Author Topic: Su'aal xanuun indhaha ah?  (Read 4351 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Barkhat

  • Jr. Member
  • **
  • Posts: 46
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
Su'aal xanuun indhaha ah?
« on: March 22, 2012, 03:47:29 PM »
Asc walal marka hore waan idin salaamaya dhamaantiin, gaar ahaan waxaan halkan salaan qaaliya uga gudbinayaa diktoorada somalidoc.com,
bacda salaan walal waxaan doonayaa in la iiga jawaabo hal su'aal oo ah,
gabadh da'deedu tahay 23-sano ayaa indhaha ka cabanaysa ilaa in mudo sanad iyo dheeraad ah ayay indhaha ka cabanaysaa markaad sidaa u eegtana isha waxaad ka dareemaysaa meelo
buurbuuran ama finan kasoo bexeen, finkaa kasoo baxayaa maaha sidii finankii la arki jiray ee dilaaci jiray, waxay kasoo baxayaa isha xageeda dambe halka baalka sare kasoo bilawdo, mar marna waxayba kasoo baxaan baalka isha ee hoose,
waana wax soo buuran oo aad fiix ama fin aad moodid weliba anigu markaan u fiirsaday waxaan ku sheegi karaa waxaasi inuu fiix oo kale yahay, hadaan ka waramo xaga xanuunka:
xanuunkiisu wuxuu u badanyahay cuncun iyo garaac marmar ah,
xiliyada qaar ka mid ahna wayba iska ladnaadaan oo way baaba'aan ama yar yaraadaan,
mar ay dhakhtar u tagtayna waxa lagu yidhi waxani waa fiix oo waa lagaa jarayaa.

markaa iminka waxaan idinka codsanayaa dhakhtaradu inay iga caawiyaan ama ii sharaxaan xanuunkani waxa uu yahay
iyo hadii laga saaro ama qaliin lagu sameeyo waxa uu noqon karo?
walal fadlan cilmigiina igu caawiya oo cudurkan waxa uu yahay iisoo sheega iyo waxa uu yahay?


walal waan idin salaamaya dhamaantiin mahadsanidiin.


Dhamaan Ummada Soomaaliyeed, Waad Wada Salaamantiin Meelkasta Oo Aad Joogaan.


Offline Barkhat

  • Jr. Member
  • **
  • Posts: 46
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
Re: Su'aal xanuun indhaha ah?
« Reply #1 on: March 23, 2012, 01:54:48 AM »
walal waxaan kaa ilaaway xanuunku isha gudaheeda maaha, balse labada baal ayuu ku koobanyahay.


waad mahadsantihiin mar labaad walal.
Dhamaan Ummada Soomaaliyeed, Waad Wada Salaamantiin Meelkasta Oo Aad Joogaan.

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal xanuun indhaha ah?
« Reply #2 on: April 06, 2012, 05:45:54 PM »
Xanuunka waxa uu yahay ma sheegi karo haddii aanan arkin finanka aad tilmaamaysid, finanka ka soo baxo isha waxay noqon karaan noocyo badan oo ay ka mid tahay, caabuq, fiix iyo waxyaabo kale.

Midda kale inta aan qalliin lagu samaynin, mala xiriirtay takhtar indhaha ku taqasusay oo aqoon u leh? mise takhtar guud ayaa u ugeysay?
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: Xiniiyo Xanuun iyo Xiniiyo Dheeraansho?

Started by Ahmed Ali MohamoudBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 35345
Last post August 10, 2015, 11:08:40 AM
by SomaliDoc
Su'aal: Wadna xanuun iyo wadna garaac jogto ah?

Started by Fitah KhanBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 4
Views: 34686
Last post September 16, 2016, 09:11:55 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Xanuun xiniinta midig iyo lugta midig?

Started by DaadireeyBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 0
Views: 25487
Last post April 13, 2017, 11:46:51 AM
by Daadireey
Su'aal: Madax xanuun badan, xanaaq badan hadaan hurdo maskaxda wey shaqeeynee?

Started by AweisBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 44101
Last post March 09, 2011, 10:28:48 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Xanuun lugta xaga hoose ee u dhaxaysa labada kuraamood kuna qotonta cidhibta?

Started by GaadhhayeBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 31314
Last post December 23, 2010, 07:28:23 PM
by SomaliDoc