Markii haweenta laga baarayo cudurka kaankarada ku dhaca afka ilmo galeenka "Cervical Cancer" waxaa la sameeyaa laba baaritaan oo kala ah:
Imtixaanka Dheddigga iyo Dheeh Marinta Pap
Imtixaanka dheddigga waxaa loo sameeyaa si loo hubiyo cudurrada siilka, afka ilma-galeenka, ilma-galeenka, iyo ugxansideyaasha. Dheeh marinta pap waa baaritaan hubinaya is-beddello ku yimid afka ilmagaleenka, kaasoo laga yaabo in uu yahay calaamad hore ee kansar.
Imtixaan naas ayaa sidoo kale laga yaabaa in lagugu sameeyo.
Haweenku waa in ay imtixaan iyo dheeh marinta maraanta ugu horryasa helaan saddex sanno gudahood markay bilaabaan inay galmoodaan ama da’da 21. Taas kadib, warso takhtarkaaga inta jeer ee aad u baahan tahay imtixaankan taas oo ku salaysan da’daada iyo taariikhda caafimaadkaaga. Badi dumarku waxay maraan imtixaankan 1 illa 3
sannadood mar.
Waqtiga Baaritaanka
• Kalkaaliso ayaa wax kaa weydiinaysa caafimaadkaaga. Cabbirka dhiiggaaga iyo miisaankaaga ayaa la hubinayaa.
• Kalkaalisadu qol ayey kuu kaxaynaysaa. Waxaa laga yaabaa inaad u baahato inaad furto canbuurkaaga ama iska bixiso kor-gashiga si naaska lagaaga imtixaano.
• Waxaad u baahan tahay inaad dharka iska bixiso laga billaabo sinaha ilaa hoos. Waxaa lagu siin doonaa warqad aad lugaha iyo caloosha ku daboolatid inta aad miiska imtixaanka saaran tahay.
• Waxaa laga yaabaa in uu dhakhtarkaagu ku billaabo imtixaanka naasaha, isagoo si dabacsan u tuutuujinaya naas kasta si uu uga baaro wax barar ah.
• Imtixaanka naasaha ka dib, dhakhtarkaagu wuxuu ku weydiinayaa inaad lugahaaga saarto dhinaca miiska ee lugsaarka loogu talagalay aadna hoos u dhaqaajiso dhinaca geeska miiska. Jilbahaaga ha kala furmeen.
• Dhakhtarkaagu wuxuu fadhiisanayaa lugahaaga agtooda wuxuuna daarayaa nal si uu u arko hoostaada waqtiga baaritaanka.
• Dhakhtarkaagu wuxuu taabanayaa gudaha bowdadaada iyo daloolka hoostaada si uu u hubiyo calaamado cudur, soo buurasho ama dhibaatooyin kale.
• Qalab ayaa si tartiib ah loo gelinayaa hoostaada. Hoostaada ayuu kala furayaa oo kala haynayaa si loo baaro. Neef qoto dheer afka ka jiid si ay kaaga caawiso inaad is kala bixiso. U sheeg dhakhtarkaaga haddii aad dareento wax xanuun ah ama lur.
• Dhakhtarkaagu wuxuu soo xaaqayaa afka ilmo galeenka si uu u helo xoogaa unugyo ah. Tan waxaa loo yaqaannaa Dheeh Marinta Pap. Unugyada waxaa loo dirayaa baaritaan.
• Qalabka ayaa lagaa soo saarayaa.
• Iyadoo gacno gashi ugu jiro, ayuu dhakhtarkaagu 2 farood gelinayaa hoostaada.
• Gacanta kale, ayuu dhakhtarkaagu ku riixi doonaa ubucdaada hoose si uu u dareemo qaabka iyo cabbirka ilma-galeenkaaga iyo ugxansideyaasha.
• Markuu imtixaanku dhammaado, dharkaaga ayaad gashan kartaa.
Baaridda Unugyada Hoosta haweeneyda (Colposcopy)
Colposcopy waa baaritaan la sameeyo si loo hubiyo unugyada aan caadiga ahayn ee cawradaada iyo afka ilmo galeenka. Waxaa laga yaabaa in colposcopy lagu marsiiyo haddii baaritaanka dheeha la isku eego uu muujiyo unugyo aan caadi ahayn. Takhtarku wuxuu isticmaalayaa aalad weyneyso ah si uu u hubiyo unug aan caadi ahayn ee cawrada iyo afka ilmo galeenka. Sambal unug oo yar, oo loo yaqaanno unugyo soo qaadid (biopsy), ayaa laga yaabaa in lagaa soo saaro si shaybaarka loogu soo hubiyo.
Baaritaankaaga waqtiga ugu imow. Baaritaanku wuxuu qaadanayaa ilaa 15-20 daqiiqadood. Qorsheyso in aan halkaan joogi doonto ilaa 2 saacadood.
Muddada Baaritaanku socdo
• Waxaa laga yaabaa in aad xidhato goonnada isbitaalka.
• Waxaa lagugu caawin doonaa in aad fuusho miiska baaritaanka. Dhabarka u seexo ka dibna lugaha saaro xarkaha soo lusha ee kala qaadaya.
• Afka ilmo galeenka ayaa waxaa lagu daboolayaa milan khal oo khafiif ah. Taasi waxay unugyada aan caadiga ahayn ka dhigeysaa kuwo soo baxa.
• Takhtarku wuxuu unugyo aan caadi ahayn ka hubinayaa cawradaada iyo afka ilmo galeenka.
• Haddii takhtarkaagu uu doonayo in uu sambal unug ka qaado cawradaada, waxaad dareemi doontaa xoogaa xanuun ah ama casiraad xooggan. Taasi waxay kaaga baabi• doontaa ilaa 1 daqiiqo.
• Wixii dhiig bax ah waxaa lagu joojinayaa cadaadis iyo milan kiimiko ah.
Daryeelka marka aad Guriga joogto
• Galmo ha sameynin, isticmaal suufka dhiigga ama saliingaha hoosta loo isticmaalo ilaa 24 saacadood.
• Haddii unugyo lagaa soo qaaday, waxaa laga yaabaa in dhiig yar ka yimaado cawrada maalin dhan. Waxaad xidhataa suuf.
• Waad maydhan kartaa. Tubbo biyo xooggan ha ku qubeysan ilaa 3 maalmood.
Tani waxay kordhin kartaa fursadda in aad jeermis qaaddo.
Isla markiiba takhtarkaaga wac haddii aad isku aragto:
• Dhiig bax fara badan halkaasoo aad suufka saacad ku qoyneyso
• Casiraad ama xanuun daran ee uur ku jirta
• Qar-qaryo ama qandho ah 101 darajo oo F ah ama 38 darajo oo C ah
• Dheecaan cawrada ka imaanaya oo si xun u uraya.
Baaritaanka PAP Smear ayaa horreeya kadib haddii la arko unugyo aan dabiici ahayn ayaa la sameeyaa baaritaanka ku xigo ee Colposcopy, laakiin su'aasha meesha taagan ayaa ah maadaama isbadalka unugyada aan caadiga ahayn uu sameeyo cudurka HPV "Human Papilloma Virus" kaasoo lagu kala qaado galmada kaliya, sida aad sheegtayne gabadha ay bikro tahay, maxaa ay tahay sababta looga shakiyay in ay u baahantahay PAP Smear waa haddii aysan qoyskeeda ka jirin taariikh cudurkaan kansarka afka ilmo-galeenka oo taxadar ahaan loo baarayo.
Laakiin haddii aysan jirin arrintaas dhaxalka ah, sabab muhiim ah oo gabar bikro ah loogu diro baaritaankaan ma muuqdo illaa inuu jiro sabab kale oo muhiim ah oo takhtarka uu kuu diray kala hadlay qofka loo diray mooyee.
midda kale baaritaanka PAP Smear inuu dillaaciyo xuubka bikrada way suurowdaa maadaama qalabka la isticmaalayo dhici karto in aad loogu weyneeyo meesha si safiican loo arko afka ilmogaleenka.
Baaritaankaan waxaa badanaa loo diraa haweenka galmooda oo aan bikrada ahayn.
SomaliDoc