Ilowshaha dhow waxyaabo badan baa keeni kara, sida cudurada Maskaxda ku dhaca ama jug xooggan (jugta wax ka mid noqon kara: Shey culus oo madaxa ku habsada ama ku dhaca, shil IWM). Laakiinse, haddii uu san ku haynin cudur ka mid ah cudurada ku dhaca Maskaxda, ama aanay jirin jug madaxa gaadhay, waxaa dhici karta in uu qofku dareemayo cadaadis nafsi ah, waxaa kale oo la arkaa in marka uu qofku wax uu baahan yahay helistooda ama gaadhistooda uu galo mowjado jaha wareer badan, sida in uu kala garan waayo goor ay tahay iyo afartii jiho halka ay kala jiraan. Waxaana ugu caansan:
# Jaceylka;- Tani waxay dhacdaa markuu dhinac kale ee la jecel yahay la jirin qofka jecel ama lala wadaaga hayo, arrintaan waxay aalaa keentaa in ay maskaxdu si daran ugu mashquusho xalinta mushkiladaas ama ay ku murugsanaato u caal waaga heysta.
# Buufis (wax ay adag tahay in la gaadho ama la helo). Tani waxay u badan tahay dhalinta Soomaaliya jooga ee raba in ay dalalka Galbeedka tagaan iyagoo aan Pass word haysan! Waxaana ay keentaa in ay maskaxdu dam tidhaahdo dhaguhuna ay kuu waashaan sssss. Sidoo kale arrintaan waxay haysataa dadka tiigsada inay salaaxaan meel madaxa ka sareysa.
Haddaba, su'aasha waxa weeyaan sidee baa loo daaweeyn karaa ilowshaha?.
Dhakhaatiirta iyo dadka la taliya bukaanada waxay ku dadaalaan ugu horey inay ogaadaan xaalada qofka ka dibna waxay siiyaan Daawooyin kala duwan iyo talooyin gaar ah.
Waxa mar mar dhacda in uu qofku walbahaar ka qaado cudur aan maskaxda aheyn (sida Aids, Cancer, TB iyo Toogasho lagu xukumay qof kale oo u dhaw ama shil uu arkay IWM).
Daawooyinka waxa ka mid ah, in hadday maskaxdu qabto cudur ama iin Dhakhtar uu daawo u qoro. In hadduu qofku uu Jaceyl hayo uu helo Jaceykiisa. & In qofka buufiska qabaa uu gaadho hamigaas. Sidoo kale waxa laysku daaweyn karaa labada shey macaanka badan waa Qur'aan akhriska & muudmuusiga Malabka.
Waxaa la sheegaa oo kale in hilibka & subagga Gorayada (ostrich) lagu daweeyo Ilowshaha. Laakiin aniga tan maqal maahee si kale uma aqaan.
// Fiiro Gaadh ah: kala tasho (counselling) cida ay khuseyso ee laga helo halka aad joogtid.
/\ Ha isticmaalin daawo uu dhakhtar kuu qorin, xitaa hadaad aaminsan tahay.
REGARDS.