Author Topic: SU'AAL: SHIGSHIGA MAXAA KEENA ? SIDEE LA ISAGA DAAWEEYN KARAA?  (Read 4114 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline GEEDOOW

  • Newbie
  • *
  • Posts: 21
  • Points: +0/-0
  SHIGSHIGA MAXAA KEENA ? SIDEE LA ISAGA DAAWEEYN KARAA ? TAKHTARKEE QAABILSAN SHIGSHIGA ?

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 1312
  • Points: +1/-1
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: SU'AAL: SHIGSHIGA MAXAA KEENA ? SIDEE LA ISAGA DAAWEEYN KARAA?
« Reply #1 on: March 21, 2011, 04:11:16 AM »
Shigshiga waa dadka aan si toos ah aanan u hadli karin iyagoo aanan hadalka ka go'go'in.
Qofka wuxuu ka shigshigi karaa xarafyo ama erayo gooni ah ama uu hadalka ayuu kala jiidi karaa taasoo u muuqanayo labo jeer uu ku dhawaaqay eraygii.
Dadka badanaa shigshiga waxaa jiro erayo gooni ah oo dhiba taasoo ay isku dayaan badanaa in hadalkooda ay ka ilaaliyaan oo la fahmi karo kaliya haddii ay erayadaas ku dhawaaqaan taas oo caafimaad ahaan loo yaqaanno "Covery Stammering".

Lama oga waxa keeno shigshiga laakiin waxay cilmi baarayaashu ay sheegaa in ay jiraan waxyaabo xiriir la leh shigshiga oo ay ka mid yihiin:
- Dhaxal: hadduu qoyskaaga ku jiro qof shigshiga waxaa halis ugu jiraan caruurtaadu in ay shigshigaan.
- Dhaawac: hadduu dhambaalka uu maskaxda u dirto xarunta kontoroosha hadalka uu hakad galo taasoo ka dhalan karta dhaawac gaara maskaxda waxay keentaa shigshig sida dadka ku dhaca "Faalijka".
- Xilliga iyo da'da uu bilaawday shigshiga in ay muhiim u tahay daaweynta.
- Shigshiga wuxuu ku badan yahay wiilasha (4:1) afar wiil markuu ku dhaco ayuu hal gabar ku dhacaa.
- Waxay kaloo culumada sheegeen in xaaladdda kacsanaanta niyadda qofka ay shigshiga saameen ku leedahay sida xanaaqa, welwelka, naxdinta iyo yaxyaxa.
Hadduu qofka horay u shigshigi jiray oo niyaddiisa ay kacsanta shigshiga wuu uga sii daraa.
- Culumada waxay kaloo sheegeen in caruurta badanaa marka ay hadal baranayaan ay si caadi ah u shigshigaan, markii ay hadal bartaanne ay joojiyaan taasoo ay u malaynayaan shigshigga in uu yahay cillada korinniimo.
- Haddii shigshiga uu ka dhashay xagga luqadda wax la xiriira waxaa lagu gartaa in qofku uu shigshigayo kaliya markuu hadalka bilaabayo.

Shigshiga way ku kala duwnaan karaan dadka waaweyn iyo caruurta, nooca shigshiga, badashada iyo xadka shigshigaba.

Dadka shigshiga waxay caadi noqdaan markii ay heesayaan, nux-nuxleynayaan iyo markii ay dad wax la qaadayaan.

Khuraafaatka ay dadka ka aaminsanyihiin dadka shigshiga oo aynan waxba ka jirin ayaa ah n ay ka maskax yaryihiin ama ka caqli yaryihiin dadka kale.
Baaritaannada dhammaan waxay sheegeen dadka shigshiga iyo dadka aanan shigshigin in ay isku caqli iyo maskax ay yihiin.

Waxaa kaloo muhiim ah in aysan isku mid ahayn boobsiiska hadlidda iyo boobsiiska fikirka. hadduu qofka shigshiga uusan hadalka boobsiin karin maahan macnaheedu in ka fakaridda arin in ay dhib ku tahay ama ay ku daahaan, maxaa yeelay dadka dhib ku tahay shigshigga dartiis in ay billaabaan hadalka ay u maleeyaan dadka uu u sheekeynayo in hadalka ka fakarkiisa uu ku daahay laakiin taasi sax maahan.

Ma jirto daawo shigshigga lagu daaweeyo laakiin caruurta shigshigta hadii isla markii lagu arko loo diro takhtar ku taqasusay luqadaha iyo hadlidda "Speach & Language Specialist". waxaa la arkay in isbadal fiican laga dareemo.
1- Si aad wax ugu qortid Webka | 2- Si aad uga qeyb qaadatid doodaha | 3- Si aad su'aalo u waydiisid dhakhaatiirta
4- Si aad ula xiriirtid xubnaha kale | 5- Si aad ra'yigaaga u soo bandhigto
Waa inaad magac ku leedahay webka (Halkan Riix)
Kaydka Qoraalada & Filimada