Diseases and Conditions > Qaybta Su'aalaha
Su'aal: Isticmaalka Computerka ama internetka oo qofka balwad u noqda ?
Hassan-Deeq:
Asc wr wb dhamaan howl wadeenada websiteka somalidoc.com iyo dhamaan shacab weynaha somaliyed ee ku xiranba
Salaan kadib waxaan rabaa in aan waydiiyo doctorska sharafta badan jirooyinka laga dhaxli karo computerka oo waqti badan la dulfadhiyo sida aan ognahay dad badan ayaa waqti badan ku lumiyo dul fadhiga aalada internetka ama isticmaalka computerka oo ay ku noqotaa balwad uusan qofku iska goyn karin aakhirkana laga yaabo in uu ka dhaxlo cuduro halistooda sidee ugu sahlan oo loga hortagi karaa inuusan balwad kugu noqon maxaase laga dhaxli karaa hadii uu balwad kugu noqdo sc wr wb ?
SomaliDoc:
Computerka oo in muddo ah la hor fadhiyo wuxuu dhaawc gaarsiin karaa aragga oo wuxuu keenaa cudur loo yaqaanno "Computer Vision Syndrome", halkaan ka akhriso su'aal hore: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,3453.0.html
Wuxuu kaloo dhaawac gaarsin karaa lafdhabartaada haddii si qaab darro u fadhisid muddo dheer: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,4526.0.html
Wuxuu kaloo dhaawac gaarsiin karaa qaab fakarka maskaxda iyo diiraad saaridda waa haddii aad in muddo ah aadan hurdin.
Computerka maahan aalad laga maarmi karo laakiin waxay u baahantahay in la xadido isticmaalkiisa si uusan dhibaato kuu gaarsiinin.
CMD Adde:
Asc,
Waxaan Ugu Horeyn Salaamaya Dhaqaatiirta Sharafta Leh Ee Isu Xilqamay Si Bilaah Ah Wax U Qabadka Umadeena Aadbaana Ugu Mahadsantihiin Caawinta Aan Laso Kobi Karin
Allahna Ajir Ha'idinka Siiyo,
Hadii Aan U Gudbo Point-ga Ii Muhiimka Ah Ee Uu Dhaqtarku Soo Qoray Ee Ah ==> ( Wuxuu kaloo dhaawac gaarsiin karaa qaab fakarka maskaxda iyo diiraad saaridda waa haddii aad in muddo ah aadan hurdin )
Xaqiiqatan Arrintaas Iyada Ah Ayaa I Haaysato Hadda , Oo Aan xitaa Si Private Ah Messeg Kugu Soo Diray Iyadoo Aan Sida La Rabo U Sharxi Kari Wayey Balse Si Muhiimadeeda Leh Aad adiga Uga Dhawaajisay,
Dr- 5 Years Computerka howlihiisa iyo ku dhafridiisa dhexda ayaan uga jiray , ilaa iyo hadana waan ku jiraaa, Balse Hada Kuma Dhafro
Marka Sideen Uga Soo Kaban Karaa Saameyntaas Uu Horay Iigu Geystay ? Ee Aad Qaarkood Adiga Ka Dhawaajisay !!!!!
Waxaan Rajeeynayaa Inaad Si Fiican Iigu Dhago Nuglaan Doonto,
Aad Baad U Mahadsantahay
*
Allah Mahad Iskaleh.
SomaliDoc:
Haddii aad ku walfaddii komputerka iska joojisay, waxaan rajaynayaa in aad caafimaadkaagii hore soo ceshan doontid inkastoo waqti ay qaadan karto maxaayeelay badanaa maskaxda haddii la saaro stress badan sida nooca aad ka dhawaajisay oo kale waxay hawlgabiyaan unugyada maskaxda qaar ka mid ah "Neurons", in unugyadaas ay shaqadoodii dib u billaabaan kaliya ayay ku xiran tahay in aad sidaadii hore ku laabatid.
Inta ka horreeyso ku adkayso go'aankaagii ahaa in aad ku dhafridda kumbuyuutarka aad joojisid, haddii aad saacad ama laba saac xiriir ah aad dul fadhiso in aad ka istaagto oo 20 daqiiqo u soo nasato ku dadaal.
Waxaan kuu rajaynayaa caafimaad badan.
CMD Adde:
Aad Baad U Mahadsantahay Dre,
Aad Baana U Jeclaan Lahaa Inaad Ii Sii Tilmaanto Hadii Eey Jiraan Qaar Cuntada Ka Mid Ah Oo Ka Qeyb Qaata Kobcinta "Neurons"ka,
Allah Macaak Mar Waliba.
Navigation
[0] Message Index
[#] Next page
Go to full version