Author Topic: Su'aal: Daawooyinka la isku cadeeyo , Vitamins-ka?  (Read 6030 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Hassan Bile

  • Jr. Member
  • **
  • Posts: 27
  • Points: +0/-0
Su'aal: Daawooyinka la isku cadeeyo , Vitamins-ka?
« on: March 16, 2011, 12:34:08 AM »
Waxaan rabaa inaan wax ka ogaado daawooyinka ay dumarka u isticmaalaan iney isku cadeeyaan, qaas ahaan daawooyinka Dermovate and Batnovate, waan ogahay in daawadaas loogu talo galay cudurada maqaarka durationkeedana uu waqti gaaban loogu talo galay, marka isticmaalka daawooyinkaan waqti dheer sanado la isitcmaalo maxaa ka imaan kara, teeda kale waxaa jira dumar kale oo u isticmaala Multivitamins si ay ugu qurxoonaadaan dhalinyarona ugu muuqdaan weliba dumar kaliya maaha ragga qaarkoodna wey ku jiraan ayagana joogto ayey u wadaan sanado, taasna maxaa ka imaan kara.



Mahadsanid

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 1312
  • Points: +1/-1
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Daawooyinka la isku cadeeyo , Vitamins-ka?
« Reply #1 on: March 18, 2011, 07:20:20 AM »
Daawada "Dermovate" waa daawo loogu tala galay in lagu daaweeyo cudurrada maqaarka ku dhaca uu keeno fangaska.
Laakiin waxaa si sharci darro ah ay haweenka soomaaliyeed u isticmaalaan in la isku cadeeyo iyadoo la isticmaalo muddo dheer loona isticmaalo qaab ka duwan qaabkii daaweynta ahaa.

Dhibaatada ay keensato daawadaan lama tiro koobi karo waxaa hadda ka hor sanadkii 2008dii ayaa haweeney soomaali ah oo wadanka ingiriiska gashay tagtay isbitaal iyadoo ka cabanayso: miisaankeeda oo sii dhacayo, uur inay yeelan wayday iyo xariiqmo dhaadheer oo jirkeeda ka soo baxay.

Takhaatiirtii markay ku wareereen cudurkeeda iyadane ay inkirtay in ay wax daawo ay marsatay ayaa markii dambe qiratay in muddo 7 sano ah ay isticmaali jirtay iyadoo ay ka soo gadato dukaan!!!.

Badanaa daawooyinka kareemka ah waxaa ku jiro laba maaddoo oo sun ku ah jirka oo kala ah: Steroids iyo hydroxyquinone oo jirka u keeno dhibatooyin aan la soo koobi karin.

Halkaan ka akhriso sheekadii gabadhaan oo ay takhaatiirta ay ka soo saareen digniin ku aadan dadka isticmaalo kareemkaan "Dermovate" iyo sawirrada qofkii isticmaalo qaabka uu noqonaayo.
http://news.bbc.co.uk/2/hi/health/7244374.stm
http://news.bbc.co.uk/2/shared/spl/hi/pop_ups/08/health_enl_1203006061/html/1.stm

Midda fitamiinnada iyadane waa fikrad khaldan oo la aaminsanyahay maxaa yeelay vitamiinnada looma isticmaalo in la isku cadeeyo ee waa daawo loogu tala galay in la siiyo qofkii ay fitamiinnada jirkiisa ay ku yaryihiin, qofkii isagoo fitamiinno aysan ku yarayn joogteeyo isticmaalka fitamiinnada waxaa ku dhaco wax loo yaqaanno "Hyprevitaminosis" oo ah manaheedu in qofku uu ku samoobo fitamiinnadii laftirkooda.

Fikradda ah in fitamiinka oo qofka nuuriyo ama maqaarkiisa uu ifo waa arin jirta laakiin waa haddii sida saxda ah iyo cunooyinka laga helo la cuno ee maahan in daawo ahaan loo qaato.
Midda kale fitamiinnada oo dhan maahan kuwa oogada wax u tara ee waa fitamiinnada C iyo E kaliya.
1- Si aad wax ugu qortid Webka | 2- Si aad uga qeyb qaadatid doodaha | 3- Si aad su'aalo u waydiisid dhakhaatiirta
4- Si aad ula xiriirtid xubnaha kale | 5- Si aad ra'yigaaga u soo bandhigto
Waa inaad magac ku leedahay webka (Halkan Riix)
Kaydka Qoraalada & Filimada

Offline Hassan Bile

  • Jr. Member
  • **
  • Posts: 27
  • Points: +0/-0
Re: Su'aal: Daawooyinka la isku cadeeyo , Vitamins-ka?
« Reply #2 on: March 18, 2011, 01:29:26 PM »
Mahadsanid, waxaan rajaynayaa iney nagu filantahay jawaabtaas qaaliga ah, waana ka faaiideysan doonaa cilmigiina ilaah noogu kiin dhiibey.

Offline Muna O.Hamari

  • Newbie
  • *
  • Posts: 14
  • Points: +0/-0
Re: Su'aal: Daawooyinka la isku cadeeyo , Vitamins-ka?
« Reply #3 on: May 24, 2011, 07:03:02 PM »
Inantii Arrinta wax Daaawo Ah ma Heshay Mise Wey Dhinmatey

Offline Hassan Bile

  • Jr. Member
  • **
  • Posts: 27
  • Points: +0/-0
Re: Su'aal: Daawooyinka la isku cadeeyo , Vitamins-ka?
« Reply #4 on: August 06, 2011, 02:59:56 PM »
wey dhimatey