Author Topic: Su'aal: Daawada Ciprofloxacin iyo Saameynta ilmaha hooyada jaqaya?  (Read 6140 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Nuur12

  • Jr. Member
  • **
  • Posts: 49
  • Points: +0/-0
salaan kadib waad mahad santihiin  dhamaan dhaqaatirta cimigooda ugu taba rucaya
walaalohooda soomaaliyeed waxan qaba hal su aal oo ah xaaskayga oo madax xanuun daran
mergiyo  xanuun daran indhaha guntooda oo xanuunaysa indhamadoobaad aan dhiig yari ahan
yeelatay  waxaan siiyay ciproflaxin tabs 500mg  waana umul 40habeen umulan qofka yar muxuu ku keenikaraa oo dhib ah wax dhaqtar ahna lama xidhiidhin waad madsantihiin




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Daawada Ciprofloxacin iyo Saameynta ilmaha hooyada jaqaya?
« Reply #1 on: July 10, 2011, 07:30:18 PM »
Ciprofloxacin is considered compatible with breast-feeding by the American Academy of Pediatrics. Because of the potential for serious adverse effects in nursing infants, a decision should be made to discontinue nursing or discontinue administration of ciprofloxacin, taking into account the importance of the drug to the mother.

Daawada Ciprofloxacin waxaa lagu saaraa caanaha maamada, qadarka laga heli karo caanaha maamada 24 saac ka dib waa 85% oo daawadii ah.
Waxaa la arkay in ilmaha haddii ay daawadaan ka nuugaan naasaha in uu ku dhaco cudur mindhicirrada ah oo loo yaqaanno "pseudomembranous colitis" kaasoo daawadiisu ay tahay qalliin lagu jarayo mindhicirrada ay daawadu saameysay.

Waxay kaloo daawadaan saameyn u gaysataa korriinka kalagoysyada caruurta, sidaa darteed qatarta daawadaan ay keento waxay keensanaysaa in la qaato laba go'aan mid oo ah in cunugga naaska laga joojiyo inta hooyadu daawada qaadanayso waa hadidi ay baahida daawadaan ay aad u badantahay ama in la joojiyo qaadashada daawada Ciprofloxacin.

Fadlan ha qaadanin daawo uusan kuu qorin takhtar oo naftaada iyo mida caruurtaadaba ha halligin.
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: Daawada Macaanka "Diabates"?

Started by ShucaybBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 13368
Last post June 05, 2015, 07:25:34 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Daawada bidaarta ee "Minoxidil"?

Started by QofcilmijecelBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 2
Views: 12812
Last post September 14, 2017, 05:06:20 PM
by drmire
Su'aal: Daawada lagu cadeysado oo ilkaha lagu nadiifiyo?

Started by Mo DigdigBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 12096
Last post June 23, 2016, 12:37:12 PM
by SomaliDoc
Daawada "Colgate" iyo Kansarka Mindhicirrada.

Started by SomaliDocBoard Qaybta Wacyi Galinta

Replies: 0
Views: 25798
Last post November 20, 2018, 03:32:30 PM
by SomaliDoc
Guurka Lamaanayaasha Isku Hidde Sidayaasha Ahi, Ma U Sabab Baa Cilad Ku Dhalashada Ilmaha?

Started by CilmiSabcaBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 5
Views: 43976
Last post October 16, 2011, 04:39:29 AM
by CilmiSabca