Author Topic: Su'aal: Waa maxay xanuunka teetanada?  (Read 26690 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Umu Eyman

  • Newbie
  • *
  • Posts: 3
  • Points: +0/-0
  • Gender: Female
Su'aal: Waa maxay xanuunka teetanada?
« on: September 07, 2011, 04:00:45 AM »
as/c dhamantin dhaqaatiirta baxda salaan
walaal waxad iga jahil bixisaan teetanad waxalo dhaho masa loodhinta ,qof hadii bir mudo mala siiyaa teetano , caruurta yaryarna sidoo kale maxaa loo siiyaa talaak tetanda
waa mahdsantihiin




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Waa maxay teetano?
« Reply #1 on: September 20, 2011, 02:31:50 PM »
Waa maxay teetano?
Teetanada waa cudur dilaa ah, laakiin nasiib wanaag aan bulshada ku badnayn, waxaana keento bakteeriyo loo yaqaano "Clostridium Tetani", bakteeriyada waxay ku nooshahay carada, boorka, calyada, mindhicirrada iyo saxarada dadka iyo xoolaha, bakteeriyadaan waxay jirka banaankiisa ku noolaan kartaa bilooyin illaa sanooyin.

Bakteeriyadaan waxay kaloo caan ku tahay in ay jeceshay in ay ku noolaato meelaha aan oksajiinta lahayn, biraha mirirka ah sida musmaarrada, laamayeeriga iyo qasacadaha daxalaystay.

Sidee bakteeriyada xanuunka u keentaa?
Bakteeriyadaan markay jirka gasho waxay ku sii daysaa labo maaddo oo sun ah oo loo kala yaqaanno "tetanolysin" iyo "tetanospasmin", waana suntaas waxa sida dhakhsaha dadka u dilo.

Markii qofku dhaawac gaaro sida in ay wax xagtaan, wax mudaan ama bahal qaniino, ama qofka lagu qalo, ilkaha looga saaro, dalqada lagu gooyo ama lagu fooliyo biro aan la jeermis dilin waxay bakteeriyada fursad u heshaa inay jirka gasho.

Bateriyada badanaa waa in dhaawac jirka gaaray ay ka faaidaysato si ay u waxyeellayso, waxaana badanaa laga qaadaa musmaar ama bir carrada taalla oo ku daxalaysatay oo qofka durto ama jeexdo.

Sidee jirka u saamaysaa?
Teetanada waa cudur ku dhaca habka neerfayaasha jirka waxaana lagu gartaa in qofka uu togtognaado, murqaha oo giigsama khaas ahaan murqaha qoorta, daamanka iyo dhabarka.

Teetanada waxay soomaalidii hore u taqaannay "Todoba ma gaadhto" taasoo ka tarjumayso siduu xanuunka halis u ahaa, welina u yahay, waxaana magacaas loogu bixiyay, markii qofka wax duraan ama mudaan, bakteeriyadane ay jirkiisa gasho, todoba maalmood kadib qofka waxaa ku soo boodo astaamihii xanuunka teetanada, wuuna u geeriyoodaa, waana arrin jirta oo caafimaadka waxaa loo yaqaanaa "Xilliga Huuriska" ama "Incubation Period".
Soomaalidii hore waxay cudurkaan kula dagaallami jireen dabka, way gubi jireen nabraha inta ay cusub yihiin, qalabka ay qalliimada u adeegsan jireenne dabka ayay marin jireen.

Maxaa lagu gartaa teetanada?


Calaamadaha lagu garto cudurka teetanada ayaa waxaa ka mid ah: in qofka daamanka isdhaafaan, dhabarka qalloocmo iyo surka oo gadaal u laabto. Qofka waxaa ku xermi karo neefsashada.

Cudurkaan waxaa lagu gartaa aragti laakiin waa la baari karaa haddii dheecaan ama cad laga qaado meesha uu dhaawaca ka gaaray qofka.

Teetanada sidee loo daaweeyaa?
Teetanada waa cudur laga hortagi karo, wuxuuna leeyahay tallaal loo qaato, caruurta iyo hooyooyinka uurka leh waa laga tallaalaa, qofkane markuu dhaawac gaaro waa in la tallaalaa.

Haddii qofka cudurkaan ku dhaco waa in sida ugu dhakhasiyaha badan isbitaal lagu gaarsiiyaa si loo daaweeyo loona siiyo cirbad lid ku ah teetanada.

Hadduu qofka teetanada ku dhacdo, fursada in qofka uu xanuunka ka soo kaco aad ayay u yartahay, mana ahan xanuun farmashiye ama isbitaal yar lagu daaweyn karo, wuxuu u baahan yahay qofka in isbitaal wayn oo uu joogo dhakhtar aqoon u leh daaweynta xanuunkaan in la geeyo, maxaa yeelay qofka wuxuu u baahan yahay daaweyn iyo xanaanayn u baahan shuruudo gooni ah.

Qofka xanuunka wuu ka raysan karaa, laakiin inuu dabiici qofka ku soo laabto oo caafimaad buuxa helo waxay qaadataa dhowr bilood illaa sanad.

Haddii aad qabtid su'aalo ama faahfaahin dheeraad ah waad na soo waydiin kartaan.

http://somalidoc.com
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   

Offline Gacalsame

  • Newbie
  • *
  • Posts: 7
  • Points: +0/-0
Re: Su'aal: Waa maxay xanuunka teetanada?
« Reply #2 on: May 09, 2015, 09:55:34 PM »
walaal anoo ka faaiideysanaya su,aashaan iyo jawaabta wanaagsan aad ka bixiseen waxaan idin weydiin lahaa
cudurkaan 2004 ayuu ku dhacay gabar walaasheey ah ilaah mahadiis waa bogsootay laakiin gabadhii waxaan ku arkay dulqad yari xanaaq iyo mar walba waa ay is ciileysaa
marka wax yaabahaasi ma sababi karaan dhibaatadii ka hartay cudurkaan tetanada

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Waa maxay xanuunka teetanada?
« Reply #3 on: May 11, 2015, 02:56:27 PM »
Isbadalka niyadda qofka, kacsanaan iyo xanaaq dhow ama garashada oo daciifto waa qaar ka mid ah dhibaatooyinka teetanda ay ku reebto maskaxda, hadduu qofka caafimaadkiisa kale uu fiican yahay taasi dhib weyn ma ahan, waa in aad barataan sida loola dhaqmayo qof dulqaadka ku yaryahay oo kaliya.

Waa laga yaabaa markii muddo ka soo wareegato in ay caadi ku laabato oo ay ka baaba'aan ama sii yaraadaan marba waqtiga ka sii dambeeya.
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   

Offline Dawiil

  • Newbie
  • *
  • Posts: 16
  • Points: +0/-0
Re: Su'aal: Waa maxay xanuunka teetanada?
« Reply #4 on: December 04, 2016, 07:51:16 AM »
Asc Dr Hadii ilmaha laga Talaalay Teetanada xiligii ey yaraayeen kadibna uu musbaar muday tusaala ahaan  maladuraa Cerbadii teetanada mase waxaa kaafinaayo talaalkii hore

Mahadsanid

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Waa maxay xanuunka teetanada?
« Reply #5 on: December 29, 2016, 07:24:51 PM »
Tallaalka teetanada wuxuu jirka ku jiri karaa 10 sano, hadduu dhaawac ku gaaro, tallaalkaaga uu dhacsan yahay ama aan la hubin waa lagu siinayaa si looga hortago cudurkaan.
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Waa maxay "Garguurato" ama "Uuryaal"?

Started by KamalBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 68504
Last post May 22, 2009, 01:41:01 PM
by SomaliDoc
Waa maxay "Angina"?

Started by SomaliDocBoard Cudurrada Guud

Replies: 0
Views: 71723
Last post February 05, 2008, 07:56:57 AM
by SomaliDoc
Su'aal: Waa maxay "Burseelku"?

Started by Ahmed_IndhayareBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 2
Views: 64525
Last post September 01, 2009, 02:23:15 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Waa maxay "gynecomastia"?

Started by AnassmBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 49010
Last post May 06, 2018, 01:17:25 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Waa maxay "Priapism"?

Started by Ahmed_CarabBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 46971
Last post January 22, 2019, 08:47:10 PM
by SomaliDoc