Author Topic: Su'aal: Maxay dumerkenu u diidaan in laga fooliyo?  (Read 35834 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Khadarducaale

  • Newbie
  • *
  • Posts: 1
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
Su'aal: Maxay dumerkenu u diidaan in laga fooliyo?
« on: September 29, 2011, 08:47:10 PM »
salamu alikum.
waad mahad santihiin dhaman dadka u hawlgalay, websitekan.
waxan ahay turjumaan caafimaad, maraykan,
waxan arkaa dumar soomali ah oo marwalba didaya in laga fooliyo, marka ay dhaafto waqtigii ay dhali lahaayeen, maxaa ugu wacan? Ilaahey nacam, marka ilmaha usoo dhalinayo isagaa og. laakiin dhakhtarkii halkan waxay aaminsanyihiin inuu ilmuhu dhiman karo, ama qashin cuni karo in hawadu ka go ayso.
Hadii aan caawin lahaa dumarka soomaaliyeed rayigooda, aqoon umalihi waxa ilmaha kudhici kara, iyadana aqoon umalihi waxa dhaktarka ugu jira inuu kafooshiyo dumarka.
mahadsanidin




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Maxay dumerkenu u diidaan in laga fooliyo?
« Reply #1 on: October 07, 2011, 03:13:04 PM »


Badanaa fooshu waxay billaabataa inta u dhaxeysa usbuuca 37-aad illaa 42-aad.
Markii foosha billaabato dhowr isbadal ayaa ku dhaco hooyada jirkeeda sida:
1- Afka-ilmogaleenka oo jilco soona gaabto
2- In dahaarka uurjiifka uu qarxo kadibna xab-biyoodka ay soo daataan.
3- In afka-ilmogaleenka uu weynaado uuna furmo
4- In minka uu giigsamo, uurjiifkane banaanka u soo saaro.

Foolis waxaa la oran karaa markii takhtarka ama umulisada ay si artifishal ah ay foosha u billaabaan.

Qiyaastii haweenka dunida ku dhala oo idil, 5-tii haweenba mid ayaa la fooliyaa sababtuna waxay noqon kartaa dhowr sabab oo kala ah:
1- In uu jiro xanuun halis noqon karo sida macaanka iyo dhiig-karka
2- In uurjiifka uu xanuunsanyahay ama cabursanyahay
3- In uurka uu dhaafay 41 isbuuc
4- In biyahii ay dillaaceen, minkina uusan weli giigsamin.

Hadduu takhtarku ku taliyo in la fooliyo haween waxaa looga hortagaa dhi ku yimaado mid ka mid ah nolosha hooyada ama cunugeeda.

Hooyo walba waxay xaq u leedahay in lala socodsiiyo xaaladeeda caafimaad meel kasta ay marayso si ay uga qeyb qaadato go'aanka uu takhtarka gaarayo sidaa darteed inta aan lagu foolin waa in taktarkaaga ama umulisadaada ay ku usharaxdo arrimahaan soo socdo:
1- Sababta fooliska loo sameeyo iyo faaidada laga helaayo
2- Halista ka dhalan karto haddii aan lagu foolin
3- Haddii ay jirto halis ka dhalan karto foolista laftirkeeda.
4- Qaabka laguu foolin doono iyo walxaha la isticmaali doono.

Inta aan la billaabin foolinta takhtarku ama umulisada waxay fiirnayaan afka-ilmogaleenkaaga inuu is badalay iyo heerka uu marayo taasoo lagu dhisi doono go'aanka ah in lagu fooliyo iyo in kale.
qaababka fooliska waxay noqon karaan kuwaan soo socdo mid ka mid ah:
1- In la isticmaalo daawo la yiraahdo "Prostaglandin" oo soo dadijiso foosha iyadoo isbadal ku samayso muuqaalka iyo ballaarinta afka-ilmogaleenka.
2- In afka-ilmogaleenka la ballaariyo lana jilciyo iyadoo la isticmaalayo buufin loogu talagalay (waxayna umulisooyinka qaarkood adeegsadaan farahooda iyagoo yiraahda waxaa adag laastikadeeda sidaa darteed waa la jilcinayaa)
3- Isticmaaladda daawada Oxytocin tanoo soomalida u taqaanno 'Kululeyso" waxayna siyaadisaa giigsamidda murqaha minka si cunugga ay u soo saaraan.
4- In biyaha yixda gacanta lagu dillaaciyo kadibna uu minka shaqo billaabo.

Foolista intaas waa la isla isticmaali karaa ama mid ka mid ah ayaa ku filan.

Waxaa muhiim ah in aad ogaatid, sababta foolista haddii aysan ahayn afarta aan kor ku soo xusay mid ka mid ah in hooyadu u baahan karto in lagu sameeyo qalliinka uurka.
Sida in hooyadu ay kafkeeda yaryahay oo cunugga ka soo bixin karin, in Cunugga uu weynyahay, In Cunugga uu dadbanyahay uuna si sahal ku soo bixi karin ama in ay jirto cillad kale aan ahayn foosha oo dheeraatay kaliya.

Foolista waxay qaadan kartaa waqti dheer marmarka qaar waxay gaartaa hal maalin.

Haddii lagu guul daraysto foolista, takhaatiirta waxay kugula talin doonaan in lagu qalo cunuggane lagaa soo saaro.
Akhriso calaamadaha foosha: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,494.0.html
Akhriso heerarka foosha: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1702.0.html

Soomaalida maadaama aysan aqoon u lahayn waxay foolistu ay tahay iyo qaabka loo sameeyo ayaa waxaa lag yaabaa in hooyada iska dhaadhiciso in ay tahay wax halis ah ama dhib u geysan karo cunuggeeda ama iyadaba.
Meesha haweenka soomaaliyeed badankood la fooliyo iyagoo aan ka warqabin, maxaa yeelay isticmaalidda kululeysada waa nooc ka mid ah fooliska, biyaha ooo la dillaaciyo waa foolis iyadane, in afka-ilmo galeenka oo faraha lagu jilciyo iyadane waa foolis, in sumboostada daawada Prostglandin la isticmaalo iyadane waa foolis kale.

Foolis intaa ka baxsan maba jirto.

Haddii aad su'aalo caafimaad qabtid, iigu soo dir qeybta Su'aalaha: http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html
http://somalidoc.com
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   

Offline Caqli

  • Newbie
  • *
  • Posts: 8
  • Points: +0/-0
  • Gender: Female
Re: Su'aal: Maxay dumerkenu u diidaan in laga fooliyo?
« Reply #2 on: October 08, 2011, 11:03:25 AM »
salaan sare
waxaan la yaabay maskaxda kugu jirta iyo khibarada aad u leedahay qof in aad wax u sharaxdin ilaahay ha kuu siyaadiyo
fadlan ana su aashaydii iiga so jawaab khayr ayaan kuu rajaynayaa waxaaba kugu filan ducada dadkan aad wax u faa'iidayside


 

Waa maxay "Garguurato" ama "Uuryaal"?

Started by KamalBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 67308
Last post May 22, 2009, 01:41:01 PM
by SomaliDoc
Waa maxay "Angina"?

Started by SomaliDocBoard Cudurrada Guud

Replies: 0
Views: 70460
Last post February 05, 2008, 07:56:57 AM
by SomaliDoc
Su'aal: Waa maxay "Burseelku"?

Started by Ahmed_IndhayareBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 2
Views: 63281
Last post September 01, 2009, 02:23:15 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Waa maxay "gynecomastia"?

Started by AnassmBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 47843
Last post May 06, 2018, 01:17:25 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Waa maxay "Priapism"?

Started by Ahmed_CarabBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 46026
Last post January 22, 2019, 08:47:10 PM
by SomaliDoc