Author Topic: Su'aal: Markii aan xaaskayga damco, waxba ma awoodo?  (Read 6393 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Nuur12

  • Jr. Member
  • **
  • Posts: 49
  • Points: +0/-0
Su'aal: Markii aan xaaskayga damco, waxba ma awoodo?
« on: February 24, 2012, 07:57:06 PM »
waad salaaman tihiin taqaatiirta sharafta leh iyo aqyaarta webkan isticimaasha in taa ka dib waxaan qabaa 2 suaal nin saaxiibkay ah oo dhalin yaro ah ayaa mehersaday gabadh wuxuu yidhi nin kaa si mucjiso ayaa i heshay ninkaa si wuxuu sheegay in marka uu isdhaho xaaskaaga aad ee diyaargaroobo la mid noqonaayo mid aan meeshaba joogin wuxuuyidhi waxaan noqonayaa wax aan midh dareen ah lahayn sida uu ii sheegay marka uu meelahaa joogo waxaan ahay caadi buu yidhi marka aan xaaskayga u tagayo baan qadka ka baxayaa maxaa dhacay maxaad ku salayn lahaydeen maxaa kula talin lahaydeen taasi waa taa


 midkale oo aan layga jaahil saarin inamada yaryar malagudi karaa markay dhashaan markay todoba baxaan markay afartan baxaan iwm ma jirtaa ilko dawaco mise majirto waad mahadsantihiin
    



su aashan waxaan idin waydiiyay 8/2/12 waa mudo laga joogo 16 casho sida shuruudihiina ku jirta waxaad ku sheeg teen 7casho su aalahan inbadan baan baadhay maan helin haday ku jirto hidlinka ii soo dhiga hadii kale ii gasoo jawaaba idin ka oo raali ah thanks




Offline Koow

  • Newbie
  • *
  • Posts: 3
  • Points: +0/-0
  • Gender: Female
Re: Su'aal: Markii aan xaaskayga damco, waxba ma awoodo?
« Reply #1 on: February 28, 2012, 12:16:32 PM »
ASC,
Walaal aniga dhaqtar maahi laakin waxan ahay qof qisadaas oo kale la soo kulmay waxana ani ahaan kugula talin lahaa in aad quraan isku aqrido oo xitaa xaaskaaga  eey kugu aqrido allena aad weydiisataan in uu amuurihiina idiin saqiro adinka iyo inti muslim ah oo idinla mid ahba.
Waxana muhiim ah in aad alle talada saarataan oo arinkaas uusan mugdi idinku abuurin  aadna niyeysataan in wax walba ay sidi hore ku soo noqon doonaan insha allaah.
Wabillaahi towfiiq

Offline Hassan-Deeq

  • Newbie
  • *
  • Posts: 13
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
Re: Su'aal: Markii aan xaaskayga damco, waxba ma awoodo?
« Reply #2 on: March 12, 2012, 07:03:26 AM »
Asc wr wb ustaad Nuur salaan kadib
Akhi fillaah waxaa jirta sheeko aan ka maqlay nin aan saaxiibo nahay taasoo ah in nin ay saaxiib ahaayeen ay qisadaan mid lamid ah ku dhacday balse ninka qisadani ku dhacday waxaa la sheegay in dhibaatadu kasoo gaartay naag hore oo uu qabi jiray oo ay kala tageen taasoo adeegsatay sixir intay u tagtay nin sixiroole ah ayay tiri waxaan rabaa ninkaas inaad dareenka ka qaado su uusan gadaashay naag dambe u hawaysan ninkiina sidaas ayuu howlgab ku noqday oo dareenkiisii ku waayay in mudo ah markuu sidii ahaa ayuu waagii dambe gabar wadaad ah shukaansaday isagoo aan waxba ka qarin una sheegay sida xaalkiisu yahay balse qof iimaan leh ayay ahayd waxay u sheegtay in uu sheikh u tago qur'aana isa saaro wiilkii sidii ayuu sameeyay sadex habayn markii qur'aan la saaray ayay gabadhii tiri waan guri galaynaa oo diyaar ma tahay ninkii isagoo walwalsan ayuu sidii gabadhii kula guri galay nasiib wanaagsan ninkii ilaahay cudurkii waa ka saaray bishii u horaysayna gabadhii uur ayayba yeelatay waxaa iigu dambaysay ninkii oo qur'aankii u socdo xaaladiisana ay wanaagsan tahay niyad xumadii iyo kurbadii haysatayna ilaahay uu ka fayday marka sida walaalka ee koow wata uu kugula taliyay waxaan aniguna qabaa inaad qur'aan isa saartid ilaahayna talo saaratid insha allaah ilaahay wuu kugu caafinayaa reerkaagana si wanaagsan ayaad u dhaqan doontaa ilaahay ayaan kaaga baryayaa inuu culayska arintaas kaa haysta kaa dulqaado wabilllaahi towfiiq wasalaamu calaykum waraxmatullaahi wabarakaatuhu>