Author Topic: Dood Wanaag: Maxaa Kala Haysta Soomaalida Minnesota iyo Tallaalka MMR?  (Read 6536 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Waxbaro!

  • Global Moderator
  • *****
  • Posts: 242
  • Points: +0/-0
  • Aqoontu Waa Iftiin
DOODDA BISHA MARCH 2011

<a href="http://www.youtube.com/v/xUf4L6UQhbk&rel=0" target="_blank">http://www.youtube.com/v/xUf4L6UQhbk&rel=0</a>Sanadkii 1998-da cilmi baarayaal u dhashay dalka ingiriiska uuna hogaaminayo takhtar lagu magacaabo "Dr.Wakefield" ayaa waxa ay soo bandhigeen qoraallo sheegay in cudurka loo yaqaan "Dhakaak ama Gooniyow" caafimaad ahaanne la yiraahdo "Autism" in xiriir la yeelan karo tallaalka MMR maadaama la arkay in caruur dhan 12 oo qabay cudurka Autism oo ay waliba dhibaatooyin mindhicirka ka haystaan taasoo Dr wakefield u bixiyay cudurka caabuqa mindhicirta uu keeno dhakaakuhu "autistic enterocolitis".

Warbixintaan oo lagu soo daabacay joornaalka caanka ah ee "Lancet" ayaa waxay cabsi galisay waalidiintii taasoo keensatay in tallaalkii ka socday wadanka ingiriiska iyo ireland uu hoos u dhacay taasoo u horseeday in cudurrada jadeecada, qaama-qanshiirka iyo jadeeco-jarmalka ay bataan taasoo caruur u la'atay qaarne u naafoobeen.

Inta cilmibaaristaan aan la soo saarin ayaa waxaa jirtay cabsi ku aadan in tallaalka MMR uu leeyahay waxyeello caafimaad sida in uu keeno cudurka Qoorgooyaha iyo Maskax bararka (Meningitis & Encephalitis).
Cabsidaas horay u jirtay ayaa waxay cirka isugu shareertay markii sheekadaan Autism-iga lagu xariiriyay tallaalka MMR soo baxday.

Dr Wakefield wuxuu soo jeediyay markii xaaladda halkaas marayso in tallaalkaan sadaxda ka kooban ee caruurta la isku siiyo la kala qaado oo hal hal loo siiyo sidii awalba ahaan jirtay inta safiican looga hubinayo in xiriir muuqdo oo u dhaxeeyo tallaalka MMR iyo Dhakaakga.
Waa Maxay MMR?
Waa Maxay Cudurrada Loo Adeegsado Tallaalka MMR?
Waa Maxay Autism?
Maxaa Xiriir Ka dhaxeeya MMR iyo AUTISM?

Cabsidaan ayaa waxay u soo guurtay bulshada soomaalida ku nool gobolka Minnesota ee cariga maraykanka markii lagu arkay in caruurta da'da 3 illaa 4 jirka ah ay cudurka dhakaakuhu ku batay.
Cabsidaan ayaa keentay in soomaalidii ay tallaalkii diidaan iyagoo aaminay in cudurkaba uu keenay isaga.

Sanadkii 2008 ayay safiican u soo muuqatay arrintaan taasoo keentay in lagu baaqo in baaris dagdag ah la sameeyo waxa ka dambeeyo cudurkaan ku soo badanaya soomaalida ku nool gobolka Minnesota kaliya.

Baaritaankii ayaa argagax dhaliyay markii la ogaaday tirada caruurta ee dhigata iskuullada markii 4 loo qeybiyo 1 qeyb (25%) in ay qabaan cudurka dhakaak "Autism" inkastoo caruurta soomaalida ee dhigata iskuullada gobolka Minnesota ay yihiin kaliya 6%, waxaa kaloo la ogaaday in caruurta qaba cudurka dhakaak "Autism" ay kulligood ku dhasheen dhulka maraykanka.
Waxaa baaritaankii lagu soo gabagabeeyay in aan la aqoon sabab la hubo oo ka dambeysa airntaan maxaa yeelay waxaa soo baxay dhowr su'aalood oo jawaab loo waayay, waxaana ka mid ah:
1- Maxaa jaaliyadda soomaalida kaliya cudurkaan ku imtixaanay?
2- Maxaa caruurta ku dhalatay maraykanaka kaliya ku riday cudurka dhakaak?
3- Maxaa soomaalida gobolkaan kaliya ku nool u keenay?
4- Maxaa cudurkaan oo aan laga aqoon carrigii caruurtaan ka soo jeedaan ee soomaaliya ku riday maadaama dhakaakuhu uu yahay cudur hidda-socod (Dhaxal)?!

Su'aalahaan jawaab la'aanta ah ayaa waxay abuuraan wallaac iyo cabsi dheeraad ah

Sanadkii hore 2010 ayaa shir ay soomaalidu ugu hadlayso cudurkaan dhakaakuhu waxay ku martiqaadeen Dr.wakefield oo sheegay in cudurkaan la daaweyn karo, diyaarne u yahay in soomaalidu uu wax la qabto baaritaanne uu ku sameeyo caruurtooda. (Halkaan ka akhri).

Tan rajo ayay ku abuurtay soomaalidii maadaama baaqyadii horay u direen ay ku hungoobeen oo wax arintooda wax ka qabto ama dhinac u bixiyo ay waayeen.

Shirkaan maalmo ka dib ayaa baaritaan ku socday dr.wakefield soo gabagaboobay, laguna sheegay in takhtarku uu cilmibaaristiisii ay ahayd been-abuur kuna saleeyay macluumaad aan waxba ka jirin, dana khaasne ay ka danbeysay qoraalladiisii iyo inuu dhibaatooyin badan u geystay waaliddiin iyo caruur badan.

Dr.wakefield waxaa laga xayuubiyay aqoonsigii shaqada takhtarnimo iyo warqadihii uu horay u qorayne waa laga bixiyay joornaaladii caanka ahaa ee ku soo baxeen.

Dr.wakefield ayaa arrintaan uga jawaabay in kuturi-kuteen ay tahay, weerarne isaga lagu hayo ayna ka dambeeyaan dad dano gaar leh wuxuuna balan qaaday in cilmi baaris u gooni ah uu sii wadi doono.

Sanadkaan bilawgiisa ayaa waxaa hay'adaha CDC iyo NIH ay shaaca ka qaadeen in ay baaris ku samayn doonaan caruurta soomalaida ee qaba cudurkaan dhakaakaha si loo ogaado waxa ka dambeeya (Halkaan ka akhri)

Laba usbuuc ka hor ayaa waxaa gobolka minnesota lagu arkay cudurka jadeecada taasoo tartiib u faafay una badan caruurta soomaalida.
11 xaaladood kadib waxaa lagu dhawaaqay in cudurka jadeecada uu dillaacay sabatuna ay tahay caruurta oo aan tallaalneen ayna ugun ahorreeyaan jaaliyadda soomaalida.

Culeys kale ayaa hadane soo waajahay waalidiintii soomaaliyeed oo ah laba daran mid dooro: cudurka dilaaga ee jadeecada ama in caruurta la tallaalo kadibne laga yaabo in dhakaakuhu ku dhaco!

Waxaa hadda socdo ololo ay wadaan hay'adaha caafimaadka gobolka iyo takhaatiirtaba si loogu qancin lahaa jaaliyadda soomaaliyeed in caruurtooda ay tallaalaan si cudurkaan halista ah ay uga badbaadaan.

Iyadoo ololahaas ay socdaan ayaa habeenkii arbacada la soo dhaafay waxaa shir albaabada u xiranyihiin jaaliyadda soomaalida ay la yeelatay takhtarkii ay jeclaayeen ee Dr.Wakefield taasoo aan la ogeyn waxa looga hadlay, shirkaasne la yiri waa mid taakuleyn iyo niyad dhis!

Warbixintaas ka dib, doodeennu waxay ku aadantahay su'aalahaan hoos ku qoran:
1- Sidee u aragtaa in kalsooni darrida dhextallo jaaliyadda soomaalida iyo hay'adaha caafimaadka lagu xallin karaa?
2- Qaabkee ayaa lagu qancin karaa waalidiinta haysta caruurta aan tallaalneyn in ay tallaalaan?
3- Caruurta aan tallaalneyn sidee looga badbaadin karaa cudurkaan dillaacay ee jadeecada?
4- Dowr intee la eg ayay ka ciyaari karaan arintaan takhaatiirta soomaaliyeed ee ka hawlgasha gobolka Minnesota?
5- Maxaad u malaynaysaa waxa u keenay soomaalida Minnesota cudurka dhakaak "Autism"?

Waxbaro!
http://www.somalidoc.com


Your posts reflects your personality, so be Wise and Polite![/center]


Offline Diagnostic

  • Hero Member
  • *****
  • Posts: 283
  • Points: +112/-0
  • Professional Diagnosis
Waad ku mahadsantahay in aan ka doodno mawduucaan muhiimka ah oo hadda taagan.

Arinta muhiimka ah oo in la xuso mudan ayaa ah in tallaalka jadeecada ee laga bixyo dalka maraykanka uu isku jir yahay oo 3 cudur oo hal mar la isku siinayo laakiin maxaa diiday in sida wadamada qaar ay sameeyaanba in maadaama hadda jadeeco ay dillaacday halkii tallaal ee loogu talagalay in caruurta la siiyo taasne waxaan filayaa in soomaalidu aysan diideynin maxaa yeelay wadanka soomaaliyaba tallaalka MMR lagama yaqaanno ee tallaal jadeeco ayaa la bixiyaa wax dhib ahne lagama sheegto.

Midda kale oo muhiimka ah ayaa ah cudurka jadeecada waa cudur dilaa ah oo caruurta u daran wuxuu saameeyaa sanbabada, indhaha iyo maskaxda (caruurtane way u la'daan).

Midda kale takhaatiirteenna ku nool gobolka Minnesota waxay si gooni oo soomaali ahaan shir u la qaadan karaan jaaliyaddooda iyagoo safiican u nagaysta cabsida iyo wallaaca ay dareemayaan maxaa yeelay haddii takhaatiirta ay sargaalalda caafimaadka ee gobolka ay soo raacaan oo maanta dhan laga hadlo dhibaatada cuudrka jadeecada iyo dhibka tallaal la'aanta ay keensanayso taasi xal noqon mayso oo waalidkiii waxaa ka hor muuqda cunugga naafada ah ee guriga u jooga.

Soomaalidane waa dad aad isu saameeyo oo iyagaa wax iska qancin kara, waxaana taas laga fahmi karaa shirarka albaabada u xiranyihiin ay la yeesheen takhtarka ingiriiska ah.

Takhtarkaa waxkale kuma kasban soomaalida aan ka ahayn in dhagahiisa uu amaahiyay waxa ay jecelyihiinne uga sheekeeyay waxaana hubaa hadduu maanta dr.wakefield uu yiraahdo caruurta hala tallaalo wax dhib ah malahan in ay wada tallaalayaan maadaama ay ku kalsoon yihiin.

Marka waxaan dhihi lahaa takhaatiirta soomaaliyeed ha dhagaystaan cabashada iyo cabsida ay dareemayaan jaaliyadda, su'aalaha ay qabaan ha uga jawaabaan si ay ku qanci karaan.

Midda kale oo kalsooni darrida keeneyso ayaa ah in dhibaatadaan oo muddo 3 sano iyo xoogaa soo jiitamaysay in sanadkaan bilawgiisa ay hayadda CDC iyo NIH ay yiraahdaan haddaan baaraynaa, maxaa intaa ku dhaganaa?
Midda kale oo kalsooni darrida keeneyso ayaa ah maxaa takhtarkii awalba baaritaankaan sameeyay oo dad badan cabsida ku abuuray shaqada looga ceyriyay aqoonsigane looga qaaday markii uu yiri soomaalida ayaa baaritaan ku samaynayaa cudurka ay caruurtooda qabaanne waa la daaweyn karaa?

Su'aalahaas iyo kuwo la mid ah oo ku soo dhici kara qof waliba oo aan aniga ka mid ahay inkastoo aan maraykanka ku nooleyn ayaa keensanayo shaki iyo kalsooni darro oo xittaa laga yaabo in qofku is yiraahdaba amaa caruurtiinna lagu baroobeeyay tallaaladaan ama waxyaabo kalaba!!!

Marka aniga waxay ila tahay arintu jadeecada way ka wayntahayee kalsoonidii hala soo celiyo shakiga ha laga saaro jaaliyadda soomaalida.

Su'aasha ugu dambeyso oo ah maxaa soomaalida u keenay cudurka Autism-ga?

Waa su'aal adag oo aan la fahmi karin maxaa yeelay maalin walba waxaa soo baxa qoraal sheegaya in cudurka dhakaak uu xiriir la leeyahay waxyaabo kala duwan.
Tusaale ahaan baaritaan lagu sameeyay caruur soomaaliyeed oo qabta cudurka dhakaak kuna nool dalka Sweden ayaa loo aaneeyay in fitamiinka nooca D inuu ku yaryahay caruurtan qorrax la'aan darteed maadaama soomaalidu ay ka yimaadeen dhul qorax joogto leh.
http://www.scientificamerican.com/article.cfm?id=vitamin-d-and-autism

Waxyaabaha kale ee la sheego in cudurkaan ay keeneen ayaa waxaa ka mid ah: wasakhoobidda hawada midaas oo ka dhalatay qiiqa warshadaha, ku sumoobidda sun kiimiko ama maadada rasasta, maadooyinka qaar sida Thimerosal, Gluten iyo Casein, daawashada badan ee TV-ga, banaan u soo bixid la'aanta caruurta, cirbadda dadajisa foosha ee Pitocin iyo waxyaabo kale aan la soo koobi karin.

Fikradahaas kala duwan ayaa sii fogeeyay helidda sababta rasmiga ah ee keentay cudurkaan laakiin aniga waxay ila tahay waa wax ku kooban deegaankaas ha noqoto daawo ama tallaal wax ka dhashay ama wax hawada la xiriiraba.
In diagnosis think of the easy first.
Martin H. Fischer


Offline MuslimDoc

  • Sr. Member
  • ****
  • Posts: 103
  • Points: +0/-0
  • Muslim then Doctor
Waxaan taageersanahay talooyinka uu bixiyay walaalkey diagnositc, laakiin waxaa xusid mudan oo in la ogaado ay fiicnaan lahayd waliba ay ka hadlaan takhaatiirtneenna diraasayda cudurka "Autism" oo aan filayo in ay ka mid yihiin webkaan, sababaha u keenay caruurteenna ku dhalatay maraykanka iyo europe in cudurkaan uu ku bato.

Xitaa soomaalida ku nool dalalka scandanafianka waxay cudurkaan u yaqaanaan "Swedish disease".

Inkastoo ay jiraan cilmi baarisyo badan oo lagu sameeyay cudurkaan laakiin su'aashaan wax jawaab ah looma hayo.

Su'aasha kale ee igu taagan oo aan jeclaan lahaa in la iiga jawaabo in xaalado cudurkaan qabo in ay joogaan dalka iyo in kale.
Haddii caruurta cudurkaan qabto loo badalo "environment"-ga oo dalka lagu soo celiyo ma laga yaabaa in wax uun ay is badalaan, maadaama culimada diraasaysay cudurkaan qaar ka mid ah ay ku xiriiriyeen wax la xiriira deegaan ahaan.
The Muslim doctor shares with the Muslim patient the two main characteristics:
the faith in God and destiny, and the conviction that there is a cure for every disease.