General Discussions > Feel Free Here

Hambalyo, Hambalyo

(1/3) > >>

Admin:
Waxaan dhamaan u hambalyeyneynaa ardayda somaliyeed ee qalin jabinaysa sanadkaan 2007 meel walba ay joogaan, waxaanu leenahay dadaalkiina meeshaas ka sii wada allahana idinka dhigo kuwii dalkooda, diintooda iyo dadkooda anfaca.

Waxaan kaloo idinka codsaneynaa in aad noo soo gudbisaan wixii warbixin ku saabsan haddii ay jiraan arday somaliyeed ee ka qalinjabinaysa maadooyinka caafimaadka ku lug leh ee wadanka aad ku nooshihiin.

Hadii ay jiraan sawiro ku aadan arintaan aadne jeceshihiin in halkaan la idinkaga soo bandhigo waad noo soo diri kartaan lakiin waa inaad soo raacisaan ardeyda jaamacada ay ka qalin jabiyeen iyo kuliyadaba.

Wixii su'aalo dheeraad ah oo ku saabsan arintaan waxaa nagala soo xariiri kartaa emailkaan info@somalidoc.com
Regards
Dr.Mahdi

Dr.Noora:
waa fikrad qurxoon i think in all laga wada helaayo ,coz mawqiceena wuxuu u baahanyahay in laga helo majaal walba iyo qism walba waana qism kamaqnaa mawqiceena , mabroooooooooook, alf mabrooooooook

Admin:
Tariikhdu markii ay ahayd 22-11 saacaduna ahayd 7 fiidnimo ayaa waxaaa isa sooo buuxiyey hoolka wayn ee shirarka ee Ribaaad al-Wadani ummad  aaad u fara  badan iskuna jirtay Somali iyo ajaanim kaleba, halkaas oo balantu ahayd in lagu qabto  xafladii ugu horaysay oo lagu maamusay dhakhatiir somaliyed oo ka qalin jabisay jaamacadaha dalka Sudan.

Xafladaan ayaa waxaa soo aabulay  ururka isku xirka arday caafimaadka ee sudan.

Xafladan ayaa  u dhacday si heer sare ah, waxaana laga jeediyey  hadalo lagula dardaarmay dhakhaatiirta  laguna   dhiiri galiyey kuwa cusub, waxaa erayo ka jeediyey  gudooomiyaha uruka Dr.maxamed xuseen xaaji muumin ,  sidoo kale waxaa kalmad ka jeediyey Dr.maxamed cali diiriye oo isagu ku hadlayey  magaca ardayda qalin  jabisay.
Waxaaa  marti sharatka ka soo qayb gashay  xafladas ka mid ahaa gudi ka socday jaaamacada  International University of Africa oo ah  jaamacada ay  dhigtan tirade ugu badan ee ardayda somaliyeed ee wax ka barata sudan, gaar ahaan kulliyada caafimaadka, gudigaas oo halkas kalmad ka jeediyey ,
Sidoo kale waxaa halkaas laga dhigay riwaayad ka hadlaysa qaabka ay dhakhatiirtu u shaqayso , iyo say shacabka wax ugu qabtaan ,

Intaas ka dib ayaa waxaa la bilabay in la takriimiyo lana gudoonsiiyo shahadooyin ardaydii  halkaas ka qalin jabisay.
Waxaa warbixinta noo soo dira:
Dr.Abdirizak Hersi

Muna1:
الف الف مبررررررررررررررررررك :D

Pharmacist:
Masha'lah, allaha idin barakeeyo
Mabruuk saaxiibayaal, ilaah ha idin ka dhigo kuwii walaalahood wax u tara.
Waxaan kaloo u mahad celinayaa webkan oo na is baray, meelna nagu kulansiiyay.
Real Pharmacist

Navigation

[0] Message Index

[#] Next page

Go to full version