Author Topic: SU'AAL: NAASAHA HAWEYNKA MAKALA DHEERAN KARAA SIDA CADIGA AH AMASE WAA JIRO?  (Read 4972 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Suhuur

  • Newbie
  • *
  • Posts: 2
  • Points: +0/-0
waan ku salaamay DR

su'aasha aan idin weydinaya idinkoo mahsan walaalayaal waxey tahay
NAASAHA HAWEYNKA MAKALA DHEERAN KARAA SIDA CADIGA AH AMASE WAA JIRO/XANUUN?
HADII AY XANUUNTAHAY MAXAA LAGU DAWEYKARAA?
waad mahadsantihiin sida wanaagsan ee aad noogu adeegtaa jawaabtana waa idinka sugaya insha'allah
webkaan waanku wareeray DR waxaan kaa codsanaya in aad jawaabta EMAIL keega iigu soo dirtid adigoo aad umahadsan

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 1312
  • Points: +1/-1
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Naasaha aan isla ekeen waa wax caadi ahaan dhici karo, hiddo raac ha ahaado ama sabab aan la garanynba.
Naasaha korriinkooda wuxuu ku xiranyahay qaabka hormoonka "Estrogen-ka" uu u saameeyo iyo jawaab celinta uu naaska ka bixiyo taasoo badanaa bilaabato laba sano ka hor qiyaas ahaan markii gabadha qaangaarto oo dhigga ugu horreeyo ku dhaco 'menarche".

Kadib naaska wuu sii koraa, xilligaas korriimada ay socoto naaska wuu kala kori karaa inkastoo farqi aad u weyn uusan jirin laakiin wuu isa soo gaaraa muddo 6 sano gudahood.

Wixii xilligaas ka dambeeya naaska korriinkiisa wuxuu is badalaa badanaa xilliga uurka iyo xilliga xaydka gabdhaha uu ka yimaado.
Farqiga u dahxeeyo labada naas ee kala koray maahan wax saa u weyn oo waxaa la yiraahdaa haddii naas gashiga "Bra" uu wada qaadi karo farqigaas wax la sheego maahan laakiin haddii naas gashiga uu hal naas uu cariiri ko noqdo, farqiga u dhaxeeyo labada naas wuu badanyahay.

Kala koriinka naasaha haddii ay bilaabmeen da'da 20 sano ka dib uurna aadan lahayn, waxaad eegtaa in naaska weynaaday in uu leeyahay wax barar, burtuqyo, daqnasho, qanjirrada kilkilaha oo bararn, midabka naaska badalan, nabro ka soo baxay ama ibta oo dheecaan keento ama midabkeeda oo is badalo.
Haddii aad isku aragto calaamadahaas waxaad u baahantahay in takhtar aad la xiriirto.

SomaliDoc
1- Si aad wax ugu qortid Webka | 2- Si aad uga qeyb qaadatid doodaha | 3- Si aad su'aalo u waydiisid dhakhaatiirta
4- Si aad ula xiriirtid xubnaha kale | 5- Si aad ra'yigaaga u soo bandhigto
Waa inaad magac ku leedahay webka (Halkan Riix)
Kaydka Qoraalada & Filimada