Author Topic: Su'aal: Neefta?  (Read 4286 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Bardacad33

  • Newbie
  • *
  • Posts: 17
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
Su'aal: Neefta?
« on: March 31, 2012, 04:02:21 PM »
walaal waan idin salaamay salaan ka diba suaasha aan qabo walaa hooyo neef qabta ma u gudbinkar taa
ilmaha ay dhasho maxaasa nefta iyo burukii tada la gu daween ka raa




Offline Dr.Adnan

  • Hero Member
  • *****
  • Posts: 280
  • Points: +15/-0
  • Gender: Male
  • “The first wealth is health.”
Re: Su'aal: Neefta?
« Reply #1 on: April 04, 2012, 01:42:41 AM »
Neefta iyada oo faahfaahsan ka akhriso halkan....http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,351.0.html

Marka hore inta aadan ku sheegin qofku inuu neef qabo, Waxa jira xanuuno farabadan oo sawaabiya ama u eg Neefta gaar ahaan dadka waawayn, Sidaa aawadeed mar walba waxaad u baahantahay inaad la xidhiidhto dhaqtar si uu kuugu xaqiijiyo in cabashadu tahay mid la xidhiidha Neef amasa Xanuun kale.

Neeftu maaha cudur faafa oo lagu kala qaado marinada Hawada amaba dhiiga iyo dareerayaasha Jidhka (Bodily Fluids) , Qofka neefta qabaa ma qaadsiin karo dadka ku xeeran xanuunkan marnaba.

Dhinaca caruurta iyo u gudbinta ubadaka, Aragtiyo farabadan ayaa jira. Si Neeftu kuugu dhacdo waxa aad u baahantahay in dhawr arrimood isku kaa haleelaan (Multi-factorial), Waxa u horeeya degaanka iyo Koriinka (Environmental) , Hidde in qofku u leeyahay (Genetics), IWM. Dhinaca Hiddaha aragtiyo badan oo aan caddeyn adag loo hayn ayaa odhanaya, Dhinaca hooyada in laga qaadi karaa. Laakiin sida Caamka ah ma Jiraan Hiddo-sidayaal u gaar ah oo loo aqoonsaday in la iskugu gudbiyo Neefta, Xaddiga ama tirada isu gudbisaana waa mid aad u yar.

**Ruuxaan Dantiisiyo aqoon, waxa daryeelaaya**
**Inuu Deeqda Eebahay ka qaday, dib u xusuusnaada**
Hadraawi...


 

Su'aal: Neefta xaga danbe ka imaato (dhuuso)?

Started by Ilias AbdiBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 3806
Last post April 12, 2016, 04:36:06 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Cudurka Neefta ma la kala qaadaa?

Started by Hibaq11Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 5230
Last post June 20, 2015, 04:49:22 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Waxaan dareemaa in neefta igu adkaanayso?

Started by Abdiwali MahamedBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 3172
Last post February 18, 2016, 01:14:48 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Qufac xab leh kadib neefta igu dhageyso?

Started by SaadikBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 3964
Last post November 27, 2018, 06:41:57 PM
by SomaliDoc
Su'aal. Xabad Xanuun iyo neefta oo dhib ah?

Started by Mustafe HanadBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 9911
Last post April 04, 2022, 11:14:14 PM
by Milica_soomali