Midda shaaha ku saabsan maahan wax cilmi ahaan jiro ee waxa laga hadlayo waa kuleylka cimillada ee maahan waxa kulul ee la cabo.
Wax walba oo cadaadiyo xaniinyaha waxay keenaan xanuun sida in aad xirato nigis kugu nagan, in aad baaskiil fuusho muddo dheer, in canjirrada aad ku dhex cadaadisid.
Xanuunku wuxuu ka dhashaa markii la cadaadiyo xaniinyaha in qulqulka dhiigga ka xirmo kadibne uu ceejismo, haddii sidaa in muddo ah lagu hayane waxay dhaawac u keenaysaa xaniinyaha iyo shaqadiisaba.
Tani waxay la mid tahay lugta oo kabaabyooto haddii lagu fadhiisto in muddo ah, taasoo iyadane uu ka xirmay dhiigga.
Xanuunka aad daremeyso waa dhambaal kuu sheegayo in cadaadis aad ku haysid xaniinyaha oo aad ka qaaddo culeyska waa arrin wanaagsan oo lagaa doonayo markaa in aad cadaadis ka qaaddo jirkaaga xubin ka mid ah haddii ay ku xanuunto.
Wuxuu xanuunkaan ka dhasho cadaadiska u badanyahay dadka muddada dheer fadhiyo sida darawallada baabuurta safarrada dhaadheer gasho iyo dadka xafiisyada ka shaqeeyo oo muddada dheer fadhiyo.
Talo: ha xiran nigis ama surwaal kugu dhaggan.