Malabka iyo Malayka sidooda uma keenaan dhibaato xagga uurka ah, ilmahane ma soo ridaan.
Labadaba waa labo maaddo oo faaido fiican ugu jirta hooyada xaamilada ah, waxa laga helo oo faaido ahne halkaan laguma soo koobi karo.
Welina ma dhicin in la isku waafaqay in malabka iyo malayga ay ilmaha soo ridaan ama hooyada uurka leh ay wax gaarsiiyaan, laakiin waxaa dhici karto in jeermis ku soo dhex dhuuman karo ama sun ay soo raaci karto sida kor lagu sheegayba, intaa wax ka baxsan oo dhibaato ah kale ma keenaan.
Tusaale ahaan malabka waxaa ku dhex tarmi karto bakteeriyada kor lagu xusay, taasoo takhaatiirta ay ku taliyaan caruurta ka yar hal sano in aan la siinin malabka maadaama ay bakteeriyadaas difaac u heysan oo ay dhibaato gaarsiin karto hadduu malabka jeermiskaas leeyahay, laakiin lama sheegin in hooyada xaamilada ah aan la siinin caruurtane waxaa looga fogeeyay waxaa waaye in baktereiyadaas ay calooshooda la dagaallami karin.
Haddii xitaa bakteeriyadaas ay hooyada ka qaaddo malabka, uma gudubto cunugga caloosheeda ku jiro oo kama tilaabi karto mandheerta ama ibida oo wax dhibaato ah uma keysan karto uurjiifkeeda.
Midda malayga isagane waa sidoo kale oo cabsida ah in heerka sunta meerkuriga uu ku badnaan karo malayga ayna dhici karto taasoo hadduu dhiigga hooyada aad ugu bato uu keensan karo in korriinka maskaxda uurjiifka uu wax gaarsiin karo, waana sun ka gudubta ibida laakiin ariimahaas dartood waxaa loo sheegaa taxaddar ee wax cilmi ahaan la hubiyay maahan.
Marka talo ahan waxaan u soo jeedin lahaa hooyada uurka leh, in malabka uu yahay maaddo nafaqo iyo caafimaad dhinac walba leh eebbene noogu sheegay qura'aankiisa kariimka ah sidaa darteedne in ay ku dadaasho khaas ahaan malabka waxaa lagula tacaalaa wallaca (lalabada iyo matagga uurka) oo in biyo lagu qaso oo la khafiifyo ayaa la cabaa subaxdii hore, markaas hooyada xaamilada ah waxay ka helaysaa energy mana ku lalaboonayso, ka akhriso halkaan qoraal ku saabsan Wallaca (Morning Sickness):
http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,200.0.html.
Haddii hooyada ay dhashane waxaa lagula taliyaa in ay malab cabto si minka uu usoo nadiifiyo oo wixii xinjiro ama wasaq ku hari lahaa oo laga yaabi lahaa in infection gadaal ka dhaliyaan, malabka si cajiib leh ayuu u soo bixiyaa oo minka nadiif ayuu uga dhigaa.
Waxaa muhiim ah in malabka sidoo kale la badsado cabistiisa bisha ugu dambaysa ee uurka maadaama uu mruqaha minka adkeeyo kuna caawiyo uurjiifka inuu kafka soo galo oo bixitaankiisa soo dhawaado taasoo foosha saacidi karto ama soo dadajin karto dadka foosha ku culus tahay.
Waa muhiim hooyooyinka leh dilanka soo laalaabto ama dhowr jeer ilmaha ka dhicisoobeen in ay ka fogaadaan cabista malabka bilaha dambe maadaama murqahooda minka ay cilald ka jiri karto oo ay dilmi karaan ama dhicis ay dhali karaan iyadoo waqtigii uusan dhamaysan.
Intaas waa faaida yar ee hooyada xaamilada ah ay ka heli karto malabka.
Qoraalkaan ka akhriso waxtarka malabka oo kooban:
http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,3929.0.html
Haddii aad su'aalo dheeraad ah qabtid ama faahfaahin aad u baahan tahay, fadlan ku soo gudib halkaan:
http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html
http://somalidoc.com