DOODDA BISHA MARCH 2011
http://www.youtube.com/v/xUf4L6UQhbk&rel=0 | Sanadkii 1998-da cilmi baarayaal u dhashay dalka ingiriiska uuna hogaaminayo takhtar lagu magacaabo "Dr.Wakefield" ayaa waxa ay soo bandhigeen qoraallo sheegay in cudurka loo yaqaan "Dhakaak ama Gooniyow" caafimaad ahaanne la yiraahdo "Autism" in xiriir la yeelan karo tallaalka MMR maadaama la arkay in caruur dhan 12 oo qabay cudurka Autism oo ay waliba dhibaatooyin mindhicirka ka haystaan taasoo Dr wakefield u bixiyay cudurka caabuqa mindhicirta uu keeno dhakaakuhu "autistic enterocolitis".
Warbixintaan oo lagu soo daabacay joornaalka caanka ah ee "Lancet" ayaa waxay cabsi galisay waalidiintii taasoo keensatay in tallaalkii ka socday wadanka ingiriiska iyo ireland uu hoos u dhacay taasoo u horseeday in cudurrada jadeecada, qaama-qanshiirka iyo jadeeco-jarmalka ay bataan taasoo caruur u la'atay qaarne u naafoobeen.
Inta cilmibaaristaan aan la soo saarin ayaa waxaa jirtay cabsi ku aadan in tallaalka MMR uu leeyahay waxyeello caafimaad sida in uu keeno cudurka Qoorgooyaha iyo Maskax bararka (Meningitis & Encephalitis). Cabsidaas horay u jirtay ayaa waxay cirka isugu shareertay markii sheekadaan Autism-iga lagu xariiriyay tallaalka MMR soo baxday.
Dr Wakefield wuxuu soo jeediyay markii xaaladda halkaas marayso in tallaalkaan sadaxda ka kooban ee caruurta la isku siiyo la kala qaado oo hal hal loo siiyo sidii awalba ahaan jirtay inta safiican looga hubinayo in xiriir muuqdo oo u dhaxeeyo tallaalka MMR iyo Dhakaakga. |
Waa Maxay MMR?Waa Maxay Cudurrada Loo Adeegsado Tallaalka MMR?Waa Maxay Autism?Maxaa Xiriir Ka dhaxeeya MMR iyo AUTISM?Cabsidaan ayaa waxay u soo guurtay bulshada soomaalida ku nool gobolka Minnesota ee cariga maraykanka markii lagu arkay in caruurta da'da 3 illaa 4 jirka ah ay cudurka dhakaakuhu ku batay.
Cabsidaan ayaa keentay in soomaalidii ay tallaalkii diidaan iyagoo aaminay in cudurkaba uu keenay isaga.
Sanadkii 2008 ayay safiican u soo muuqatay arrintaan taasoo keentay in lagu baaqo in baaris dagdag ah la sameeyo waxa ka dambeeyo cudurkaan ku soo badanaya soomaalida ku nool gobolka Minnesota kaliya.
Baaritaankii ayaa argagax dhaliyay markii la ogaaday tirada caruurta ee dhigata iskuullada markii 4 loo qeybiyo 1 qeyb (25%) in ay qabaan cudurka dhakaak "Autism" inkastoo caruurta soomaalida ee dhigata iskuullada gobolka Minnesota ay yihiin kaliya 6%, waxaa kaloo la ogaaday in caruurta qaba cudurka dhakaak "Autism" ay kulligood ku dhasheen dhulka maraykanka.
Waxaa baaritaankii lagu soo gabagabeeyay in aan la aqoon sabab la hubo oo ka dambeysa airntaan maxaa yeelay waxaa soo baxay dhowr su'aalood oo jawaab loo waayay, waxaana ka mid ah:
1- Maxaa jaaliyadda soomaalida kaliya cudurkaan ku imtixaanay?
2- Maxaa caruurta ku dhalatay maraykanaka kaliya ku riday cudurka dhakaak?
3- Maxaa soomaalida gobolkaan kaliya ku nool u keenay?
4- Maxaa cudurkaan oo aan laga aqoon carrigii caruurtaan ka soo jeedaan ee soomaaliya ku riday maadaama dhakaakuhu uu yahay cudur hidda-socod (Dhaxal)?!
Su'aalahaan jawaab la'aanta ah ayaa waxay abuuraan wallaac iyo cabsi dheeraad ahSanadkii hore 2010 ayaa shir ay soomaalidu ugu hadlayso cudurkaan dhakaakuhu waxay ku martiqaadeen Dr.wakefield oo sheegay in cudurkaan la daaweyn karo, diyaarne u yahay in soomaalidu uu wax la qabto baaritaanne uu ku sameeyo caruurtooda. (
Halkaan ka akhri).
Tan rajo ayay ku abuurtay soomaalidii maadaama baaqyadii horay u direen ay ku hungoobeen oo wax arintooda wax ka qabto ama dhinac u bixiyo ay waayeen.
Shirkaan maalmo ka dib ayaa baaritaan ku socday dr.wakefield soo gabagaboobay, laguna sheegay in takhtarku uu cilmibaaristiisii ay ahayd been-abuur kuna saleeyay macluumaad aan waxba ka jirin, dana khaasne ay ka danbeysay qoraalladiisii iyo inuu dhibaatooyin badan u geystay waaliddiin iyo caruur badan.
Dr.wakefield waxaa laga xayuubiyay aqoonsigii shaqada takhtarnimo iyo warqadihii uu horay u qorayne waa laga bixiyay joornaaladii caanka ahaa ee ku soo baxeen.
Dr.wakefield ayaa arrintaan uga jawaabay in kuturi-kuteen ay tahay, weerarne isaga lagu hayo ayna ka dambeeyaan dad dano gaar leh wuxuuna balan qaaday in cilmi baaris u gooni ah uu sii wadi doono.
Sanadkaan bilawgiisa ayaa waxaa hay'adaha CDC iyo NIH ay shaaca ka qaadeen in ay baaris ku samayn doonaan caruurta soomalaida ee qaba cudurkaan dhakaakaha si loo ogaado waxa ka dambeeya (
Halkaan ka akhri)
Laba usbuuc ka hor ayaa waxaa gobolka minnesota lagu arkay cudurka jadeecada taasoo tartiib u faafay una badan caruurta soomaalida.
11 xaaladood kadib waxaa lagu dhawaaqay in
cudurka jadeecada uu dillaacay sabatuna ay tahay caruurta oo aan tallaalneen ayna ugun ahorreeyaan jaaliyadda soomaalida.
Culeys kale ayaa hadane soo waajahay waalidiintii soomaaliyeed oo ah laba daran mid dooro: cudurka dilaaga ee jadeecada ama in caruurta la tallaalo kadibne laga yaabo in dhakaakuhu ku dhaco!
Waxaa hadda socdo ololo ay wadaan hay'adaha caafimaadka gobolka iyo takhaatiirtaba si loogu qancin lahaa jaaliyadda soomaaliyeed in caruurtooda ay tallaalaan si cudurkaan halista ah ay uga badbaadaan.
Iyadoo ololahaas ay socdaan ayaa habeenkii arbacada la soo dhaafay waxaa shir albaabada u xiranyihiin jaaliyadda soomaalida ay la yeelatay takhtarkii ay jeclaayeen ee Dr.Wakefield taasoo aan la ogeyn waxa looga hadlay, shirkaasne la yiri waa mid taakuleyn iyo niyad dhis!
Warbixintaas ka dib, doodeennu waxay ku aadantahay su'aalahaan hoos ku qoran:
1- Sidee u aragtaa in kalsooni darrida dhextallo jaaliyadda soomaalida iyo hay'adaha caafimaadka lagu xallin karaa?
2- Qaabkee ayaa lagu qancin karaa waalidiinta haysta caruurta aan tallaalneyn in ay tallaalaan?
3- Caruurta aan tallaalneyn sidee looga badbaadin karaa cudurkaan dillaacay ee jadeecada?
4- Dowr intee la eg ayay ka ciyaari karaan arintaan takhaatiirta soomaaliyeed ee ka hawlgasha gobolka Minnesota?
5- Maxaad u malaynaysaa waxa u keenay soomaalida Minnesota cudurka dhakaak "Autism"?
Waxbaro!
http://www.somalidoc.com