1- Sidee u aragtaa waxqabadka hay'adaha samafalka ee ka hawlgala dagmada ama gobolka aad joogto?Waxqabadka hay'adaha sidii laga rabay maahan sida aan u arko ra'yigeyga shakhsi ahaan maxaa yeelay sababahaan soo socdo awgeed:
# Hay'adaha qaarkood oo ku saleeya waxqabadkooda agendayaal gooni ah oo ay wataan taas oo marmar ka horimaanaysa baahida xilligaa taagan, tusaale ahaan waxaa laga yaabaa in meel shuban uu ka dillaaco markii dhowr qof u la'daan oo idaacadaha laga qeyliyo ayaa laga yaabaa in hay'adda markaa in ay howl bilawdo, hay'addaas oo awalba joogtay meesha dhibaatada ka dhacday.
# Hay'adaha qaar oo ku saleeya waxqabadkooda siyaasada ka jira wadanka taas oo ka dhalatay in dadka horkacaya ay dhago iyo indho u noqdaan oo meeshii dadkaa hay'adda horjoogayaasha u ah ay wax u qabtaan kaliya.
# Hay'adaha badankood oo musuq-maasuqa uu qoraaga ka hadlay aan ka marnayn, taas oo aan ka wada dharagsannahay adigoo arkaya daawadii loo keenay bulshada in suuqa lagu gado.
#Hay'adaha badankood oo mustaqbalka daryeelka caafimaadka aanan ka fakarin iyo qaabkii ay shaqaalaha caafimaadka ay isugu filnaan lahaayeen in ay sii wadaan ama maamulaan mashaariicda ay ka fuliyaan soomaliya.
2- Qaabkee ayaa waxqabadka hay'adahaan lagu wanaajin karaa si looga fogaado musuq-maasuqa iyo ku takri-falka samafalka?# In xisaabtan iyo raad-raac joogto ah la sameeyo si meesha ay ka baxeen lacagihii mashaariicda loogu talagalay loo ogaado.
# In horjoogaha hay'adda hadduu muwaadin yahay lagu doortaa aqoon iyo kalsooni maxaa yeelay hay'adaha qaarkood waxay ku doortaan in qofka hay'adda maamulkeeda hayo inuu yahay qof kala wadi karo howsha oo xiriirro fiican la leh bulshada oo wixii looga baahdo ka soo dhamayn karo, hay'addane amnigeeda sugi karo haddii loo baahdo.
3- Ma jiraan jihooyin la xisaabtama hay'adahaan oo ka warqabo hawlaha ay ka fuliyaan wadanka oo raad-raac ku sameeya lacaga soo galay, mshaariicda lagu fuliyay iyo siyaabaha ay wajahaan baahida caafimaad ee ka jirta goobaha ay ka shaqeeyaan?Ma garanayo in ay jiraan dad la xisaabtamo hay'adahaan inkastoo ay hay'adaha qaar sida UN-ka ay kala wadaan howlaha wadanka oo idil oo iyaga inay wax xisaabiyaan maahane aan la xisaabin karin.
Hy'adaha qaar in la soo fara-gashto hawlahooda maba ogola oo in ay wadanka ka baxaan ayay ka dowr bidaan.
4- Maxay tahay dawrka ay ka ciyaari karto wasaaradda caafimaadka sidii hay'adaha ay uga warqabi laheed siyaasadda caafimaad ee wadanka ku maamulaan?Wasaaradaha caafimaadka waxay ka ciyaari karaan dowr fiican sidii hay'adaha uga warqabi lahaayeen wayna la xisaabtami karaan waa haddii ay u fakarayaan qaab ah in iyagu ay mas'uul ay ka yihiin caafimaadka bulshada oo qof waliba oo rabo inuu wax u qabto bulshada inuu u soo maro hay'adaha si uu u ogaado baahida jirto iyo meelaha ay rabaain in laga taakuleeyo.
Iyo in hay'adda siday rabto aysan isaga maamulan karin deegaanka ay ka shaqeyso oo waxay rabto ka samayn karto tusaale ahaan bishii la soo dhaafay hay'ad ayaa waxay dibadda ka keentay mashiinno qaali ah si ay tababar ugu siiyaan takhaatiir ka hawlgasha gobolkaas.
Hay'adda waxay ku tali jirtay in markuu dhamaado tababarka in qalabkeeda ay la laabato qalabkaan oo faaido badan ugu jiro bulshada.
Wasaaradda caafimaadka ee meesha ka talinaysay ayaa ka diiday arrintaas in qalabkaan hadduu soo galay wadanka aan la ogoleyn in laga bixiyo sidaa darteed in aad bulshada uga faaideysaan.
Hay'addii waxay ku qasbanaatay in mashiinnadii ay ku wareejisay wasaaradda caafimaadka.
Tani waxay tusaalo u tahay sida wasaaraddu ay hay'adaha wadanka iska maamusha ay wixii dan ugu jira bulshada ay uga dhamayn karto.
Midda xigta waxaa jiro hay'ado wato ajandooyin qarsoon laakiin wasaaraddu ay ogaan karto haddi ay baarintaanno ku samayso, waxaa ka mid ah ajandayaashaas in ay faafiyaan diinta kirishtaanka, dadka u shaqo doontane in ay ku xiraan shardigaas sida hakaan ku cad cabashada ay soo gudbisay walaasheen:
http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=3052.05- Ra'yigaaga 3-dee hay'adood ayaad is leedahay waa kuwa ugu waxqabadka muuqdo oo bulshada waxtarkoodu laga faaiday, maxaad talo ahne ayaad u jeedin laheed hay'adahaas?I- MSF "Hay'addaan waxay ka howl gashaa gobollada dalka badankood, waana hay'ad dhexdhexaad ah oo siyaasadda soomaaliya ka fog, waa hay'ad waxtarkeedu muuqdo, musuq-maasuq qofkii lagu arko ama bulshadu ka soo dacwooto shaqadiisa ku weynaayo.
Waxay kaloo bixiyaan tababarro caafimaad oo joogto ah dal iyo dibad labadaba.
II- WHO "waxay bixisaa tababarro badan oo lagu dhisayo shaqaalaha caafimaadka soomaliyeed waxayna taakulaysaa isbitaallo badan waxayna la shaqeysaa wasaaradaha caafimaadka.
III- ICRC "Inkastoo hay'addaan lagu xanto in aysan si hoose aysan uga warqabin meesha lagu bixiyo taakuleynteeda laakiin waxay gacanta ku haysaa isbitaallada ugu caansan dalka oo la tacaallo dhaawacyada dagaallada sokeeye.
6- Qaabkee ayaan filnaansho ku gaari karnaa si baahida qaarkeed aan u daboolno ama hawsha aan u sii wadnaa haddii ay hay'addu go'aan in wadanka ka baxdo, deeqdane ay joojiso ay gaarto sida meelaha qaar ka dhacdayba?Soomaalidu dibadda joogto waxay awood u leeyihiin in ay deeq ku filan hay'ad wadani ah oo caafimaad ay u soo aruurin karaan taasoo taakuleyn joogto oo aan kala go' lahayn ay u samayn karaan bulshooyinka dhibaataysan.
Waxaa kaloo la awoodaa in bulshadu ay hay'adaha ka shaqeeyo deegaankoodu ay la samaysan karaan xiriir gacan-saar leh kaasoo xiriir la leh soomaalida ku nool dibadda si haddii hay'adu u firaaqayso isbitaalka howsha sidii ay u socotay loo sii wadi karo.
Wasaaradda caafimaadka waxay awood u leedahay in ay badasho booska ay hay'adahaan fiiraaqeeyeen ama ay firaaqeyn doonaa.
7- Hay'adaha samafalka soomaaliyeed maxaa u diiday in dowr muuqdo ay ka ciyaaraan daboolista baahida caafimaad ee wadanka ka jirta?Sida aan u arko badanaa hay'adaha samafalka soomaaliyeed waxaa badankood loo samaystay ganacsi, maxaa yeelay dhibaatooyinka ay gudbiyaan haddii la garawsado oo deeq la soo siiyo wax yar ayaa lagu bixiyaa dhibkii jiray inta soo hartay qofka ama labada qof ee hay'adda lahaa ayay jeebekooda ayay galaysaa. (Inta fikradaas aan ka aaminsannahay hay'adaha soomaaliyeed (NGOs) in aan buuxinno dowrka hay'adaha qalaad way culus tahay.)