Walaal Munim, mawduuc aad muhiim ah oo aan jeclaan lahaa inaan ka hadlo ayaa taabatay.
Inta aan ka jawaabin su'aalahaaga horta waxaan isku dayayaa inaa xoogaa iftiimiyo mushkiladan sida ay u jirto iyo asbaabaha keentay?
Markii ay dhacday dawladii siyaad barre, oo uu wadankii dagaal sokeeyey galay, oo amni darro dhacday, dadkii awooday inay cararaan way carareen, kuwaasoo ay ka mid yihiin dhakhaatiirtii.
Waxaa meesha ku soo haray, dhkhaatiir rasmi ah oo awalba shaqeysanayay oo aan wadankii ka tagin, kuwaasina aad ayaan ugu hambalyeynayaa geesinimadooda iyo daacadnimadooda ay dadkooda wax ugu qabteen, qeybta labaad waa qeybta mushkilada bilawday, uguna darneed, waa qeybtii uu waxbarashada ka kala go'day, oo iyagoo sanadka 3aad ama 4aad maraya dagaalka dhacay, kuwaasi qaar ka mid ahi xarumo dadka lagu daaweeyo ayey furtaan oo dhakhaatiir buuxda bay qorteen, qaarne inay speciality haystaan ayeyba sheegteen, kuwaasi waxa ay dhiira galiyeen, kuwo kale aananba kuliyad caafimaad soo marin, oo iyagane dhakhtarnimo sheegtay, kuwaasi waxa ay u badanyihiin farmashiyiistayaal.
Mushkilada ay dhalisay arintaan mid la koobi kara maahan, dad badan way ku la'deen, dadne way ku naafoobeen, dadne daawooyinkii wadanka yaalay ayay resistant ku noqdeen si daawo kasto loogu qorayay, waana arin caan ah oo jirta, bukaanka marka uu dhakhtarka u soo galo waxaa la siiyaa "bac madaw" wax loo yaqaano, oo 10 daawo oo kala nooc ayaa ku jirto, baynamaa hal kaliya uu u baahanyahay.
Bacmadowga waxaa kaloo ku jirta sheeko kale oo ganacsi la xariirta iyadane oo ah: in bukaanka daawo badan loo qoro kadibne la dhaho soo laabo usbuuc ama laba usbuuc kadib, markuu soo laabto waxaa la leeyahay iska jooji daawada waa fiicnaatay, bukaankii maskiinka ahaa waxa uu leeyahay: ditoore lakin bac dhan ayaan soo gado i dhahday oo guriga ayey taalaa?!, dhakhtarkii waxa uu ku jawaabayaa: iskadaa ha kuu taalo waad u baahnaan doontaa, taasi oo keenta in caruur badan ay ku sumoobaan daawooyinkaas.
Taasine waxa aad ka dareemi kartaa, shacabka somaliyeed aqoonta uu u leeyahay daawooyinka, iyo magacyadooda, taaso keentay inuu sidoo cunto kale uu uga soo gato farmashiyaha.
Inta sheeko ah oo laga hayo mushkiladaan oo hadii laguu sheego wadnaha ku qaracmayo lama soo koobi karo, qaar kamid ahne aan indhaheyga ku arkay.
Hadii aan u gudbo jawaabta su'aalihii aad na waydiisay:
1-aaway dhaartii ay dhaarteen dhakhatiirta an kor kusoo xusnay?
Kuwa aan kor ku soo sheegay, wax dhaartay kuma jiraan, inkastoo ay jiraan kuwo dhaartay oo danahooda ka raacay, kana tagay akhlaaqdii laga rabay inuu ku dhaqmo qofka dhakhtarka ah.
Tani ulamada jeedo, in dhakhaatiirta wadanka wada joogto kuligood ay noocaan kale yihiin, maya kuwa ku sacdo dariiqii saxda ah way buuxaan, kuwaasoo u badan kuwo ka yimid dibadaha, taasoo ku kaliftay kuwa aanan dhameystiran waxbarashadooda, mudadaan dheerne ku shaqeysanayay dhakhatar ahaan inay dibada u raadsadaan dhameestir, kuwaasoo ay gacan qabatay hay'ada WHO.
2-away amanadii Cilmiga oo lagu soo aminay dhakhatiirtaas?
Walaal Munim, su'aashaan waxa ay ku fiicantahay in iyaga la waydiiyo.
3-makula tahay in ay arimahaas ku qasbeen dhakhatirtaas bahi dhaqaalo kaliya?
Dhaqaalaha waa qeyb ka mid ah, laakiin waxaa jira oo kale aqoon dari, iyo dhaqan xumo.
maxaa yeelay meeqo ayaa ganacsata oo ku fakirin arintaan, teeda kale meeshani alaab lama gadayo, insaan adigoo kale ah ayaa naftiisa ilaahay kuu dhiibay, inaa ku ciyaarto oo aad sidaa rabto ka yeesho, dhaqaalaha kugu kalifayo maxey thaay?!!!
4-maxaad ka dhihilahayd dhakhatiirta noocas hadii ra'yigaga lagu waydiiyo?
Kuwani waa kuwo burcad ah, una tashay shacabka somaliyeed, intaas waxba kuma darayo.
5-sidee kula tahay in looga hortago arimaha noocan oo kale si aysan ugu faafin jiilka cusub oo hada soo baxayo?
Maadaama aysan jirin hay'ada aad sheegtay oo wadanka ka howlgasho, xoogna ayan laheen ay wax ku amarto, ama wax ay ku fuliso, waxa ugu muhiimsan ra'yigeyga oo looga hortagi karo waa in shacabka la wacyi galiyaa si ay uga fogaadaan ayne u fiigsanaadaan.
Hadan ilaahaa mahadleh, dadka noocaan u ganacsado gobolada ayay ku bataan oo magaaloyinka waaweyn way ku sii yaraanayaan.
Laakiin haduusan shacabka waxba la socon, taasi waxay ay geesinimo ku sii abuuraysaa dhakhaatiirtaan beenta ah inay sii wadaan shaqadooda.
6-ugu danbayntii maxaad kula talinlahayd dhakhatiirtas?
Waxaa kula talin lahaa kowda hore, ilaah ka cabsada ilaah waxa uu yiri qofkii hal naf dilo waxa ay la mid tahay isagoo dadka aduunka ku nool oo dhan dilay, tan kale hadii ay dhaqaalo ku qasabtay, waxaa jira ilal badan oo dhaqaalaha kaa soo gali karo ee u wareeg.
Kuwa danbiyadaan lugta kula jira ilaahey ha u towbad keenaan.
NB: waxaan rabaa inaan idin xasuusiyo, mushkilada caafimaadka ee naheysata kuba koobno dadka aan ka soo hadalnay, ee dad badan ayaa lug kuleh waxaana ka mid ah, farmashiyayaasha, sheybaariistayaasha, kuwaasoo markale aan ka hadli doono.
Waxbaro!