Hurdada duhurkii waa la isku waafaqsan yahay in ay faaido u leedahay qof walba oo jiifto ha ahaado caruur ama qof weynba, inkastoo faa'idada caruurta ay ka helaan ay aad uga badan tahay dadka waawayn.
Diinteenana waa ay na fartay in aan jiifsano duhurkii maadaama uusan shaydaanka jiifanin.
Waxaa arintaan laga sameeyay cilmibaarisyo kala duwan ku waasoo lagu ogaaday in duhurka oo la jiifto in laga faaidaysanayo dhowr arrimood oo ay ka mid tahay:
- Waxay kordhisaa feejignaanta: baaritaan ay samaysan hay'adda NASA waxaa lagu ogaaday hadduu qofka jiifsado 40 daqiiqo in ay ku filan tahay in feejignaantiisa ay gaarto 100%, tamarne uu ka helayo.
- Waxay kobcisaa waxbarashada iyo shaqaa maskaxda, qofka markuu jiifsado, xasuustiisa way siyaadaa sida la arkay.
- Waxay isku habaysaa warbixinnada maskaxda lagu keydiyo, qofkane wuxuu soo kacaa isagoo nastay, awoodne u leh in uu warbixin cusub ku keydiyo maskaxdiisa, hilmaankane wuu ka yaraadaa, waxay arrintaan ay dhakhaatiirta ku tilmaamaan in macluumaatka maskaxda lagu samaynayo "defragment" waa eraybixin ay garanayaan dadka cilmiga computer-ka yaqaano taasoo oo macnaheeda ah in warbixinada maskaxda ku jirto in sida ay isku leedahay loogu keydiyo maskaxda taasoo u sahlan qofka xasuusteeda iyo inuu macluumaat cusub si sahlan maskaxda ugu keydiyo
- Qofka waxaa ka yaraado diiqada iyo wewelka, hormoonka u qaabilsan stress-ka ee Cortisol wuu yaraadaa, taasina waxay ka badbaadisaa qofka dhibaatooyin caafimaad badan oo ay ka mid tahay: korriin xumo, sonkorow, dhiigkar, hilmaan, xifdin la'aan iyo cudurrada wadnaha ku dhaco.
Faaidooyinka ay leedahay duhurka oo la jiifto mid la soo koobi karo maahan ee akhristow haddii aadan jiifanin duhurtii faaido badan ayaa kaa maqan, haddii aad arday tahay oo aad rabtid in aad waxbarashdaada ku sara martid, duhurkii jiifo, kadibna wax akhris u fadhiiso, waad ku guuleysan doontaa ilaahay idinkiis.
Inkastoo dadka qaar aysan u suura galaynin in ay hurdo helaan xilligaas maadaama waxbarasho ama shaqo lagu maqan yahay, laakiin qofkii fursdaan heli karo, haka faa'idaysto.
Baaritaan lagu sameeyay arday dhigato jaamcad ku taallo dalka ingiriiska, waxaa la arkay in ardayda jiifato duhurkii ay 20% ay ka horreeyaan xagga dhinac kasto ardadyda aanan jiifanin, waxaa la is barbar dhigay xaga firfircoonida, xasuusta, xifdinta iyo farxada iyo la jaanqaadka dadka kale.
Inta ugu yar ee faa'ido lagu heli karo waxay cilmibaarayaashu ay sheegeen 20 daqiiqo "20-minute nap" in la hurdo duhurkii, waana waqti kooban uu qofka ka heli karo jadwalkiisa, haddii aad firaaqo fiican haysatid, 1 saac waad ku helaysaa wixii faa'ido ah ilaahay idinkii.
Wixii diinteena suuban ay na farto, kheyr baa ku jira dhinac walbee, halaga faa'idaysto.
Akhriso qoraal ku saabsan hilmaanka iyo wax xifdin la'aanta:
http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,4524.0.html
Haddii aad su'aalo caafimaad ah qabtid iigu soo dir halkaan:
http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.htmlhttp://somalidoc.com