SHINGLES / HERPES ZOSTER / ZOSTER:Shingles waa furuurc xanuun badan oo maqaarka ka soo baxa, badanaaba leh nabaro muuqda. Waxaa kaloo lagu magacaabaa Herpes Zoster, ama Zoster kaliya.
Furuuruca Shingles-ku badanaaba wuxuu ka soo baxaa hal dhinac oo wajiga ama jirka ah wuxuuna socdaa 2 todobaad illaa iyo 4 todobaad. Astaamaha lagu garto waxaa u weyn xanuun, kaas oo noqon kara mid daran. Astaamaha kale ee lagu garto shingles-ka waxaa ka mid noqon kara qandho/xummad, madax-xanuun, qarqaryo/qamandhaco iyo caloosha oo kacda. Mar-mar dhif ah, infakshanka shingles-ku wuxuu keeni karaa qofka oo qabow galo ama kolbadi aaryo, dhibaatooyin la xiriira maqalka, indha beel, maskaxda oo bararta (encephalitis) ama dhimasho.
5 tii qofba 1 qof ayaa xanuun weyn isku arki kara xittaa muddo kadib marka furuurucu ka baaba?o. Tan waxaa lagu magacaabaa post-herpetic neuralgia.
Shingles-ka waxaa keena fayruska ama jeermiga Varicella Zoster, waa isla fayraska keena busbuska.
Qof uu horay ugu dhacay busbus oo kali ah ? ama, si dhif ah, laga tallaalay busbus ? ayaa shingles ku dhici karaa. Fayrasku jirkaaga ayuu ku negaadaa, wuxuuna keeni karaa shingles sanado badan kadib.
Shingles qof qaba kama qaadi kartid. Haseyeeshee, qof aan waligiis
busbus ku dhicin (ama busbus laga tallaalin) wuxuu busbus (
chickenpox) ka qaadi karaa qof qaba shingles. Tani ma aha mid badanaaba dhacda.
Halkaan ka akhriso cudurka busbuska:
http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,831.0.htmlShingles wuxuu aad ugu badan yahay dadka waaweyn ee jira 50 iyo ka kor marka loo eego dadka yaryar. Waxaa kaloo uu ku badan yahay dadka habdhiska difaaca jirkoodo uu nuglaado ama u daciifo sababo cudur dartood sida kansar, ama daawooyin sida steroids ama kimotheraby.
Dalka Maraykanka sannadkiiba shingles wuxuu ku dhacaa ugu yaraan 1 malyan oo qof.
TALLAALKA SHINGLES:Baaritaano tijaabo ah ee la sameeyay, wuxuu tallaalku hoos u dhigay halista ka iman karta shingles 50%. Waxaa kaloo uu wali hoos u dhigi karaa xanuunka dadka shingles-ku ku dhaco markii la talaalo kadib.
Dadka jira 60 sano ama ka wayn waxaa lagula talinayaa in ay qaataan hal dose oo ah tallaalka shingles.
DADKA QAARKOOD WAA IN AYSAN QAADAN TALLAALKA SHINGLES-KA AMA WAA IN AY SUGAAN:Ma aha in uu qaato tallaalka shingles-ka qofkii:
# cadaanyo daran oo nafta halis gelisa ay ku kiciyeen gelatin, antibiotic neomycin, ama maada kasta oo ku jirta tallaalka shingles-ka.
U sheeg takhtarkaaga haddii ay jiraan wax cadaanyo daran kugu kiciya.
# habdhiska difaaca jirkiisu hoos u dhacay sababtuna tahay in hadda:
- AIDS ama cudur kale oo waxyeela habdhiska difaaca jirka qabaan,
- daawooyin lagula tacaalo kuwaas oo waxyeela habdhiska difaaca jirka, sida steroids oo in muddo ah uu dose xoog leh ka qaadanaayay,
- kansar lagaga daawaynayo shucaac ama kimotherabi,
- kansar waxyeela dhuuxa ama habshiska qanjirada, sida leukemia ama lymphoma qabaan.
# uur ay leedahay ama laga yaabo in ay uur qaado. Naaguhu waa in aysan uur yeelan ugu yaraan 4 todobaad kadib markii laga tallaalo shingles.
Qof ay si xun u hayso jirro fudud, sida hargab, waa suurtagal in la tallaalo. Laakiin qof kasta oo ay si xun u hayso jirro dhexdhexaad ah ama daran caadi ahaan waa in uu sugaa tallaalka inta uu ka bogsanaayo. Dadkaan waxaa ka mid ah qof kasta oo heer kulka jirkiisu yahay 101.3? ama ka kor.
WAA MAXAY KHATARAHA KA IMAN KARA TALLAALKA SHINGLES?Tallaal, sida daawooyinka kaleba, waxaa suurtagal ah in uu keeni karo dhibaatooyin daran, sida cadaanyo ba?an ama daran oo uu kiciyo. Haseyeeshee, halista uu tallaal ku keeni karo dhib weyn, ama dhimasho, aad bay u yartahay.
Ma jiraan dhibaatooyin daran oo lala xiriiriyay tallaalka shingles.Dhibaatooyinka Fudud
# Meesha irbadda tallaalka lagu muday oo guduudata, xanuunta,bararta ama xajiimoota (qiyaastii 1 qof 3 dii qofba)
# Madax-xanuun (qiyaastii 1 qof 70 kii qofba).
Sida tallaalada oo dhan, tallaalka shingles si aad u fiican ayaa loola socdaa haddii uu keeno wax aan caadi ahayn ama dhibaatooyin daran.
KA WARAN HADDII UU KICIYO CADAANYO DHEXDHEXAAD AH AMA DARAN?Maxaan ku gartaa?# Xaalad kasta oo aan caadi ahayn, sida cadaanyo daran oo uu kiciyo ama qandho badan. Haddiise uu cadaanyo daran kiciyo, waxay dhacaysaa waa dhowr daqiiqo illaa saacad gudahood marka qofka la tallaalo kadib. Calaamadaha aad ku garan kartid in uu cadaanyo daran kiciyay waxaa ka mid noqon kara neefsaashada oo dhib noqota, tabar yari, xabeeb ama xiiqlayn, wadnaha oo dhakhso u garaaca, furuuruc xajiin ama cuncun leh, dawakh, midabka oo is bedela, ama cunaha oo barara.
Maxaan sameeyaa?# Wac takhtar, ama qofka isla markiiba takhtar u gee ama u hel..
# U sheeg takhtarka waxa dhacay, taariikhda iyo wakhtiga sidaasi dhacday, iyo goortii qofka la tallaalay.
# Weydiiso daryeel bixiyahaaga ama takhtarkaaga si aad u wariso cadaanyada uu kiciyay
SIDEE LOO DAAWEEYAA XANUUNKA ZOSTER?Xanuunka markuuu bilaw yahay waxaa loo qaataa daawo feyraska la dagaalanto, waxaa kaloo muhiim ah in qofka uu qaato daawooyin qandahda jabisa, daawo xanuunka yarayso, haddii uu difaacaagu yaryahay, dhakhatarku wuu kordhin karaa mudada daawada aad qaadanaysid.
Xanuunka wuu baaba'aa muddo kadib, waana laga bogsadaa, dad dhif ah ayuu ku reebaa xanuun laga dareemo neerfaha uu feyraska asiibay.
Akhriso Cudurka Dabdhulka: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=1006.0Haddii aad su'aalo qabti iigu soo dir halkaan:
http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html
http://somalidoc.com