80% _ 85% haweenka Minkooda wuxuu u janjeeraa xaga hore dhanka caloosha (Antiverted)
Minka Qalooco waxaa laga wadaa marka uu Minka u janjeero xaga dhabarka (Retroverted)
waxaana Minka noocaas ah qabo 20% _ 15% oo haweenka ah.
Sababaha keena Minka Qalooca ,
Badanaa waa ku dhalasho
Waxaa dhici karta mararka qeebtood inee keento dhalmada badan , gaar ahaan hadee jirto fool dheer taas oo keeni karto in eey dabcaan xargaha celiyo Minka .
Kansarada Minka qeebtood waa keeni karaan Minka oo Qaloocmo
Jirooyinka qeeybtood aa keeni karta Minka oo qaloocma sida jirada (Endometriosis) taasoo keeni karto xarakada Minka oo adkaato markee darbiyada Minka iyo xiidmaha oo kale ee isku dhagaan.
Dhibatooyinka ka imaan karo.
Hadii eeysan jirin dhib la taaban karo sida kuwa kor kuxusan badanaa looma baahna daaween ama faragashi.
Laakiin hadii eey jirto dhib lataaban karo sida ilmaha oo hooyada kasoo dhacaan ama uur yeelashada oo soo daahdo markaas wuxuu u baahanyahay daaween iyo inaa latashatid dhakhtar takhasuska haweenka qaabilsan.
Su,aashada labaad oo ah gabadha nabarka kuyaalo , runtii makasaayo isgubidaan dadka Somalida ee alifeen meeshee ka akhriyeen , maalin dhaweeyd gabar aa isoo wacday iyadana isgubtay oo xaaladeeda sii xumaatay gubida kadib infections kudhaceen iyado rabto inaa daawo usheego ee isticmaasho see u caafimaado , runtii wax isgubid ladhaho majiraan , gabadha ha u tagto dhakhtar Haween isagaana ka kaalmeen karo jiradeeda ,mideeda kale talo kama bixin karno nabar aan arkin examine gareen qofka uu kuyaalana aan ka sheekeen , marka gabdha ha utagto dhakhtar , coz genital ulcers wee badanyihiin
Waxaa rajeeynaayaa inaa ku siiyo macluumaad ku anfaco inkastoo terminology badan aa u waayay fasiraad afsoomaali ah saas darteed waxaa kusiiyay macluumaad kooban , wixii aniga aa katagayna walaalaha aa ku daraayo Insha Allah.