal ama laba takhtar kaliya ay joogaan kuwaasoo waxaasoo dad aan wada qaabili karin sidaa darteed si howshii ay u socoto waa in bukaankaas wax loo qabtaa waxaana u shaqeynaya xirfadlayaasha.
Tusaale ahaan: Isbitaalka madina oo isbitaalka ugu mashquulka badan magaalada muqdisho dhaawaca badankiisane la geeyo takhaatiirta ka shaqeyso waa fara ku tiris laakiin xirfadlayaasha aan ka hadlayno ayaa howsha badnkood qabto.

3- Maxaa talo aad siin laheed farsamayaaqannadaan caafimaad?
Talooyinkii horay loo siiyay ayaan sii xoojinayaa, xirfaddiina aqoon iyo shahaado ku kaba, waxbarashane lagama weynaado, qofkii isla weynne wax ma barto.

Jazakumullahu Kheyran.
The Muslim doctor shares with the Muslim patient the two main characteristics:
the faith in God and destiny, and the conviction that there is a cure for every disease.

Offline Dr. Acromion

  • Newbie
  • *
  • Posts: 16
  • Points: +30/-0
  • Gender: Male
Re: Dood Wanaag: Dowrka Xirfadlayaasha Caafimaad ee Wadanka Soomaliya?
« Reply #5 on: February 28, 2011, 10:01:45 PM »
Akhyaarta dhamaantiin waad salaman tihiin.
Waxaan rajaynayaa doodaan in ay wax kabadasho xaalada ba?an ee kajira waaxyahaya caafimaadka dalkeena, iyadoo ay noosii dheertahay dagaalo iyo gaajo aan joogsi laheen. Ilaahoow nabad iyo Caafimaad???..Aaamiin!
Sheekada  Vivien Thomas oo ahaa ??takhtar?? madoow ah , waliba wakhti midab takoor xun uu kajiray Mareekanka iyo guud ahaan aduunka, siyaabo badan ayeey uga duwan tahay tan dalkeena haysata maanta. Mida koowaad Vivien Thomas wuu lahaa  aqoonta aas aasiga ah , wuxuuna dhameeyey dugsi sare oo wuxuu lahaa dream ah in uu noqdo takhtar, run ahaantii natiijooyinkiisa skuulka aad bay u sareeyeen  , arimo dhaqaalo laxiriira darteed ayuu ku habsaamay, xirfadlayaasha jooga soomaaliya oo qabta shaqooyin kala duwan sida qaliinka, dawaada, indhaha, sheeybaarka ??.iwm, intooda badan waa dad aan aqoon aas aasi aan laheen , in badan oo aan soo arkay waxay kayimaadeen miyiga oo xeer caafimaad iyo aduunyaba lama socdaan, xataa hadii layiraahdo wax barata, meel ay kabilaabi karaan lama yaqaan.  Tan labaad , Vivien Thomas  wuxuu ku soo aaday mar dadka madoow layaso oo aan laga aqoon xarumaha caafimaadka????.laakiin Xirfadlayaasheena way ku xidideesteen systemka oo iyagaa maamula Isbitaalada , qabiilna dabada ayuu ku wataa oo markii horeba hab qabiil buu meesha kuyimid ,sidaa darteed wey adag  tahay  in lagu soo qaado shahaadooyin, cilmi kororsi, tani waa qalad, halkee wax ku soo baratay ? saanaa sax ah???iwm ???..lafahaagaaba khatar u galeesaa hadii wax yaabahaas lagaa maqlo.
Hadaba hadiin aan u laabto qodobadii dooda oo ahaa;
1-   Sidee ayaa looga faaideysan karaa looguna faaideyn karaa qof xirfad caafimaad leh, aqoon dugsiyeedne aan soo marin?

Waxeey ila tahay in loo bilaabo, loona horkaco in aqoon kororsigu uu wangaasan yahay, Isbitaaladana laga sameeyo programmeyo loogu faa iideenaayo , laguna qalqaaliyo in ay ku biiraan jaamacadaha iyo machadyada caafimaadka ee wadanka kuyaala. Waqtiga dheer ee waxbarashada oo loo soo yara gaabiyo, maadaama ay practicalka ka dhisan yihiin.
Aad bay u adag tahay in wax laga faaiideesto, way ku adag tahay in ay isticmaalaan kalimadaha technikaalka ah , ama si hufan in ay u sharaxaan.

2-   Baahida loo qabo dadkaa noocaan ahi ilaa intee ayay gaarsiisantahay?

Runtii mayara baahida loo qabo dadkaan ,  meelaha qaarkood soomaaliya qof wax dura xataa lagama helo??????.. amar Ilaaheey, xooga ay saaraan tirtirista, furfurista iyo isticmaalka qoryaha hadii ay barashada caafimaadk galin lahaayeen, gidigood medical personnel beey noqon lahaayeen ugu yaraan.

3-   Maxaa talo aad siin laheed farsamayaaqannadaan caafimaad?

Waxaan kula talin lahaa in ay bilaabaan barashada daraasaadka caafimaadka markii ay firaaqa leeyihiin, ama hadii ay fursad heli karaan ay si toos ah u galaan machad caafimaad.

Mahadsanid.

Offline OakPlus

  • Newbie
  • *
  • Posts: 1
  • Points: +0/-0
  • Gender: Female
Re: Dood Wanaag: Dowrka Xirfadlayaasha Caafimaad ee Wadanka Soomaliya?
« Reply #6 on: May 06, 2011, 05:50:17 PM »
AOA,

i COULD NOT UNDERSTAND THE LANGUAGE, PLEASE GUIDE ME

REGARDS

Offline Waxbaro!

  • Global Moderator
  • *****
  • Posts: 242
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
  • Aqoontu Waa Iftiin
Re: Dood Wanaag: Dowrka Xirfadlayaasha Caafimaad ee Wadanka Soomaliya?
« Reply #7 on: May 07, 2011, 08:09:48 PM »
Mr OakPlus, this is a debate about "The role of non-qualified, skilled medical staff in Somalia".

Since the topic is a local issue I preferred to present it in Somali language.

Thanks for passing by...
Your posts reflects your personality, so be Wise and Polite!

Offline Somali Boy

  • Newbie
  • *
  • Posts: 16
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
Re: Dood Wanaag: Dowrka Xirfadlayaasha Caafimaad ee Wadanka Soomaliya?
« Reply #8 on: May 19, 2011, 04:55:47 PM »
sc ugu horeyn waan salaamayaa dhamaan somalidoc si kooban qofka xirfada caafimaad leh waa in aan ku dhiira gelinaa complete education isla markaana aad siisaa motivation si uu u noqdo takaamul cilmi iyo xirfad hana u muujin in uu yahay nin aan wax baran reality encouragement is the best one

Offline CilmiSabca

  • Hero Member
  • *****
  • Posts: 344
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
  • Kas & Kamma' Kibir Looma Kaco.
Re: Dood Wanaag: Dowrka Xirfadlayaasha Caafimaad ee Wadanka Soomaliya?
« Reply #9 on: August 17, 2011, 02:05:02 AM »
Asc dhamaantiin? Salaan ka dib. Aniga waxay ila tahay maadaama waqtigaan xaadirka ah aysan jirin nabad galyo ay ku shaqeyn karaan dhaqaatiirta aqoonta dhaqtarnimo haysata isla markaana  shilalka  ay la kulmi karaan ay figta sare marayaan, haddana kuwa xirfadda leh ee aan aqoon caafimaad laheyni ay halis galin karaan dhaqtarada runta ah, yacni dalka kama jirto maxaad taqaan waxayna xaaladu u badan tahay yaad tahay! Marka ayadoo ay saas tahay laguma dhaco in arrimaha la xidhiidha dhaqtarada xirfadlayaasha (dhaqtar booc boocyada) lagu soo hadal qaado talo la siiyo ama tusaale loo taa taabto, sidaas darteed waxay ku haboon tahay in dhowr qodob la isla eego bal in ay suurta gal noqon karaan, waxay qodobaan ila yihiin;- b) in la sugo ilaa uu ammaanku dhag dhag noqdo si ay kala dambeyntu u keento in dhaqtar walba uu booskiisa galo. t) in la helo waxbarasho caafimaad oo heerar kasta leh oo bilaash ah isla markaana dhaqtarada xirfadlayaasha ah lagu dhiiri galiyo ayaa part time ah ama hadba baahidu halkay isla tagi karto. j) in la sameeyo buugaag caafimaad oo xiiso iyo soo jiidasho leh oo dhaqtarada xirfadlayaasha ah lagu tacliimin karo e.g medical training, diseases, drugs and dosages iyo yellow pages and dictionary oo hal hal buug isku ah, isla markaana free ah oo cisbitaalada loogu geeyo iyagoo ku tarjuman af soomaali sida buugga halkaan dhaqtar joogi ama where there is no doctor. x) iyo ugu dambeyn in la siiyo borograamyo qoran oo mobilada ay kala socon karaan sida mobile health. Haddaba inkastoo waxaan oo hawl ah aysan jirin cid u qabaneysa xirfadlayaasha caafimaadka waxaan soo jeedin lahaa in somali doctors ay arrintaan iyagu isku xil saaraan maadaama ay iyagu yihiin kuwa dalka iyo dadkuba ay baahida daran u qabaan. Waxana dooda ku soo af jarayaa inta ay dhibaatada iyo colaaduhu oogan yihiin nina talo aan hoo aheyn kaa yeeli maayee hala sugo tan iyo waqtiga ay dadku kala baranayaan sax iyo qalad, waayo haddaad imminka tagto dalka oo aad waxa jira iyo sida la rabo soo bandhigto dee waxa la odhanayaa "mashruuc cusub buu ninkan wataa!" waana lagu fashilinayaa haddaan naftaada khatar la galin. Guud ahaan xirfadlayaasha caafimaadka ee dalka ka hawl gala waa caqabada koowaad ee dhaqaatiirta taqasusiga ah hortaagan waana qabqablayaal qarsoon oo aan haye iyo hee toona aqoon!. Asc wrt wbt. Thank you. haboon tahay in dhowr qodob la isla eego bal in ay suurta gal noqon karaan, waxay qodobaan ila yihiin;- b) in la sugo ilaa uu ammaanku dhag dhag noqdo si ay kala dambeyntu u keento in dhaqtar walba uu booskiisa galo. t) in la helo waxbarasho caafimaad oo heerar kasta leh oo bilaash ah isla markaana dhaqtarada xirfadlayaasha ah lagu dhiiri galiyo ayaa part time ah ama hadba baahidu halkay isla tagi karto. j) in la sameeyo buugaag caafimaad oo xiiso iyo soo jiidasho leh oo dhaqtarada xirfadlayaasha ah lagu tacliimin karo e.g medical training, diseases, drugs and dosages iyo yellow pages and dictionary oo hal hal buug isku ah, isla markaana free ah oo cisbitaalada loogu geeyo iyagoo ku tarjuman af soomaali sida buugga halkaan dhaqtar joogi ama where there is no doctor. x) iyo ugu dambeyn in la siiyo borograamyo qoran oo mobilada ay kala socon karaan sida mobile health. Haddaba inkastoo waxaan oo hawl ah aysan jirin cid u qabaneysa xirfadlayaasha caafimaadka waxaan soo jeedin lahaa in somali doctors ay arrintaan iyagu isku xil saaraan maadaama ay iyagu yihiin kuwa dalka iyo dadkuba ay baahida daran u qabaan. Waxana dooda ku soo af jarayaa inta ay dhibaatada iyo colaaduhu oogan yihiin nina talo aan hoo aheyn kaa yeeli maayee hala sugo tan iyo waqtiga ay dadku kala baranayaan sax iyo qalad, waayo haddaad imminka tagto dalka oo aad waxa jira iyo sida la rabo soo bandhigto dee waxa la odhanayaa "mashruuc cusub buu ninkan wataa!" waana lagu fashilinayaa haddaan naftaada khatar la galin. Guud ahaan xirfadlayaasha caafimaadka ee dalka ka hawl gala waa caqabada koowaad ee dhaqaatiirta taqasusiga ah hortaagan waana qabqablayaal qarsoon oo aan haye iyo hee toona aqoon!. Asc wrt wbt. Thank you.
Talo SAARO Allaah