Author Topic: Su'aal: Hurdada culus maxaa keena?  (Read 30833 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline CilmiSabca

  • Hero Member
  • *****
  • Posts: 344
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
  • Kas & Kamma' Kibir Looma Kaco.
Su'aal: Hurdada culus maxaa keena?
« on: September 27, 2011, 11:37:47 AM »
Asc wrt wbt. Bacda salaam.

Waxaan rabaa in jawaab la iga siiyo dhibaato xaga hurdada ah oo haysata wiil aan ilma Abti nahay oo markuu seexdo oo dug dhaho ay adag tahay si lagu toosiyo, xataa haddii la rux ruxo ma la kicin karo, waxaaba ugu sii daran haddii uu kaligiis qol (room) jiifsado oo uu hoosta ka xidho. Mana ay sahlana in uu albaabka qolka naga furo haddii xitaa aynu si daran u gargaraacno.

Xaaladda caafimaad ee wiilkuna way fiican tahay wax dhib kale ah kuma aynu aragno, marka laga reebo hurdo ku mintidnimadaas uu ku talax tago.

Sidaas darteed, waxaanu rabnaa in war bixin la inaga siiyo waxa keena ama waxa ay tahay xaaladdaan.

Faamilka intiisa badan sidaan oo kale ma ahan, badankeenu waxaan hurdada uga kacnaa haddaynu maqalno ugu yaraan shanqadh, laakiin wiilkan ayaa naga yaabshay, haddana isagu wax balwad ah ma leh... Bal talo iyo tusaale inaga sii Dhakhtar.

Mahadsanidiin saaxiibayaal.


Talo SAARO Allaah


Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Hurdada culus maxaa keena?
« Reply #1 on: September 27, 2011, 11:28:43 PM »


Hurdada badan waxaa caafimaad ahaan loo yaqaannaa "Hypersomnia".

Hurdada qofka aan laga kicin karinne waxaa loo yaqaannaa "Sleep drunkenness" oo ah macnaheeda quf hurdada ku daroogoobay oo qof cabsan oo kale ah, waxaana magacaan loogu bixiyay  qofka markii laga kiciyo in daqiiqado ah wuxuu u egyahay qof cabsan oo waxba kama warqabo waxana laga yaabaa inuu soo istaagay oo albaabka kaa furya, haddii faraha laga qaado hurdada ayuu ku laabanayaa hadduu hadhowdii ka soo kacane in laga kiciyay ma oga.

Dadka noocaan ah badanaa ma riyoodaan, gambaleelka saacadahane kuma kacaan, haddii ay kacaanne maskaxdooda safiican uma joogto illaa safiican looga kiciyo maahinee.

Badanaa dad qaba hurdada noocaan ah waxaa ugu darsan hurdo badni oo laga yaabo in maalintii uu jiifto saacado badan ama xilliga shaqada ama iskuulka oo lagu dhex hurdo.

Haddii qofku daalanyahay ama habeenkii hore uusan hurdin lama dhihi karo wuxuu qabaa hurdo ku daroogoobsitaan ee waa mid dabiici ah, wax laga walwalane ma ahan.

Dad dhif ah oo dadkaan ka tirsan waxaa ugu darsan xanuun kale oo loo yaqaanno "Somnomania" oo ah macnaheeda qofka oo noqdo mid dagaallama markii hurdada laga kiciyo oo xittaa laga yaabo haddii ay ag yaallaan wax halis ah sida qori ama toorrey inuu ku dilo isagoo aan ka war haynin.

Waxaa qaarkood ay qabaan xaalad kale oo loo yaqaanno "Somnambulism" oo ah in qofka oo shaqeesto, socdo ama labisto isagoo weli hurda tanoo iyadane halis galin karta qofka inuu shil galo ama meel ka dhaco.

Marka dadka noocaan ahi waxaa fiican in aan si kadis ah looga kicin ama laga dhixin waxaa laga yaabaa in aad ku fakartaan in aad biyo ku shubtaan laakiin waxa kacayo waa murqihiisa kaliya, maskaxdiisane way huruddaa, marka waa in si aayar ah looga kiciyo, lagu soo laalabto dhowr jeer illaa inta uu ka kacaayo.

Cilladaan sababteeda rasmiga ah lama yaqaanno laakiin waxaa la aaminsanyahay in ay la xiriirto cillad abuuris oo maskaxda am ama fir dhaxal ah ama cillad hurdada ah sida in qofka neefta qabato markuu hurdo.

Haddii qofka uu hurdadiisa ay tahay mid saamayn ku leh noloshiisa sida shaqada, gaari wadista, inuu hurdada ku dhex socdo ama halis naftiisa galiyo waxaa jiro daawooyin la siiyo oo maskaxda kicinayo "stimulants", laakiin waa daawo aad u baahan tahay in aad dhakhtar la xiriirtid marka hore.

Haddii aad su'aalo caafimaad ah qabtid iigu soo dir qeybta su'aalah: http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html
http://somalidoc.com
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: Diktoore, maxaa laga wadaa Reactive, Weak-reactive iyo Non-reactive?

Started by XidigBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 59659
Last post July 02, 2017, 11:30:43 AM
by SomaliDoc
Caga-hurka ama Caga-ololka Maxaa Keeno?

Started by SomaliDocBoard Cudurrada Guud

Replies: 4
Views: 167244
Last post August 23, 2015, 02:14:13 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Maxaa lagu daaweeyaa Agoolka "Dandruff"?

Started by CmqalinleBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 111223
Last post January 06, 2015, 08:30:19 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Maxaa keni kara calol xanuunka iyo naaso xanuunka

Started by GacalsameBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 61349
Last post December 05, 2015, 01:19:38 PM
by SomaliDoc
Maxaa meydka loo qalaa? Waa maxay "Autopsy"?

Started by SomaliDocBoard Qaybta Wacyi Galinta

Replies: 1
Views: 66442
Last post April 06, 2016, 04:35:38 PM
by Mo Digdig