Bismillah, Assalamu Calaykum.
Ilaahbaa mahadleh marka xigtana nabi Muxammad (CSW).
Mudane WAXBARO aad iyo aad yaad ugu mahadsantahay qoraalkaaga quruxda badan misana anfacaada badan. Waxaan ka rajayanyaa bulshada caafimaadka oo dhami inay ka qaybqaataan doodaan.
Run ahaantii anigoo og saamaynta iyo faaiidooyinka dhaxalgalka ah uu oo maqaalkani ku reebayo maskaxdayda ayaan hadana waxaan aad ula dhacay qodobada laga faa'iidaysanayo maqaalkan ee aad su'aalaha dushooda ku qortay.
Waxaan Xusuustay Sheeko uu iiga sheekeeyay sxbkeey hada MBBS ka dhigta Jaamacad ku taala dalkan Pakistan kuna saabsanaynd islawaynida gali karta qofka binu'aadamka ah marka uu MBBS dhameeyo ee uu graduate-gareeyo hase yeeshee uusan wali wax aqoon culus ah yeelan inkastoo ay garwaaqsadaan ardayda nuucaas ahi inuusan cilmigu dhammaan oo si kasta oo qofku uu takhasus uqaataahi uu u baahanyahay inuu aqoontiisa kordhiyo marwalha, marxaladwalba, iyo meelwalba.
Iyada oo ay taasi sidaa tahay, hadaan u soo laabto tii dooda ee ahayd qofka aan wax aqoon ah lahayn ee hadana qaliinada kaladuwan ka sameeya Soomaaliya.
Imisa ayaad u malaynaysaa oo isla wayni ah ayaa ku jiri karta qofkaas?
Ma u malaynaysaa inuu aqoon kororsi kaa yeelayo?
Jawaabtaasi waa ay adagtahay waase la saadaalin karaa. Aniga ahaan waxaan soo maray xili (2006) arin cajiib ah oo saamayn igu yeelatay aanna ka faa'iiday, doodaan qusaysa, islamarkaana aan doonayo inaaad ila wadaagtaan.
Waxaan bartaa Microbiology, xiligii aan undergraduateka ahaay ayaa waxaa la iidiray inaan laboratoty kasoo shaqeeyo 2 bilood si aan u buuxiyo shardi ka mid ah shuruuda dhamaystirta koorsooyinka aan qaadanayay. Waxaan aqbalaad ka helay laboratory ku yaala Karachi, waanna ka howlbilaabay. hadaba arinta aan ka faaiiday waxa ay tahay shaybarkani waxa uu laha seminar hall waxaana lagu qabanjiray seminar labadii isbuucba mar, seminarka waxa uu ku saabsanaanjiray halkii marba hal maado ama halshay oo qura sida hal dawo oo cusub, hal farsamo(technique) cusub ama waxlaga bedelay, ama wax dib loo baaro (Review), kasooqaybgalayaashu ma ahayn arday.
Aqristow Seminarkaan waxa kasoo qaybgali jiray Dhakhaatiir, Pharmacists, Microbiologists, Biochemists, Technicians iwm. kuwaasoo inta badan (90% hadaan yareeyo) wada haysteen takhasusyo fara badan.
Waxyaabaha cajiibka ah ee aadka loolayaabo ee uu lahaa seminarkaas waxa ay ahayd doodwadaag (Discussion) u badnaa Quiz marka uu dhamaado ama inta lagu gudo jiro seminarka iyadoo hal hal la isku su'aalayo. Bal malee Dhakhtar haysta MBBS uguyaraan, ama FCPS, ama MRCS, ama MD, ama dhowr degree oo su'aal inta la waydiiyo lagu leeyahay jawaabtii waan la waysay sxb ee waa sidaa lasoco amaa taas ayaa kaa dambaysaye cilmigaaga ku biirso.
Waxay ahayd wax aan dadka oo dhami kudhicin inta badan hadana saaxada waxaa u badnaa oo kusoo noqnoqonjiray dhakhaatiir aad u dabci wanaagsan diyaar u ahaa inay waxbadan bartaan ama dib u xusuustaan wax ay sanado badan ugu dambaysay.
Pakistan waan kula kulmay dhakhtar adiga oo xanuunsan aadan u sheegi karin waxa aad u malayanyso inay ku hayaan isla markaana markaas ku tiraah "Dr. xanuunka i yaha amuu sidaa yahay amase sidaa ayaan u malaynayaa" kuwaydiinaya adiga ma dhakhtar ayaad tahay? yaa kuu sheegay waxaas?.
Sida dabiiciga ah Dadku isku wada mid ma aha.
Hadaan markale dib u jaleeco Q1:Sidee ayaa looga faaideysan karaa looguna faaideyn karaa qof xirfad caafimaad leh, aqoon dugsiyeedne aan soo marin?
Waxaan Filaya qofka noocaas ahi inuu yahay qof loo baahanyahay si kastaba, lakiin ay daruuri tahay in laga dhaadhiciyo faa'iidada ay leedahay in waxloo kordhiyo, lana dareensiiyo inay waxbadani ka maqanyihiin isla markaana uu bulshada muhiim u yahay oo aan booslagala baxayn ee intiisii uun waxloogu sii kordhinayo kadibna waxbarasho nuuc kasta ha ahaatee in loo bilaabo.
Hadan dib ugu laabto sababta loogu baahanyahay waxa ay tahay maanta Somaliya halkii dhakhtar meeqa shaqsi ayuu kusoo aadayaa ayaad isleedahay 1:10. 1:100. 1:1000. 1:10,000. 1:100,000. 1:1000,000?
Si aad jawaabta u hesho akhri (
http://www.nationsencyclopedia.com/Africa/Somalia-HEALTH.html).
Hada ma u malaynaysaa in laga maarmo kuwan aan waxba baran lakiin farsamo ahaan aan wada liidan ama aanan bedel sax ah loo hayn?.
Q2: Baahida loo qabo dadkaa noocaan ahi ilaa intee ayay gaarsiisantahay?
Waxan filaya jawaabta su'aashan waxa laga dheehankaraa qoraalka jawaabta su'aasha koowaad. Dabcan lagama maarmo hadadaan la joogo.
Q3:Maxaa talo aad siin laheed farsamayaaqannadaan caafimaad?
Anigoo ka jawaabaya su'aasha sadexaad ayaan kusoo gunaanadayaa qormadaydan:
Waxaan kula dardaarmayaa Dhamaan bahda dibadaha caafimaadka iyo wixii la xiriira kubaratay:
1:Uguhorayntiiba noqo qof maan furan, fahmi kara dhibka jira, una babacdhigi kara baahida loo qabo in waxlabaro dadka aan waxbaran ee hadana farsamada caafimaad kasbaday si kasta oo ay ku helaanba. Ogow dadkaan waxa ku jira isdifaacid marwalbana waxa ay kuu arki karaan qof duulaan ku ah ama shaki uga jiro aqoontisa ama jagadiisa dhakhtarnimo, wuxuuna iskudayayaa inuu iska kaa difaaco hadaad isku daydo inaan soo jiidashola'aan su'aalo waydiisid ama aad wax ka sheegto farsamadiisa ama aqoontiisa.
2:Waxaa nalaka doonayaa inaan anagu wax isbarno aqoonteena kordhino marwalba si ay noogu daydaan dadka aan aqoonta caafimaad lahayn ee caafimaadka ku shaqaysta.
3: Ma ogtahay in cilmiga aan lawada barankarin ama aan laga bogan karin marba marka ka dambaysana aad u baahanaysid inaad waxbadan sii akhriso (Wax akhrisku waa xirfada marka aad bilaawdaa aad baahideeda dareentaa ama aad u bahataa ee aan laga dhargin ebed), hadaba aqoonta caafimaadku waa ay dhacdaa. (Expiring/Depreciation) ayaa ku dhaca, sida dawada sanad lasoo saaro ee dhacda sanad kale, hadii aan la cusboonaysiin. sanadkiiba inku dhow ama kabadan 25% ayaa la cusboonaysiiya aqoonta caafimaadka si aad, hadaba, ula socotid waxa aad baratay halka ay marayaan sanadkaan 2011 waa inaad la socotaa research articles-ka ugu dambeeyay ee la dhamaystiray 2010 ka ama 2011.
4: waxa nalookaga baahanyahay in aan dadka nuucaan ah soo jiidanaa, oo soo dhowaysanaa si aysan nooga didin, kadibna uga dhaadhicinaa fikrada ah AQOON WADA KORORSI/AQOON ISWAYDAARSI si wixii aad ku dhaanto aad ugu kordhiso.
Cudurdaar: Anigu ma Ahi Aqoonyahan ama Qoraa, Wixii QALAD ah ee aan qoray halaga raali noqdo marka hore, marka xigtana ha la ii faa'iideeyo
Mahadsanidiin.
Wabilaahi Towfiiq