Hooyadey ayaa lagu sheegey cudur ku dhaca feeraha oo la dhaho COPD, dhaqtarkii wuxuu siiyey daawooyin soconaya mudo 6 bilood ah, prednisalone tablet, iyo cirbad bishii hal mar la durayo intaaas ka dib waxba iskama bedelin caafimaadkeedii taas bedelkeedii waxaa ku dhacay ayadoo miisaankeedii 50% uu lumey midabkeedii oo isku bedeley sidii naagaha is cadeeyo oo kale, lafaheedii oo qafiifey oo si fudud ay u jabeyso labo gudahod ayey afar mar jabtey weliba si fudud ilaa mahadii jab culus ma aheen, gacmaha ayuu u badnaa, wixii intaas ka dambeeyey dhaqtarkii wuxuu dhahay waa iga bes dhaqaatiir kale oo aan u geeyeyna waxey igu dhaheen daawooyin kaalmaati ah sii sida inhalations-ka iyo daawooyinka naqaska si dexamethazone ilaa haddana joogto ayaan u siiyaa baakad markey ka dhamaato baakad kale ayaan u soo gadaa aadna wey u sii tabar dareyneysaa dhaqaatiirkii degaanadeena joogeena kan ugu fiican wuxuu ku leeyahay antibiotics sii. marka hadad waxaan rabaa inaan labo arin ku weydiiyo adigoo raali ah suaalihii aan kaa badiyee.
1- daawooyinkaan aan ku wado oo markii ay qaadato ay dareemeyso relief yar ilaa maalintaas dhib noocee ah ayey keeni karaan
2- ciladii hore oo lost weight iyo daciifnimadii see looga soo kabsan karaa,
NB- Cirbada magaceedi aa ii gooyey dhalo yar ayey ku jirtaa caano ayey u egta kohay waa 40mg labo dhalo ayuu iskiu dari jirey 80mg ayey qaadan jirtey mudo lix bilood ah. koley stroids-ka waaye
waan ogahay halkaan daawo inaad iiga qorto ma rabo laakiin talo ayaan u baahanahay.